Siro ku Qarsoonaa Tanaasulkii Muuse Biixi Saqda dhexe ula tagay Siilaanyo oo fashilmay

0
195

Hargeysa(Waaheen.com) kulan saaka ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi mar kale ku kala boodeen ayaa kashifay Sirro qarsoonaa oo u  muuqda in Muuse Biixi lagu soo xero galiyey intii aanu Madaxweyne Siilaanyo uga Tamaasulin Musharaxnimada isla markaana aanu qiran in Siyaasadda lagaga badiyey.

mmmmSiraha Qarsoonaa ee Muuse Biixi Guntiga ku haystay balse uu la maaganaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegayaa inay ka koobnaayeen dhawr Qoddob oo kala ahaa in Shan Wasiir oo xukuumadda ah Xilka looga qaado, shan kale oo uu watana loogu bedelo.

Haddii ay taasi dhici weydo ama laga yeeli waayo-na waxa uu qorshihiisa kale ahaa baa la leeyahay in shan wasiir oo dheeraad ah loogu darro Golaha Wasiiradda, kuwaas o oak soo jeeda taageerayaashiisii.

Sidoo kale, waxay wararka ka soo baxaya kulankii maanta ee dib loogu dhigayey qabsoomida shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye sheegayaan Muuse Biixi in uu qorshihiisu ahaa in uu ka dalbado Madaxweyne Siilaanyo dhaqaale uu soo xisaabsaday oo ah Mag-dhaw.

Waxa kale, oo ka mid ahaa qoddobada Muuse Biixi damacsanaa in uu Madaxweyne Siilaanyo hor furro qorshe ah in Maamulka Xisbiga isaga loo daayo, maadaama oo uu ka tanaasulay qoddobadii ay isku hayeen Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ee ahaa Liisaska Golaha Dhexe iyo Fulinta.

Qoddobadan Muuse Biixi maanta la Gole tagay Qasriga Madaxtooyadda oo aanu u helin fursad uu ku bandhigo kadib markii ay Madaxweyne Siilaanyo isku mari waayeen dibu-dhigida shirka Golaha Dhexe ayaa la sheegayaa qaarkood in uu kala shaqaynayey sidii looga aqbali lahaa Maxamuud Jaamac Sifir oo uu saaka u kaxaystay kulanka ay isku maandhaafeen isaga iyo Madaxweynuhu.

Sidoo kale, waxa qorshayaasha qaarkood la soo qorsheeyey Cali Gobanimo oo ah mukhalaska koowaad ee Muuse Biixi Galiyey dabinkii uu ku Tanaasulay, kaasoo u adeegsaday Ganacsatada Beeshooda, waxaanay wararku sheegayaan in isla maanta warar badani ka soo baxeen kooxdan markii shirka ay ku kala kaceen Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Qorshayaashan qarsoonaa ee maanta dil dilaacay ayaa ah kuwo noqday Saanbuuse laga Eedaamay, maadaama aan Miiska la soo dhigin ka hor intii aanu Muuse Biixi goor saq badh ah Qolka Hurdada looga soo toosin Madaxweyne Siilaanyo, xilligaas oo la geeyey iyadoo la duduucayey.

Si kasta ha ahaatee, kulanka Maanta Madaxweyne Siilaanyo ku go’aamiyey in shirkii Golaha Dhexe Dib loo dhigo ayaa u muuqda mid Muuse Biixi qorshayaashiisa burburinaya maadaama khilaaf hor lihi maanta ka dhex curtay, waxaanu khilaafkan maantu u muuqdaa mid Muuse Biixi meesha ka saaraya sida uu isaguba ku dooday oo ahayd in uu istiqaalad u keenayo, ama haddii aynu dhinac kale ka Eegnaba sida uu ku tiraabay xubin ka mid ah Hogaanka Xisbiga oo ku dhawaaqay markii uu muuse muranka bilaabay inaanay xisbiga shaqadiisa waxba ka soconayn Muuse oo meesha laga saaro Mooyee.