Dhagayso: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Sheegay in Sanadkan Xajka lagu tagidoono E-pasaport Cusub oo dhawaan ay Soo dabaceen.

0
45

warancadeHargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in sanadkan Xujaajta Somaliland ee Xajka tagaya ay ku tagidoonan E-Pasaport Cusub ee Somaliland oo uu sheegay in dhawaan dalka la keenay yahayna mid qasri ah oo la jaanqaadaya Pasaporada Caalamka, waxanu tilmaamay in lacag dhan Hal-milyan oo Dollar ay kaga Baxday sidii loo soo Samayn lahaa Pasaporkaasi.

dhagayso

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sidaasi ka sheegay Fadhigii Golaha Guurtida oo uu Maanta Hortagay isaga oo warbixin ka siinayey Xaalada Nabadgelyo ee uu dalku marayo, iyo waxyaabihii u qabsoomay dhinca nabad gelayda.