Soo Gelitaankii ingiriiska, Heshiisyadii Saamaha iyo Beelihii Saxeexay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
183

Bulsho reer Somaliland waxay ahaayeen qaar isku maamula xeerar dhaqan oo ay iyagu dejisteen, waxa m/weyne ka ahaa suldaanka, waxa wasiiro ka ahaa caaqilada, waxa ciidan ka ahaa dhalinyarada. Waxay xeerarkaasi  ku salayn jireen duruufaha la xidhiidha noloshooda iyo hadba wixii la soo gudboonaada. Waxay ahaayeen reer-guuraa kolba meel u hayaama, oo aan lahayn dhul u gaar ah, waxay degi  jireen meeshii lagu sheego baad iyo biyo.

Maxaa u sahlay ingiriiska inuu soo dhexgalo reer Somaliland?

Beelaha reer Somaliland waxa caado u ahaan jirtay colaado dhexdooda yaallay, oo ku salaysnaa geela oo la kala dhaco, biyo iyo daaq lagu dagaalamo. Kolba beeshii tiro badan ayaa geela ka dhici jiray kuwa kale. Arrintaasi waxay u sahashay ingiriisku inu soo kala dhexgalo beelaha geela kala dhacaya. Markii dambe ayuu daraasad ku sameeyay, ka dib wuxuu taageero hiil iyo hoo u fidiyey beelahii geela xooga lagaga dhacayey. Ka dib beelihii qaar ayaa nasteex mooday taageeradii. Waana halka uu ka yimid fikirka “ qaybi oo xukun”. Waana tii soomaaliddu ka maahmaahday ee tidhi” yey is cunaysaa waraabe isma celiso”.

Sida caadada u ah gumaystayaasha, markay doonayaan inay meel qabsadaan waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.

Sanadkii 1823 ayuu ingiriisku soo diray nin sahamiye ah oo la odhan jiray W.F.OWEN si uu darso xeebaha Somaliland ee kala ah: saylac, bulaxaar, berbera, maydh, xiis iyo laas qoray.ninkii sahamiya ahaa ayaa isticmaalay  qaab nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teelsan badda cas. Ka dib marka uu noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay ingiriskii noloshaada iyo waayaha yaalla.

Ingiriiskii oo ka shidaal qaadanaya warbixintii wuxuu ku sheegay xeebaha soomaliland yihiin qaar la tagi karo, dadka ku noolina ay yihiin dad furfuran oo ganacsi lala yeelan kara .

Sanadkii 1825 ayuu ingriiskii  soo diray markab la odhon jiray mary ann ay saran yihiin koox dad ah, kuna soo xidhay magaalada berbera , kadib dadkii oo diidsan cadaan iska soo galay dalka ayay dagaal ku qaadeen halkaa dagaal xun ayaa ka dhacay aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay waa la laalay, kadibna waxaa lagu heshiiyay in beesha bixiso lacag  oo magdhow ah ooo dhan£6000 taasina waxsay ku tusinasaa sida ay dadka reer somalila nd  u necbaayeen dadka shisheeya ah e dalkooga iska soo gala , waxaa kale woo ingriiska ka yaaabisay markii habeen badh weerar lagu qaaday , si xuna dhaawac loogu gaystay ninkii la odhon jioray RECHARD .F BURTON oo ingriiska sahamiye u ahaa 1855 intaasi ka dib ingriisku wuxuu kau dhaqaaqay  inuu la heshiiyo dadka reer somaliland heshiis ganacsi  oo kooban ayaa la  saxeexan sanadkii 1827 waxa kala saxeexday shirkad la odhon jiray EAST INDIAN COMPANY  iyo odhoyaal reer berbera ah

 

 

HESHIISYADII INGRIISKA IYO OdAYAASHA REER  SOMALILAND :

·         Inaan marna la bixin Karin , lana iibin Karin , lana kirayn Karin loona ogolaan Karin cid kale oo qabsata. Dawladda ingriiska aanay dhulkan dadkani degi Karin .

·         Waxaa loo ogolaaday dhamaan maraakiibta wadata calanka ingiriiska inay ka ganacsan karaan xeeebaha somalkiland.

·         Dhamaan dadka uu ingriisku u taliyo ee ku nool ama soo booqda dhulka qabiilkan degan yahay waxay helayaan nabadgalyo buuxda iyo ilaalin.

·         In si buuxda loo joojiyo ganacsiga adoomaha la soo marinayo dhamaan dhulka Somaliland.

·         Dawlada ingiriisku waxay awood u leedahay inay magacawdo  wakiil u fadhiya dhulka somaliland waxaana loola dhaqmi  hab xishmo tixgalin  . inaan heshiis lala galin Karin  dawlad shisheeya ah .

 

Ka sakow shantaa qobob ee la kala saxeexay, waxa iyana laga daba-geeyey laba qodob oo lifaaq ah. Kuwaasi oo ay keentay cabsi laga qabo dhul-balaadhsi uu waday Menelik oo ahaa boqor itoobiya ka taliya, oo dhul badan oo muslinku lahaa, kuna soo dhawaaday magaalada Harar.

Qodobada heshiiskii lagu daray ee lifaaqa ah.

·         Dawlada ingiriisku waa inay ka ilaaliyaa dhulkakoda dawladaha boqoraddu ka taliyaan.

·         Inaan heshiis lala galin dawlado kale, iyadoo dawlada ingiriisku ogolaan mooyee.

 

 

Qabiiladii deganaa xeebaha ee  heshiisyada saxeexay  waxay ahaayeen:

·         sacad-muuse) nuux ismaciil—14 juulay 1884 waxa berbera ku saxeexay 29 oday.

·         Sacad-muuse) reer gadiid, reer Shirdoon, Makaahiil, Cismaano  iyo Cabdalle Sacad=10 juulay 1884 waxa Bulloxaar ku saxeexay 35 oday.

·         Habar-Toljecle) uduruxmiin=26 diisamber 1884 karin iyo xiis waxa ku saxeexay 39 oday.

·         Ciise iyo gudabuursi) mamaasan iyo maxamed case=11 diisamber 1884 waxa saylac ku saxeexay 33 oday.

·         Habar-yoonis) muuse carro—-3 jeenaweri 1885 waxa maydh ku saxeexay 19 oday.

·         Warsangeli) bah-majeerteen=27 jeenaweri 1886 waxa laas-qoray ku saxeexay 17 oday

 

Dhinaca ingiriiska waxa heshiiska u saxeexay wakiilkooda Frederick meyer Hunter.

Fiiro-gaar ah: qabiilooyinka halkan ka maqani may lahayn dekedo u gaar ah oo ay maamulaan, balse waxay degi jireen dhulka ka baxsan xeebah.

Dhinaca ingiriiska waxa heshiiska u saxeexay wakiilkooda oo la odhan jiray Frederick Meyer H unter.

 Markii dawlada ingiriisku ka faraxalatay heshiisyadii saamaha, ayuu ingiriisku dhawaaqay inuu masuul ka yahay Somaliland. Waxaana arrintaasi ku kalifay heshiis ay dawladaha reer yurub ku gaadheen inay u tartamayaan ama ay qaybsadaan afirka.

 

Magaca Somaliland ayaa bixiyey?

Horaantii sanadkii 1887, ayaa magaca Somaliland oo markii hore ahaa af-carabi” Berri somaal”. Ayey odaydu ku saxeexeen heshiiskii saamaha loo beddalay af-ingiriisi, ka dib wuxuu noqday “ Somaliland”. Sida taariikh-yahandu sheegayaan magacan Berri somaal waxa bixiyey dawladii cusmaaniyiinta ee masar ay wakiilka ah ahayd.

Badhtamihii sanadkii 1887 ayuu ingiriisku soo magacaabay saddex sarkaal oo wakiil uga noqda xeebaha Somaliland gaar ahaan, Berbera, saylac iyo Bulloxaar. Waxa kale oo la socday waxoogaa askar ilaalo ah, oo sugta ammaanka saddexda wakiil. Askastani waxay mararka qaarkood kala dhexgali jreen qabiilooyinka ay xurguftu  dhextaal ama geela kala dhaca. Waxa muddo yar ka bacdi la keenay askar reer Somaliland, oo cadan lagu soo tababaray sidii boolisk u shaqeeya. Waxay ka shaqayn jireen magaalooyinka xeebaha ah, oo ay sugi jireen amniga iyo kala dambaynta. Kamay shaqayn jirin dhinaca miyiga oo colaad xumi ka jirtay, oo ku salysnayd geel-dhicis iyo safar-dhicis. Taasi waxay cadaynaysaa inay ku koobnaayeen meelo cayiman.

 

Halkee Somaliland laga maamulayey?

Wuxuu ingiriisku cadeeyey in maxmiyadda Somaliland laga maamuli doono Cadan oo raacsan maamulkii ingiriiska ee hindiya ka talinayey. Waxa kale oo uu faransiiku ku dhawaaqay inuu la heshiiyey beelaha ciise iyo canfar eek ala deg Obokh iyo Jabuuti oo uu ka taliyo dhulkaasi ay degaan. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii uu faransiiku maqlay heshiiskii ingiriiska la galay beelaha isaaq iyo gudabuursi. Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay ingiriiska iyo faransiiska oo salka ku haya dhulka ciisuhu dego inuu midwaliba isagu maamulo, aakhirkiina waxay isla garteen heshiis ay gaadheen labada dal.

 

Goormaa la sameeyey xuduuda Somaliland iyo jabuuti?

Horaantii sanadkii 1888 ayey ingiriiska iyo faraniisku ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo jabuuti. Xuduudaasi oo ka soo bilaabmaysa xariijin dhexmarta ceel caddo ( lawyocaddo), oo ah goob u dhexaysa dekeda sayla iyo jabuuti islamarkaana mari doonta Habasweyn, Biyo qabooba, Gildeesa ilaa Harar.

Muddo ka dib dawladda faransiika ayaa ku dhawaaqday in jabuuti tahay caasimada dhulka uu ka taliyo. Dawladaha reer yurub heshiisyada ay la galeen qabaa’ilka, waxay u arkayeen inay dantooda ku jirto.

 

                    Raad-raac.

= under the flag and Somali coast stories……………. L.P. Walsh

 = the Somali peninsula………………………………… John Drysdale

= Somaliland history and culture centre..…………… keydka Hargeisa

= Seventeen trips through Somaliland ………………Swayne

= Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed            Calili jamaac Qalinle.

Taariikhda Xeebaha Soomaalida   prof. Yuusuf Baane

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com