Shirkii Beesha Subeer Awal Toronto

0
116

1Waxaa habeenkii Sabtidii ee bisha June  20 keedii  magaalada Toronto ee dalka Kanada ka dhacay shir wayn oo ay isugu yimaadeen waxgaradka Beesha  Subeer Awal ee ku nool wadankan Kanada. Shirkaas oo ahaa mid qurux badan loo soo agaasimay aanay ka soo qayb galeen rag iyo dumarba waxaa si hufan loogu gorfeeyey sidii ay Beeshu isugu xidhnaan lahayd gudo iyo dibadba Uganda wada tashan danahooda bulsho, degana iyo siyaasadeed.

Dadkii meeshaas ka hadlay waxay aad ugu nuuxnuusadeen sida uu hogaaminta ummada  ugu fashilmay  Madaxwayne Siilaanyo  iyo sida reer Somaliland ugu hungoobeen uguna khasaareen isbedelkii siyaasadeed ee dalka ku timid markuu Siilaanyo Madaxwayne noqday.

Dhianaca kale waxay Beesha Subeer Awal ee Kanada  isku raacday siday u midayn lahaayeen cudooda  dhaqaalaha, degaan iyo siyaasadeed, waxaanay cadeeyeen in masiirka siyaasadeed ee Beeshu aanu gacanta  ugu jirin shakhsiyaad gaara oo danahooda gaarka u socda, balse maanta Beeshu ka tashanayso meesha ay codkooda marinayso iyo cida ay siinayso . Arinkaas gudoomiyaha xusbigu  ku dhawaqayna waa mid isaga iyo odayaasha ku eg kamana turjumaysa  in Beeshu  mowqifkeeda wax iska bedelen.

Waxay Beeshu si  adag   u cambaaraysay ku tumashada xuquuqda sharciga, xoriyatul qawlka iyo ku tacdiga saxaafada madaxbanaan. Waxaa kale oo Beeshu si adag u cambaaraysay  sida xaqdarada iyo sharcirada ah ee xukuumadu u  adeegsanayo ciidamada la dagaalanka argagaxisada RRU-da , kuwaas oo sidii koofiyad castii Siyaad Barre loo isticmaalo una dhaqma , ummadana soo xusuusiniyaa taariikhdii modaaboyd.
2
Beesha Subeer Awal- Kanada- Eebbaa Mahad leh

 

 

 

 

 

 

4