Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo ka hadashay xukun ay Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku riday suxufiyiinta Haatuf

0
108

Maanta, 25 June 2014, Maxkamadda Gobolka Hargeysi waxay ku xukuntay laba suxufi oo ka tirsan wargeyska Haatuf xadhig u dhexeeya sadex ilaa afar sano iyo lacag dhan koton milyan oo Somaliland xarunta xuquuqalShillings ah. Yusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, waxa lagu xukumay sadex sano halka Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, lagu xukumay afar sano. Maxkamaddu waxay sidoo kale kala noqotay ruqsaddii uu ku hawlgelayay wargeyska Haatuf.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xukunka maxkamadda oo xadgudub ku ah qodobka 32 ee dastuurka Somaliland.

 Dhegaysiga dacwadda ka dhanka ah suxufiyiintu wuxuu bilaabmay kadib markii 7dii April 2014 la xayiray wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times.

 Dhegaysiga dacwaddu wuxuu ahaa mid aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo halbeegyada caalamiga ah. Suxufiyiinta la soo eedeeyey lama siin fursad ay isku difaacaan taas oo ka soo horjeeda qodobka 28(2) ee dastuurka iyo qodobka 116 ee Xeerka Habka Ciqaabta. Maxkamaddu waxay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalintii dacwadda soo oogtay.

 Qareenada u doodayay suxufiyiinta oo aan ka soo qayb-gelin dacwadda, waxay u sheegeen Xarunta in xukunka maxkamaddu uu yahay mid aan xaq ahayn oo cadaalad darro ah. Xasan Cali Xasan oo qareen u ahaa suxufiyiintu wuxuu noo sheegay in garsoorihii dacwadda qaadayay caqabad ku noqday inay gutaan wajibkooda sidaas darteedna inaanay fursad u helin inay difaacaan suxufiyiinta. Qareenadu waxay si buuxda uga qaybgaleen hal dhegaysi qudha. Dacwaduna waxay socotay iyada oo aanay joogin qareeno difaaca eedaysanayaasha.

 Maxkamaddu halkay ka dabaqi lahayd Xeerka Saxaafadda, waxay raacday Xeerka Ciqaabta oo ah xeer guud oo gaboobay. Taasina waxay ka soo horjeedda qodobka 130(5) ee dastuurka oo dhigaya in xeerarkii ka horeeyey dastuurka la dabiqi karo oo keliya hadii aanay ka hor-imanayn xuquuqda qofka iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee ku dhigan dastuurka. Qodobku wuxuu sidoo kale dhigayaa marka la sameeyo shuruuc cusub in xeerarkii hore aan la dabiqi karin. Xeerka Ciqaabtu wuxuu ka horeeyey dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay muujinaysaa sida qotada dheer ee ay uga welwesan tahay ficilada adag ee ka dhanka ah saxaafadda madaxa banaan. Xaruntu waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan ay u buriso xukunka, u sii dayso suxufiyiinta ugana qaado wargeysyada xayiraadda saaran.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiye,

Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Contact:

www.hrcsomaliland.org

Email: dafac02@hotmail.com

Mobile: +252 (0) 63 4468227