Wasiirka wasaaradda Duulista oo Hay’adda ICAO kula Garnaqsanaya Kiiniya

0
116

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa doraad dalka ka dhoofay, waxaanu safar shaqo ku tagay Dalka Kiiniya sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay wasaaradiisu.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa la filayaa ujeedada safarkiisu inay la xidhiidho hadalkii uu wasiirka Gaadiidka Cirka ee Dalka Somaliya ku sheegtay in uu maamulkii hawada Somaliya ee ay qaramada midoobay haysatay kala wareegay.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa lagu wadaa in uu talaabadan Somaliya ku dhaqaaqday kala soo hadli doono masuuliyiinta Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Dalka Kiiniya, halkaas oo uu kulamo Garnaqsi ah kula yeelan doono.

Go’aanka Dawladda Somaliya ku dhaqaaqday ayaa ka hor imanaya Heshiiskii wadahadalada Somaliya iyo Somaliland ku gaadheen qoddobka Maamulka Hawada, kaasoo la isla qaatay inay labada Dal si siman u wada maamushaan hawadooda, iyadoo la isku ogaa inay hawshaas fuliyaan Guddi labada dhinac ka kooban.