Wasiirka Maaliyadda oo Beeniyey war Mareegaha qaarkood baahiyeen oo sheegaya inuu ka hadlay Tanaasulka Muuse Biixi

0
55

aasa-300x224Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed samaale oo Farriinnews.com wax ka weydiisay  war mareegaha qaarkood baahiyeen oo sheegaya in uu bartiisa Inernet-ka ku baahiyey in Tanaasulka Muuse Biixi dadkii ka qayb qaatay uu u mahadnaqayo ayaa beeniyey warkaasi.

Wasiir Samaale oo ka hadlaya warkaas laga Been abuurtay waxa uu Farriinnews.com u sheegay inaanu jirin Bar uu ku leeyahay Internetka, sidoo kale aanay jirin wax hadal ah oo uu arrinta Tanaasulka Muuse Biixi ka dhiibtay, waxaanu si adag uga hadlay warkaasi in uu yahay Been abuur.

“ warkaasi waxba kama jiraan waa Been abuur, mana aha markii koowaad ee la iga been abuuro.  Waxaan kuu sheegayaa in aanay jirin bar aan Internertka ku leeyahay C/casiis ahaan, waan maqlaa oo way igu soo noq noqotay in ay jiraan dad magacayga ka been abuurta oo Internet-ka isticmaala, laakiin warkaasi ma aha mid jira oo sax ah.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale

C/casiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay in aanay jirin sabab uu uga hadlaa go’aanka Muuse qaatay, waxaanu sheegay in uu Muuse kaba hadlay oo uu warbaahinta u sheegay Mawqifkiisa, isaga iyo Muuena kala aragti ka yihiin dhinaca Siyaasadda.