Xukuumadda Somaliland oo Taleex iyo Xudun u diraysa wefti culus oo soo qiimeeya baahiyaha deegaanadaas

0
35

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa u diraysa deegaanadii ay Ciidanka Qaranku ka qabsadeen Maleeshiyada Khaatumo wefti culus oo ka kooban Xukuumadda iyo masuuliyiinta deegaamadaasi kaga jira Golayaasha Qaranka.

xudWeftigan oo lagu wado inay saacadaha soo socda baxaan ayaa lagu sheegay ujeedadooda sidii ay Goobaha laga qabsady Maleeshiyada Khaatumo u gaadhsiin lahaan adeegyada ay dadweynuhu u baahan yihiin, iyagoo ka soo fulin doona kuwa u baahan wax ka qabashada Deg deg ah, kuwa kalena qorshe u samayn doona.

Sidoo kale, Weftigan ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Deegaanada Taleex iyo Xudun, gaar ahaan waxa ay shirar doceedyo la gali doonaan qaar ka mid ah Madax dhaqameedyada u arrimiya beelaha dega degmooyinkaasi.

Qorshaha Xukuumadda Somaliland ka leedahay weftigan ayaa ah sidii loo fidin lahaa Maamulka Dawliga ah ee aan ka jirin deegaamada ay Ciidanka Qaranku gaadheen, kuwaas oo Somaliland ku dodo inay ka hor taagnaayeen Dadweynaha inay gaadhsiiyaan adeega ay u baahan yihiin Maleeshiyada Khaatumo oo qaab qabiil ku faquuqday.

Wasiiradda Madaxtooyadda, Caafimaadka iyo Beeraha ayaa ka soo noqday wefti ay ugu baxeen deegaanka Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle, halkaas oo ay dadka deegaanka ku gaadhsiiyeen mashaariic dhinaca adeega Dadweynaha ah, haatana waxay iyaga iyo masuuliyiin kale u xadhko xidhanayaan sidii ay Taleex iyo Xudun uga soo fulin lahaayeen mashaariic kale.

Xukuumadda Somaliland ayaa wacad ku martay inaanay ciidamadeedu ka soo laabanayn deegaanada Xuduudka ee ay gaadheen, iyagoo balanqaaday inay maamulka gaadhsiin doonaan dhamaan dhulka ay ka eryeen maleeshiyada Khaatumo oo dibu-dhac weyn ku riday deegaanadaasi.