Qaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan

0
101
Qaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan
By: Cabdirashiid Cali Sheekh, Jamhuuriya
“Geeriyeey xishood laa’
Xejiyaay fogeeyaay” Abwaan Gaarriye
Inaalillaahi wa inaa Illeyhu Raajucuun. Geeridu waa xaq, waana mid Ilaahay (SWT) ugu ballanqaaday in noole kasta oo adduunka guudkiisa ku uumman uu dhadhamin doono, cid geeri ka badbaadaysaana aanay jirin.
Allaah ha u naxariistee suxufigii, qoraagii, aqoonyahankii iyo taariikhyahankii weynaa marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (MM.Kastan) oo ka mid ahaa haldoorka tiir-dhexaadka ee dhidibada u taagay saxaafadda xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto, ayaa si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Hargeysa habeennimadii Arbacada ee taariikhdu ahayd 11 June 2014, kaas oo si ballaadhan loogu aasay shalay qubuuraha Xeedho ee woqooyiga caasimadda.
Haddaba, waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa qayb yar oo ka mid ah badweynta taariikh-nololeedkii aan qallin iyo qoraal lagu soo koobi karin ee marxuum MM.Kastan Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.
Allaah ha naxariistee marxuum Kastan waxa uu sannadkii 1960kii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo barbaaray, wax ku soo bartay noloshiisa intii badnaydna ku soo qaatay.
Waxa uu ka soo jeeday qoys wada mucallimiin ah, nolol wanaagsanna ku soo koray, markii dambena ka mid noqday dadka Soomaalida ee dibaha u dhoofay sannadihii toddobaatanaadkii oo uu isaga qudhiisu qurbaha galay, balse dawaaf uu daafaha caalamka ku maray sannado badan kadib la soo laabtay dal-jacayl iyo waddaniyad xooggan oo siduu ii sheegay gaadhsiisay heer uu xataa marar badan diiday inuu daawayn caafimaad ugu baxo dalalka tegistooda loogu jecel yahay adduunka.
Marxuumku waxa Somaliland u soo wareegay sannadkii 1991-kii oo uu markii ugu horreysay si rasmi ah u degay, gooni-joogna kaga noqday dhammaan xubnaha kale ee qoyska reer Kastan oo ku kala nool Maraykanka, Yurub iyo Australia, kadib markii uu go’aan adag oo aan leex-leexasho lahayn kaga calool-go’ay qurbo-joognimo iyo nolol raaxo badan, waxaannu ka door-biday inuu isagoo wax kasta heli kara caasimadda Hargeysa ku guursado sannadihii dhowr iyo sagaashankii, dhawr carruur ahna ugu dhashaan.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu aqoonta iyo kartida badnaa ee seeska u dhigay aasaaskii saxaafadda xorta ah oo la kowsatay markii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, waxaannu sannadkii 1992kii ka mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii ugu horreeyey ee dalka laga sameeyey oo la odhan jiray CODKA HARGEYSA oo calanka u siday tifaftireyaashii soo saari jiray, wax yar kadibna waxa uu abuuray wargeysyo uu isagu gaar u lahaa oo la kala odhan jiray BARAARUG iyo GOOBJOOG.
Markii saxaafadda Somaliland u guurtay nidaamka daabacaadda casriga ah ee waqtigan la isticmaalo sannadkii 1996kii oo sababtay inay meesha ka baxaan wargeysyo dhowr ahaa oo gacanta lagu daabaci jiray, waxa uu hormood ka noqday qorayaashii ugu muhiimsanaa ee hawlgalay wargeyska JAMHUURIYA oo nasiib u yeeshay inuu kelidii ilaa hadda ka sii shaqeeyo wargeysyadii mar lala aasaasay sannadihii sagaashanaadkii.
Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Kastan hibadii Ilaahay u siiyey qoraalka saxaafadda iyo buuggaagta ka sakow, waxa uu ahaa taariikhyahan iyo xeel-dheere loo daba fadhiisto taariikhda bulshooyinka Soomaaliya iyo caalamka oo dhan, iyadoo arrintaasina u suurtogelisay inuu qoro maqaallo iyo buuggaag aad loo jeclaysto akhriskooda oo huwan qisooyin iyo dhacdooyin kala duwan oo iyagu is-fasiraya.
Waxa uu ku caan-baxay qorista maqaallo joogto ah iyo buuggaag xambaarsan macno iyo ujeeddooyin aad u xeel-dheer oo ku saabsan nolosha bulshada iyo tusaalooyin aqooneed oo la xidhiidha sida looga guulaysto isbeddellada ijtimaaciga ah ee dunida soo mara, kuwaas oo uu si xikmadaysan ugu aroorin jiray hadba dhacdooyinka ugu waaweyn ee waqtigaas ka taagan dalka iyo duruufihii nololeed ee shacabka reer Somaliland soo dhex dabbaasheen labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.
SIFOOYINKII GAARKA U AHAA MARXUUMKA:
Wuxuu ahaa waddani dhab ah oo aad ugu dhegganaa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana neceb oo xataa gacan ula taga hadday ku kellifto cid kastoo uu arko inay dibindaabyeynayso qarannimada dalkiisa aan weli caalamka aqoonsiga ka helin.
Wuxuu ahaa deeqsi gacan furan oo aad ugu roon masaakiinta iyo dadka baahan
Wuxuu ahaa saaxiib qaali ah oo cidda ay is-bartaan aanay weligeed ka xiiso-jabin dadnimadiisii iyo aqoontiisii ku dhisnayd cilmiga iyo xikmadaha aan tiro iyo cadad lagu soo koobi karin ee maskaxdiisa ku duubnaa.
Wuxuu ahaa faylasuuf iyo indheer-garad saadaallo aqooneed ka bixin jiray waxyaabo aan inta badan ku jirin garashada dadka badankiisa oo la xidhiidha isbeddello dhinacyo kala duwan oo soo socda mustaqbalka dhow iyo ka fogba.
Waxa uu ahaa nin aad u cibaado badan, had iyo jeerna asxaabtiisa ku waaniya, kuna dhiirrigeliya inay cibaadaystaan, diinta islaamkana si fiican u bartay.
Waxa uu ahaa aqoonyahan afkiisa iyo qallinkiisaba ka fogeeyey ka-hadalka siyaasadaha madhalayska u badan ee dalka gudihiisa ka socday 23-kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanida haysatay, qoraalladiisa iyo sheekooyinkiisuna ku qotomeen cilmi, xikmado iyo taariikho aan weligood duugoobayn oo uu kala hadhay faylasuufyadii ugu caansanaa ee dunida soo maray. La soco qaybo kale oo ka mid ah taariikh-nololeedkii marxuum Kastan……..
Waxa uu ahaa nin aan dadka iska sarraysiin oo intii badnayd noloshiisa la soo qaatay qaybaha bulshada dabaqadaha hoose, sidoo kalena aan qiimayn hantida iyo dhaldhalaalka aan waarin ee nolosha adduunyada.
Waxa uu ahaa caalim si qoto dheer u bartay diinta islaamka iyo falsafado kala duwan oo ay aaminsan yihiin dadka aan muslimka ahayn, gaar ahaan reer galbeedka, kuwaas oo u sahlay inuu noqdo nin si cilmiyan ah uga jawaabi kara su’aalo isu-dheellitiran oo ku saabsan qaybaha nolosha aadamaha iyo aragtiyahooda kala fog ee dhinaca caqiidada.
Waxa uu ahaa kayd aqooneed iyo marjac loo daba fadhiisto dhacdooyinka taariikheed ee adduunka oo ay adagtay in maskax qof keliya ah koobsato ururintooda iyo xusuustooda.
Waxa uu Ilaahay hibo u siiyey hal-abuurnimo iyo curinta qoraallo iyo barnaamijyo taabbagalay oo uu ku soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah, kuwaas oo saaxafadda qoran iyo telefishannadaba illaa maanta u ah madalo lagu soo bandhigo dhacdooyinka ugu xiisaha badan, looguna jecel yahay ee sida joogta ah uga baxa.
Waxa uu ahaa faylasuuf himiladiisu fogtay oo naftiisa iyo noloshiisa oo dhan u hibeeyey inuu ummaddiisa habeen iyo maalinba qallinka ugu tilmaamo meelaha ugu fudud, uguna habboon ee lagu gaadhi karo guulo la mahadiyo oo ay horumar iyo badhaadhe ku gaadhi karaan dadka iyo dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu ahaa suxufi ku adag ilaalinta anshaxa mihnadda saxaafadda iyo ammaanada qallinka, isagoo aad iyo aad ah u dhibsan jiray qaladaadka iyo gefefka warbaahintu galaan, sidoo kalena ku dedaali jiray inuu saxo waxyaabaha saxaafadda ka qalloocda oo uu si gaar ah u ururin jiray.
Waxa uu ahaa geesi aan hadalka iyo runta kala baqan qof kasta oo uu qalad ku arko darajada uu doono ha lahaadee, taas oo marar badan sababtay inay isku dhacaan shaqsiyaad uu hadalka runta ah uga tudhi waayey.
Waxa uu ahaa geed adayg aan cabashada aqoon isagoo la noolaa dhawr xannuun oo waaweyn – wadne-xannuun, dhiigkar iyo macaan – halis weyn ku hayey caafimaadkiisa muddo dheer, aakhirkiina sababay geeridiisii aadka u naxdinta badnayn.
Waxa uu ahaa qoraa, mufakir, waddani iyo suxufi ruug-caddaa dhowrsoon ah oo aad loo wada jeclaa, kana reebbanaa oo ka xoroobay inuu macaash ku raadiyo mihnaddiisii qallin-maalka iyo aragti dheerida ee magaciisa caanka ka dhigtay.
Waxa kaloo loo wada qirsan yahay inuu ahaa macallin iyo toosiye qaali ah oo bahda warbaahinta ku taageeri jiray saacad kasta aqoontii aan la qiyaasi karin ee uu xambaarsanaa talooyin miisaan leh iyo xikmado macno weyn huwan oo ku jihaysan ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo buuxinta doorkooda warbaahineed ee la xidhiidha horumarka dalkooda, waxaannu had iyo jeer si gaar ah u gacan qaban jiray da’yarta warbaahinta oo la daba taagnaa dhiirrigelin iyo kordhin aqooneed.
Weligii ma taageerin mid ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee Somaliland, kuwaas oo uu aaminsanaa inay ka madhan yihiin mabaadi’da aasaasiga ah ee axsaabta dimuqraadiga ah lagu kala raaco, kuna dhisan yihiin qabyaalad iyo caadifad aan xikmad ku fadhiyin oo lagu kala riixdo kuraasta qaranka oo ah halka hantida ummadda rag badani kaga baahi baxeen, sidaa daraadeed marnaba ma uu codayn shantii doorasho ee dalka ka qabsoomay intii uu noolaa sababahaas awgood.
Waxa uu ahaa nin aad u neceb qabashada xilalka goor kasta baratanka iyo dagaalka loogu jiro gaadhistooda, isaga oo garashadiisii dheerayd iyo aqoontii badnayd ee uu lahaa tustay halaaga iyo ciqaabaha ka dhalan kara if iyo aakharaba marka la dayaco masuuliyad ummadeed, waxaannu badi madaxda dawladaha Afrikaanka u yaqaanay qaar ujeeddada ay kuraasta u raadsadaan tahay inay keligood ka macaashaan oo aanay waxba u qaban cidda ay madaxda u yihiin, isagoo mar walba ka digi jiray xisaabta adag ee aakhiro ku sugaysa madaxda ummadaha iyo sida aanay maanta u dhaadayn.
Waxa uu ahaa aabbo wanaagsan oo ubadkiisa u jeexay jid habboon iyo akhlaaq suubban oo ay noloshooda ku maarayn karaan, waxaannu si gaar ah u bari jiray diinta Islaamka, laasimidda cibaadada Ilaahay addoomihiisa baray iyo qaababka ugu fiican qofka bani’aadamka ah u qorshaysan karo noloshiisa si uu if iyo aakhiraba ugu liibaano, iyadoo ababintaas fiicanna u suurtogelisay carruurta uu ka tagay inay noqdaan kuwo aad uga dhexmuuqda ubadka dhiggooda ah ee reer Somaliland ka hor intii aanay dalka ka dhoofin muddo hadda laga joogo siddeed bilood.
Sifooyinkaas faraha badan ee aan kor ku soo sheegay iyo qaar kaloo aan hubo in qallinkaygu seegay oo uu gaar u lahaa marxuum Kastan, isla markaana ay adagtay in hal qof wada kulansado, ayaa u saamaxay inuu noqdo shamac nuurkiisa la wada eegto oo ka dhex muuqda bahda saxaafadda iyo qallinlayda reer Somaliland oo uu ku dhex lahaa sumcad ballaadhan, wanaag fara badan iyo boqollaal saaxiib oo aan hubo inay kaalintiisii si weyn u tabi doonaan.
Qaybta 3aad
Allaah u naxariistee saaxiibkeen marxuum MM.Kastan oo aniga shaqsiyan geeridiisii naxdinta lahayd si gaar ah ii taabatay, waxa aannu saaxiibbo aad isugu dhow ahayn muddo 16 sannadood ka badan oo ay yar tahay in aannu maalin qudha kala maqnaanno. Waxaan aaminsanay inuu ahaa qof noociisii oo kale dunida naadir ku yahay iyo tiir-dhexaad aqooneed oo aan kaalintiisii si weyn u tabi doono, maadaama uu aniga iyo boqollaal suxufi oo ila mid ah u ahaa macallin aan ka faa’iidaystay duruus badan oo la xidhiidha nolosha iyo waayaheeda iyo weliba sida looga dabbaasho dhibaatooyinka aadamaha ka horyimaad.
Raadadka aan mar qudha maskaxdayda ka baxnayn ee saaxiibtinimadii weyanyd ee naga dhexaysay igaga tagtay waxa ka mid ah qiso yar oo muujinaysa sidii aannu isugu dheerayn marxuumka oo ahayd sidan: Inta badan maalin kasta marka aannu kulanno saaxiibkaygii wedku na kala qaaday waxaan caado u lahaa in baabacada gacantayda midig saaro bidaartii madaxiisa, kadibna inta uu qoslo ayuu igu odhan jiray hadalkan xikmaysan; ‘MADAXU WAA XUDUUDAHA GAARKA AH EE QOFKU LEEYAHAY EE TAABASHADIISU CID KASTA KA CAAGGAN TAHAY, LAAKIIN ADIGU [Cabdirashiid Cali Sheekh] WAXAAD NASIIB U YEELATAY INAAD NOQOTO QOFKA LABAAD EE AAN U OGGOLAADAY TAABASHADA MADAXAYGA… BIDAARTAYDA WAXA TAABTA OO KELIYA ADIGA [aniga] IYO WIILKAYGA AAN AADKA U JECELAY EE MUNIIR [wiilka ugu yar carruurta marxuumku ka tegay], SIDAA DARTEED OGOW INAAD DADKA KALE OO DHAN IIGA DHOWDAHAY OO AAD IILA MID TAHAY WIILKAYGA YAR.’
Qisadaa yar ee aan tusaalaha u soo qaatay waxay ka mid tahay raadadka geeridiisii igaga tagtay, balse waxa jira kumanaan waxyaabood oo aan habeen iyo maalinba marxuumka ka faa’iidaysan jiray, sidoo kalena ila wadaagi jireen inta badan bahda saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay.
Inkasta oo marxuum Kastan geeridooday, haddana waxa jira dhaxal aan weligii duugoobayn oo uu uga tagay ummadda reer Somaliland, waxaannu qoray meel walba laga heli karaa buuggaag tiro badan iyo mallaayiin qoraal oo uu ka sameeyey cilmigii iyo aqoontii aan la soo koobi karin ee uu xambaarsanaa, kuwaas oo ay dhammaantood ku duugan yihiin duruus aqooneed aad u qaali ah oo tilmaamaya tallaabo kasta oo aadamuhu ku gaadhi karo horumar iyo sida qofku ugu guulaysan karo halganka nolosha adduunyada.
Buuggaagta marxuumku qoray oo si weyn uga duwan noocyada kala duwan ee buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran, marka loo eego nuxurka waxyaabaha ku xardhan waxa ka mid ah; BUSTAANKA XIKMADDA, WEHELKAAGA iyo BADWEYNTA NOLOSHA oo noqday buuggaagta ugu akhriska badan oo lagu iibiyo inta badan magaalooyinka dhulka Af-soomaaliga lagaga hadlo. Sidoo kale, waxa uu dhammaystiray qorista dhowr buug cusub oo uu qorshaynayey inuu maalmihii geeridiisa daabaco.
Muddo 23 sannadood ah oo uu marxuumku halgan adag ugu jiray inuu dadkiisa qallinka ugu tilmaamo wanaagga iyo siyaabaha horumar lagu gaadho waxa uu ka soo shaqeeyey wargeyska Jamhuuriya oo uu muddadii ugu dheerayd joogay iyo telefishannada Somaliland Space Channel, HCTV iyo Telefishanka Qaranka oo uu hadda ka shaqaynayey, iyadoo si weyn loogu xasuusan doono barnaamijyada dhaxalgalka noqday ee uu abuuray hay’adahaas warbaahineed iyo qaybaha kale ee saxaafadda maxalliga ah oo uu intooda badan si mutawacnimo ah ugu curiyey qormooyinka loogu jecel yahay.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama aanay qof, laba iyo qormooyin ma soo koobi karin badweynta taariikh-noleedkii aadka u ballaadhnaa ee marxuumka iyo sifooyinkii caafimaadka qabay ee kulansaday, waxa aan cidna dafiri Karin inuu ahaa shaqsi cajiib ah oo saxaafadda Somaliland ku goblantay geeridiisii oo ay adagtay in la helo cid kaalintiisii buuxisa, waxaanan leeyahay dhammaanteen Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo, iyadoo la innooga baahan yahay inay ka faa’iidaysanno cilmiga iyo waanooyinka qaaliga ah ee uu dhaxalkooda innooga tegay.
FG: Cid kasta oo doonaysa inay wax ka ogaato himiladii fogayd ee marxuumku lahaa iyo jihada wanaagsan ee qallinkiisu ku abbaarnaa si mug leh u dhuuxaan macnaha iyo xikmadaha yaabka badan ee ay xambaarsan yihiin buuggaagta iyo qoraallada tirada badan ee uu qoray intii uu noolaa. DHAMMAAD…