Weftigii Somaliland ee Taleex ka soo laabtay oo xalay garoowe af-ka uga galay markii ay Jidka ka Lumeen

0
106

Garoowe oo laga qaxay markii ay arkeen Iftiinka ciidanka Somaliland oo ku dhawaaday iyo weftiga oo dib usoo noqday

ta;leeLaascaanood(Waaheen) Weftiga Somaliland ee gaadhay Taleex ayaa caawa u kolonyaystay dhinaca Garoowe kadib markii ay jidka ka lumen, waxaanay ka soo noqdeen Duleedka magaaladda Garoowe, halkaas oo Iftiinka baabuurta laga qaxay.

Weftiga ayaa goor fiid ah ka soo baxay magaaladda Taleex si ay ugu soo hoydaan magaaladda Laascaanood, hase yeeshee waxay mareen wado qaldan oo toos u galaysa Garoowe, taasoo ay ka war heleen marka ay marayaan meel magaaladda u dhaw.

Mid ka mid ah saraakiisha weftiga ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey inuu weftigu lumay balse markii danbe ay jidka dib usoo qabsadeen kuna soo dhaw yihiin magaaladda Laascaanood.

Telefoonada weftiga ayaa lagu war helay iyaga oo xadka ka baxay ama qaarkood ay ka jawaabayaan shaqaalaha shirkaddaha Puntland, sidaa waxa mar kale Farrinnews.com u sheegay qof shicib ah oo Hargeysa kala xidhiidhay.

Weftiga oo ka soo baxay Taleex ayaa mudadii la filayey in uu ku soo gaadho Laascaanood la waayey, waxaana mar qudha la isweydiiyey waxa ku dhacay, hase yeeshee waxa markiiba la ogaaday in dhibi jirto, taasoo noqotay markii danbe Lumitaanka ay jidka ka lumeen.