Somaliland Maanta Waxa Lagu Badbaadi Karaa oo Kaliya Doorasho Wakhtigeedii Laga Soo Hor Mariyo?

0
55

 

marka la eego marxaladda somaliland marayso ayaa ah mid adag oo wajiyo badan leh,somaliland oo mudadii ay jiray la saaxiib ahayd dalalka jaarka iyo kuwa caalamka ayaa hada waxay u muuqataa siyaasadda xumida siilaanyo inay go’doon siyaasadeed sii gelayso, kadib markii dalalka itoobiya iyo jabuuti xidheen xadkii aynu la lahayn oo ay diideen inay dadkeenu u safraan dalalkaasi,iyadoo aysan shacabka somaliland haysan wax aqoonsi ah oo ay kaga maarmi karaan xidhashayda xadka ee dalalka jaarka ah,waxayna cawaaqib xun ku yeelatay safaradii shacabka somaliland ku tegi jireen dalalkan oo ,marka horeba baahi weyni u qabtay oo waxay dadka reer somaliland ha diyo goor u baahan yihiin oo ay u tagaan dalalka itoobiya iyo jabuuti arimo la xidhiidha caafimaad,waxbarasho iyo safaro kale oo muhiim ah.

waxa kale oo somaliland kaga daran xitaa dalalkii waaweyna ee caalamka sida midawga yurub,maraykanka iyo ingiriiska oo iyaguna xidhiidhii somaliland la lahayd uu beesha ka baxay siyaasadda xumida xukuumadda siilaanyo,oo beeshii caalamku waxay war isku mid ah oo ay si deg deg ah ugu sheegeen inay ciidamadda somaliland ka soo baxaan taleex,warkaasi oo si wada jir ah u soo saareen maraykanka,midawga yurub iyo ingiriiska,waxaanad garan kartaa heerka xidhiidhkii somaliland iyo dalalkaasi marayo.

somaliland iyadoo maanta la og yahay heerka shaqo la’aannta sixir barabarka naafeeyey danyarta ,musuq maasuqa hadheeyey hayadihii dawladda,qabyaaladii oo faraha ka baxday eexdii oo noqotya wax lagu faano,boobka hantida umada oo la caadaystay iyo maamul xumo dalka la soo daristay marka waxaasi oo dhan la isku daro maanta shacabku ma qaadi karayo waxaasi oo dhibaata ah, ee waa in dalka iyo dadkaba la badbaadiyaa,oo lagu badbaadiyaa qodobadan soo socda.

1: madaama oo ay beesha caalamkku doonayso in la bedelo nidaamka hada dalka ka jira waa in la helaan xisbiyo mucaaradka ah oo arintaasi si dhaw ula socda isla markaana aduunyada kala shaqeyn kara sidii loo bedeli lahaa nidaamka maanta dalka ka jira?

2: kol hadii mudo sanad ahi ka hadhay doorashadii su’aashu waxa weeye ma lagu sii jiri karaa sanad danbe oo jahawareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah oo umadu dugsato?

3: qodobka ugu muhiimsani waxaa weeyi in la qabto doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyo si loo badbaadiyo somaliland oo aduunyadii arimo kala duwan oo fool xun ku eedeynayso?

4: si qodobadaasi ay u hir galaan waa in xisbiyadda mucaaradka ah ee la moodo in aysna u dhisneyn sidi ay yihiin xisbiyo mucaarad ah oo ka wakiil ah shacabka ay gartaan masuuliyadda ka saaran badbaadada dalka, marka la eego marxaladaha uu dalku maray ,oo maanta marxaladii ugu adkay dalku marayo.

By: Ayaan Maxamed Cali

Email:ayaanladan1@gmail.com

Berbera/Somaliland