Tahriib iyo Kootarabaan sharci daro ah oo si xawli ah uga bilaabmay Buluxaar iyo Lughaya dhexdooda

0
56

Lughaya(Waaheen) wararka ka soo baxaya deegaanka xeebta ah ee u dhaxeeya Lughaya iyo Bulaxaar ayaa sheegaya inay ka bilaabmeen Tahriib iyo Kootarabaan sharci daro ah, kuwaas oo laga soo dajiyo lagana dhoofiyo Dad iyo qalab ganacsi.

lughaIlo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ka dayrinaya xawliga ay arrimahani ku socdaan, kuwaas oo ka soo cusboonaaday xeebta waqooyi ee u dhaxaysa labadaas deegaan oo indhawaale laga nastay kadib markii ay Xukumaddu culays saartay ilaalintooda.

Shirkaddo iyo mukhalasiin isku xidhmay ayaa bilaabay inay dadka ka Tahriibiyaan xeebtan kuwaas oo geeya intay doonyo ku qaadaan dalalka Jabuuti, Yemen illaa Sacuudiga, halka kuwo kalena ay ka soo dajiyaan alaabo ganacsi oo ay ugu badan yihiin Hubka fudud.

Saraakiisha Amniga ayaa u muuqda kuwo aan talaabo ka qaadin Ololahan ka socda xeebta waqooyi ee u dhaxaysa Lughaya iyo Buluxaar oo ay xukuumaddu kala kulantay wakhtigii ay ka soo dagi jireen Maleeshiyooyinkii ONLF-ta ee ka soo laaban jiray dalka Eratariya, kuwaas oo Sumcad xumo usoo jeediy waagaas Somaliland.

Arrintan ayaa haddii aan laga hor tagin keensan karta in shabakado khatar ku ah amnigu ku soo xidhmaan, iyadoo Xilligan la ogyahay Dalalka jaark ah sida Jabuuti iyo Itoobiya inay xidheen xuduudahooda kadib markii ay Somaliland si sibiq ah ku dhex mareen dadkii ka fuliyey qaraxyada dalalkoodaasi.

Warbixino ka dayrinaya dhaqdhaqaaqa ka soo cusboonaaday Xeebta waqooyin ee Somaliland ayaa loo gudbiyey xukuumadda sida ay Ilo wareedyo muhiim ahi Farriinnews.com u xaqiijiyeen, hase yeeshee aanay illaa hada waxba ka qaban.