Marka Uu Wasiir Xirsi U Jawaabayo Ergayga Xogahayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Nicholas Kay Mee Wasiirkii Arimaha Dibadu?

0
117

 

Waxaa cajiib ah wasiirka amdaxtooyadda Somaliland Xirsi gaab oo u jawaabay Xogahayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Nicholas Kay,wasiir xirsi ayaa wajaabtiisa ku sheegay in ciidmadda somaliland aysan ka baxayn degmadda taleex oo ay dhawaan qabsadeen,arintan ayaa waxay kashifaysa sida wasiirka madaxtooyadu dalka oo dhan u maamulo sidii madaxweynaha oo kale.

Wasiir xirsi ayaa dhawaan dalka jabuuti tegay waxa la sheegay in uu la kulmay safiro dalka jabuuti u fadhiya qaar ka tirsan dalalka caalamka,wuxuu jabuuti kula soo kulmay wasiirka arimaha dibadda ee dalka jabuuti,wasiir xirsi ayaa waxa cad in uu la wareegay dhamaan shaqooyinkii muhiimka ahaa oo dhan.

Xukuumadda siilaanyo ayay fashil ku tahay in wasiir uu adeer u yahay siilaanyo awooda intaa leeg uu isticmaalo,shacabka reer somaliland waxa ka soo hadhay yaab iyo fajac oo waxay la yaaban yihiin xukuumadda ilaa 4 sanno ee ay jiray ka bixi weyday is dhex yaaca iyo in awoodii oo dhami gacanta y gasahy wasiirada beesha siilaanyo oo haba yaraatee cid la hadli kartaa aysan jiri balse iyagu ay xilka ka qaadaan wasiirada ay doonan ,sidii wasiirkii hore ee arimaha dibadda iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr maxamed C/laahi Cumar oo wasiir awood badani siilaanyo hortiisa ugu sheegay in uu xilka ka qaadi doono sidiina way u dhacday.

Waxaasi ayaa dalka ka socda oo waxaad moodaa kuwan mucaaradku in aysan indhahaha ku hayn khaladaadka iyo foolxumooyinka isa saaran ee xukuumadda siilaanyo caadada ka dhigatay.

Shacabka ayaa looga baahan yahay inay mudarahaad salmi ah kaga hor tagaan boobka,musuq.maasuqa ,eexda iyo qabyaaladda ay caadaysatay xukuumadda siilaanyo ee dhaqanka u noqotay,waxaana muhgiim ah in madaxda xisbiyadda mucaaradku dadka hagaan oo ay iyagu hor kacaan mudaharaaddada sidii siilaanyo ku samayn jiray xukuumadii Rayaale.

By:Cali  C/raxmaan C/laahi

Hargeysa/Somaliland