DIIRADA SHACABKA KU JEEDI TALLEEX , CAJALADIINA KU BADEL BOGGA TWITTER‏

0
111

Maanta somaaliland waxyaabo badan oo laga yaqyaqsoodo ayaa ka socda. Waxa ugu horeysa qabyaalada mugaanadeedii foondhaafeen  ee si bilaa xishood ah meel kasta loogaga faanayo. Waxa dib loogu noqdey casri jaahiligii. Waxa aad moodaa iney xadaaradii sii burbureyso inaga oo ku taameyney  in bulshadeenu horukac sameyso hadii ay noqoto xagga dhaqaale iyo xag dhaqanba. Waxa muuqata kaalintiii Madaxweynaha iyo kaalintii Madaxweyne ku xigeenba iney meesha ka maqan tahay. Isga madaxweyne ku xigeenku wax dambi ah malaha waa qof daacad ah oo bilaa xasarad ah hase yeeshee waxa cakudii maamulkiisu kowsadeyba madaxa iskaga duubey raysal wasaare qarsoon oo uu Ina Sanweyne sameystey. Kaas ayaa markiiba ka dhex dhaliyey khilaaf soo kala dhex gale labadii xubnood ee ugu sareeyey ee qarrankan aanu u dooraney. Madaxweyne ku xigeenku markiiba wuu arkey shakhsiyaad cid dooratey aaney jirrin oo shaqadiisii maroorsadey. Warqad kasta oo uu soo diraan hoosta ku tuureysa. Iyada oo aynu ka wada dharegsan ahay arimahaa ayaa waxa isna guux iyo gariirba laga waayey kaalintii Madaxweynaha oo mar kasta khadka ka sii baxaysey. Waxay soo gaadhey in suxufiyiintu cajaladihii loo qaybiyey halkii ay ka sugayeen  Madaxweynahii qarranka ay xerada Madaxtooyada dhexdeeda ku dhex  jajabiyaan oo ka soo dareeraan. Intaas oo keliya iyo ka badan oo madaxtooyada loo sheegey ayey wax ku qaadan lahaayeen, hadii meesha  hogaan jirro. Hadaba maanta waxa lagu barayaa in lagu yidhaa Madaxweynihii  ayaa bogga uu ku leeyahay TWITTER ku qorey waxaas. Ma waxay ka dhigan tahay cajaladiina wuu gabay mise adiga ayaa lagaa dhaadhicinayaa in Madaxweyne talliyo, si kooxda yare e talladii Somaliland maxlalka ku haysata uu u sii jirro maamulkooda yare e afduubka ahi.

Arimahaas aynu kor ku soo xusney wax aka sii daran nacaybka iyo naca ay kooxdani ku hayaan xisbiyada mucaaridka iyo shakhsiyaadka ka soo horjeeda fikirkooda aan dhaafsiisneyn dheef iyo maanta dhaqo berina ka dhaqaaq.

Xukuumada Ina Sanweyne miyaaney aqoonsaney  xisbiyada dastuuriga ah ee mucaaridka. Miyaaney xaq u lahayn iney weydiin karaan suaasha ay doonaan xubnaha ka tirsan dawlada. Aawey tallo wadaagii.Waa maxay sababta keentey hogaamiyaha xisbiga UCID  in sarkaalka ugu sareeya ciidamadu kula dhex dagaalamo, madaxtooyada dhexdeeda. Wey iska cadahay xukuumada Ina Sanweyne ma rabto cid xisbi sheegata oo la xisaabtanta. Hadiise Madaxweyne Siilaanyo dalkan ka talliyo ma Madaxtooyada ayaa laysku qabsan lahaa sidaa ciyaala suuqa. Waxa meeshii ka maqan hogaankii. Waxa ka maqan diblomasiyadii. Xeradayadii waxay noqotey wada ul, ul la qaatana malaha. Sababta Faysal Cali Waraabe loola dagaalamey waxa weeyey , dowladii  iyo xisbigeedii ayaa godka ku sii socda, meel kastana ceebteedii ayaa lagu hayaa. Maanta waxay rabtaa iney Diirada shacabka u jeediso Talleex.  Ma maanta ayey difaaca xuduudaha Somaliland muqadas noqdeen. Dunidu wax lagu murmo ma jiraan kolka ay noqoto xuduudihii gumeystuhu  dunida kaga tagey oo lama taabtaan ah. Waxa la yidhaa  tretorial ethics.  Mida kale dawlad PUNTLAND  la yidhaa oo dunida ka jiri jirtey ma jirto. Waxa jirey laba wadan oo jaar ahaa oo Somaliland iyo Somaliya la yidhaa.   ciidankeena qarrankana ha la xishmeeyo. waajibaadkooda wey yaqaanan, hase yeeshee galla iyo ka soo baxa yaan lagu dawakhin. koleyba uma baahnid iney meel haystaan oo taliye Maxamed Xasan Jidhif waxaad xilka kaga qaadeen , ka soo saar ayaanu nidhi oo hore ayuu ugu sii ruqaansadey.somaliland ha noolaato.

 

allaa mahad leh

 

WACAYS AXMED MAXAMUUD

BARRE ADDUUNYO

Frankfurt Germany

bareadunyo@gmail.com