Odayaal ka socda Dir-ka Koonfureed oo saaka Hargeysa ka soo degay

0
118

Hargeysa(Waaheen) Odayaal ka socda beesha Dir ee Koonfurta Somaliya ayaa manta ka soo degay madaarka Caasimada Hargeysa, kuwaas oo ka kooban lix Qof iyo Gabadh.

madaarkaLama oga illaa hada ujeedada socdaalkooda, hase yeeshee warar aanu ka helnay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ayaa sheegay in uu marti-qaaday Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.

Odayaashan ayaa la filayaa inay Somaliland u yimaadeen dagaaladda ka socda Deegaanadooda sidii looga taageeri lahaa, waxaana la filayaa inay kulamo la yeelan doonaan qaybaha Bulshada.

Odayaal ka trsan Beelaha Direed ee Koonfurta Somaliya ayaa mar hore Dalka u yimi qaylo dhaan la xidhiidha ta ay imika u socdaan ee ah dagaalada ka dhacaya deegaankooda ee ay beelaha Hawiye ku barakaciyeen.

Wakhtigaas xaaladda ay imika ku jiraan way ka sahlanaayeen, hase yeeshee waxay ka digayeen inay ku soo fool leedahay dhibaatada imika haysataa.

Xukuumadda Somaliland iyo qaynaha bulshada ayaa wakhtigaas kulamo gaar gaar ah u sameeyey, waxaanay Dalka ka dhoofeen iyada oo ay Farriintoodii meel kasta gaadhay.

Dagaalka Beesha Hawiye ku qaaday Beelaha Direed ee Koonfurta Somaliya gaar ahaan dhulka Beeraha u Hodanka ah ayey qaybaha bulshada Somaliland si weyn uga hadleen, waxaanay ku dhaliileen beesha Hawiye barakaca iyo Xasuuqa ay kula kacday dadkaasi.