TALO WAAYEEL W/Q: CALI NUUX DUCAALE

0
97

TALO WAAYEEL

W/Q: CALI NUUX DUCAALE

Email: alinuux@hotmail.com

Phone: 063-4176986

Adduun hawli kama dhamaato, hayeeshee waxyaabaha ugu kakan kirkan ee Somaliland haysta waxay yihiin saddex wax, kuwaas oo ah qaran dumin, waxay kala yihiin JAAD, MUSUQ IYO CADAALAD XUMO. Jaadka waa la ogyahay in u yahay in xun hooyadeed, ilaahay mooyee aadamana waxba kama qaban karo oo gacanta ayuu innagu dhigay. Waxad arkaysaa naago jaad soo duubtay oo suuqa walal walahda haya. In duco iyo habaar mid uun lagu dayo mooyaane maamulku wax ha ka qabto odhan mayo, waxan ogahay  in horeba looga quustay celintiisa. Inkasta oo gaaladiiba aragtay xumaantiisa oo ay wadama badan ka joojeen, hadana innagu taag aynu ku celino ma lihin.

Waxa se u maamulku karayaa in u wax ka qabto waxa weeye musuqa iyo cadaalada xumada oo ku dhex baahsan  shaqaalihiisa. Haddii anu maamulku taa kareyn ha iskaga tago meesha inta anay ku dumin.

 

 

Dadow jaad iyo jacayl

Miyay wada jiri karaan

Hadduu qoys kala jajaba

Isagu jaranjaro u yahay

Hadduu ubadkoo janqada

Isagu jaranjaro yahay

Hadduu jeeb faaruqiyo

Dar xumo jaranjaro u yahay

Hadduu jahli faafa iyo

Qabiil jaranjaro u yahay

 

Hadduu jinni kula hadliyo

Khiyaal jaranjaro u yahay

Hadduu ilko kaa jajaba

Foolxumo jaranjaro u yahay

 

Deegaankoo jabad noqdoo

Ugaadhu ka jiidatoo

Nafluhu anu joogi karin

Cidina u jixinjixayn

Isagu jaranjaro u yahay

 

Hadduu jiiftaankiyo

Jileec jaranjaro u yahay

Hadduu shaqo jiitantiyo

Illaw jaranjaro u yahay

Hadduu juuciyo dhuljiif

Hunguri jaranjaro u yahay

Hadduu jinsi cayga-iyo

Khilaaf jaranjaro u yahay

Hadduu sharcigoo jabiyo

Laaluush jaranjaro u yahay

Hadduu jiritaanka qaran

Halis joogto ah ku yahay

Hadduu hablo soo dibjira

Intay buul joojistaan

Maqaaxiyo jaad ku gada

Dhuljiifiyo jebiye dilo

Isagu jaranjaro u yahay

 

Dadoow jaadiyo jacayl

Miyay wada jiri karaan

 

Wixii ila jaal ahoow

Jabkaa iyo baaba’a

Sideynu u joojinaa

Jihaad ugu qaadaynaa

Shacbiga ugu jeedinaa

 

Jidkaasina waa jid dheer

Muddaa la jibaaxayaa

Jilibka loo aasayaa

Jahaynta dadweynahana

Mudda lagu jirahayaa

 

 

Cali Nuux Ducaale