Somaliland iyo Djibouti: Xudduud xidhan iyo Xidhiidh sokeeye laba aan is-qaban.Warbixin

0
94

 

Dawladda Djibouti ma yiqiinsan doontaa inay Somaliland 23 sannadood u ahayd Albaab kaga dayrin Dagaalada ka socda Geeska Afrika?

Dadka reer Somaliland waxay dareemeen in la gaadhay xiligii ay  la xuquuq noqon lahaayeen Mawaadiniinta reer Djibouti

Dawladda Djibouti ayaa  dareentay halista Ammaan daro ee gudaha dalkeeda ka iman karta xuduuddaha ay la wadaagto Somaliland iyo Ethiopia, xili ay taabatay khatarta Cadowgeeda dibada ee Geeska Afrika oo ay ahayd inay ka hortagto.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerar Ismiidaamin ah oo laga fuliyay goob Caweyska dadka ajaanibka ah muhiim u ahayd  oo ku taala badhtamaha caasimada Jibouti,kaasoo dhacay  bishii la soo dhaafay ee May 24-keedii.

Weerarkaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxa ku dhintay dad tiro badan oo Jiboutiyan ah, inkasta oo aan diwaan tiro koob oo rasmi ah lga heli, balse dawladda dalku waxay sheegtay inay todoba qof ku dhinteen.

Weerarkan waxa fuliyay laba qof oo sida la sheegay Soomaali ah, kuwaasoo ka gudbay xuduudaha dalkaasi la wadaago Ethiopia iyo Somaliland, sida ay caddeysay xeer-ilaalinta guud ee dalku, waxaana loo qabqabtay dad ka badan tobaneeyo ruux, kuwo kale wali waa la raadinayaa.

Dawlada jibouti dhacdadaasi waxay tustay halis kaga iman karta xadka oo gudaha dalka fowdo ka abuuraysa, hase ahaatee wali umay badheedhin inay ka jawaabto xaalada noocan ah oo dhaawac ku ah horumarka ay gaadhay iyo xidhiidhka ay la leedahay Dawladaha waaweyn ee Caalamku ciseeyo.

Xadka ay la wadaagto Somaliland waa meesha ugu khatarta badan ee ay labada dalba u nugul yihiin inay Kooxaha Xag-jirka ah ee Gobolka ku baahay isaga gudbaan, si ay guluf ugu qaadaan labada Dal hadba kii liishaanka Dagaalka Jihaad doonka ahi saaranyahay.

Xuduudka xidhan.

Xuduudka ay wadaagaan labada dal ayaa la xidhay tan iyo markii dabayaaqadii bishii May markii weerarku dhacay, waxaana dadka isaga gudbaya oo badankoodu ka imanaya dhinaca Djibouti la saaray culays dheeraad ah.

Xidhista Xadka labada dal ayaa ku soo beegmay xili xagaa ah oo ay boqolaal qoys Kulaylka xeebaha Djibouti uga soo hayaan Magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo ka soo talaabada xuduudka, inkasta oo ay  wali dalkooda oo cabsi amni daro soo food saartay baaqi ku yihiin.

“Dadka soo xagaa baxaya ee Reer Djibouti qof kasta waxa laga qaadayaa sawir oo uu soo gudbayaa, laakiinse xaga jibouti uma gudbayo qof aan Kaadhka Dhalashada jibouti haysan”sidaas waxa Gobanimo u sheegay qof ka mid ah dadkadegen degmada Lowyo caddo.

Si rasmiya umay shaacin labada dawladda bandowga lagu soo rogay xuduudka, balse saraakiil hoose oo u hadlay waxay sheegeen in adkeeyay isu socodka labada dal, inta ay socoto baadhista falkii is-miidaaminta ahaa ee Djibouti ka dhacay.

“qof Diyaarad la socda mooyaane cid dhulka maraysa oo ka gudbaysa xadka Djibouti ma jirto”sidaa waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha amaanka Somaliland.

Inta la ogyahay socdaalka dhanka Hawada ee Hargeysa iyo Jibouti wali waa sidiisii hore, wallow madaarka Jibouti wax iska bedeli karaan.

In la xidho xuduudka labada dal uma wanaagsana Bulshada rayidka ah ee labada dhinac, laakiinse waxay sii kordhinaysaa foojignaanta iyo cabsida soohdinta ka taagan, waxaase loo baahnaa in la helo dariiq kale oo lagu maamuli karo dhaqdhaqaaqa Badda iyo Beriga ee labada waddan.

Xidhiidh aan xaqiiq ku dhisnayn

Dawladaha ka jira Somaliland iyo Djibouti waxay leeyihiin Xidhiidh siyaasaddeed oo soo taxnaa in ka badan shan iyo toban sanadood, kaasoo marba marka ka dambeysa sii xoogaysanayay, walise aan xaqiiq badan ku dhisnayn.

Dawladda Djibouti uma aqoonsana Somaliland dawlad madaxbanaan, waxaanay qadiyada dalkan 23 jirsaday ka taagantahay halka Caalamku ka joogo, waxayse dunida kale ugaga duwantahay waxa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo casaabo Bulshooyinku wadaagaan, iyadoo shacbiga labada dal yihiin kuwo labada dalba wada dega.

Sidaasoo  ay tahay in la xidho xadka labada dal, waxa sababay ama lagu sifeyn karaa mushkilad ka dhalatay masuuliyad ay hore u lumiyeen dawladduhu oo ay  wali ka war wareegayaan inay si dhab ah u waajahaan  fulinteeda, taasoo ah hir gelin la’aanta hanaan isu socod oo sharciyad iyo nidaam saxa ku dhisan oo ay dadku si hufan ugu kala safri karaan iyagoo maraya hab sugan oo wax walba lagu xakameyn karo.

Nidaamkan oo ah mid siyaabo badan loo samayn kari lahaa hadii laysku dayo, ayaa qaabka ugu haboon ee ay ahayd in loo dabaqaa uu yahay inay isweydaarsadaan Safaarado ama Xafiisyo ka shaqeeya Arimaha isu socodka iyo Ganacsiga oo Hargeysa iyo Jibouti ku kala yaala, sida kuwa Itoobiya iyo Somaliland samaysteen dhawr sanaddood ka hor.

Dawladda Itoobiya ayaa toban sanadood ka hor Magaalada Hargeysa ka furatay Safaarad yar oo ay dadka reer Somaliland ee Itoobiya u dhoofaya iyo kuwayowga kale ee halkan ka tegayaaba Fiisaha dal ku galka ethiopia ka sii qaataan, waxaanay taasi meesha ka saartay Mushkiladihii dadku kala kulmi jiray socdaalka dhinaca Itoobiya.

Itoobiya waxa kale oo ay Ogolaatay inay Dadka reer Somaliland Dalkeeda ku geli karaan Baasboorka waddankooda Somaliland, taasoo ah arrin kale oo sii fududeysay safarkii dhulka iyo hawada ee Addis-ababa iyo Hargeysa.

Ujeeddada ka dambeysay inay Itoobiya reer Somaliland u ogolaato Baasbaaboorkooda waxay ahayd si u kala ogaato ama ugu kala soocnaadaan Soomaalida reer Hargeysa iyo kuwa reer Muqdisho ee xadka ka talaabayaa, sababtoo ay tahay dadka reer Koonfurka ahi ma qaadaan karaan Baasaaboorka Somaliland oo ay adagtahay xataa dad mawaadiniinta ahi siday ku helaan.

Dawladda Djibouti ee xidhiidhka walaaltinimo iyo kan siyaasaddeedba ka dhexeeyo Somaliland, iska daa inay Baasaaboorka Somaliland dalkeeda lagu galo ee wali Somaliland kamay furan xafiis ka shaqeeya danaheeda oo fududeeya iskaashi iyo isu socodka labada dal.

“waxa isweydiin Mudan sababta Dawladda Djibouti ee intaasoo sanadood xidhiidhku ka dhexeeya Somaliland Safaarad ama xafiis Ganacsi oo Fiiseyaasha dalkeeda laga bixiyo ay Hargeysa uga furan wayday, taasi waxaan u arkaan inay ku tusayso inaanay labada dawladda ee Somaliland iyo Djibouti daacad ka ahayn xidhiidhkooda”sidaasi waxa yidhi Axmed Cabdilaahi oo ah arrimaha Geeska afrika ku xeel dheer.

Axmed ayaa intaasi ku daray “Somaliland iyo jibouti waxa ka dhexeeya oo ay u baahanyihiin inay iska kaashadaan ammaanka xuduudkooda, iskaashi Ganacsi iyo mid siyaasaddeed intaba, laakiinse arrinta kale ee isweydiinta mudan ayaa ah sababta Djibouti u diidantahay in dalkeeda lagu galo Baasaaboorka Somaliland.

Anigu tan waxaan u arkaa inay dayacday Somaliland inay dawladda Jibouti ka dhaadhiciso waxay uga baagantahay ee inay fuliso ay ku qasbantahay Djibouti”.

“Somaliland waxay ogolaatay inay dalkeeda sharciga Djibouti ku soo galaan mawaadiniinta reer Djibouti, laakiinse Dawladda Jibouti maxay tahay sababta ay u diidantahay inay dadka reer Somaliland sharciga waddankooda, inta Fiise loogu dhufto ay dalkeeda ku galaan, taasi waa cadaalad daro inteeda le’eeg oo labada shacbi loogu kala eexday”sidaasi waxa yidhi Axmed Maxamed oo ah Mawaadin u dhashay Somaliland oo mawduucan ka hadlay.

Mawaadiniinta Somaliland ee gudaha dalku waxay ku dhaliilayaan sababta kaliftay in sharciga waddankooda dawladda Djibouti diido Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray intii xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal jiray, hase ahaatee si wax u jireenba waxa muuqata in la galay xaalad khasabtay in xataa isu socodkii cidhiidhiga ahaa ee awal hore jiray, kaasoo si gaar ah u saameyn jiray dadka Somaliland ka tegayaa meesha ka baxo, sababo dhanka amniga Gobolka ah.

Waxaana muuqata inay hada labada dawladdood ee Hargeysa iyo Jibouti si toos ah uga tashanayaan sidii loo adkayn lahaa nabad-gelyada Soohdinta labda dal.

Wefti Somaliland ah oo u socdaal ku tegay Djibouti

Qorshahan labada dal ku xoojinayaan iskaashigoodii ammaanka xuduudaha, ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo Jimcihii shalay Socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Djibouti.

Weftigan oo ka kooban saddex Wasiir oo aanay ku jirin Wasiirrada arrimaha dibada iyo ka arrimaha guduhu toona, waxa hogaaminaya Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasoo ay weheliyaan Wasiirrada Qorsheynta Qaranka Sacad Cali shire iyo Dib u dejinta Axmed Casood.

“Maanta aniga iyo Labada Wasiir ee ila socdaaba waxaanu safar shaqo ugu kicitimaynaa dalka Jabuuti markaa shaqdaas ayaanu u tagaynaa waxanan ilaahay ka rajaynaa inuu noo fududeeyo”sidaasi waxa  yidhi Wasiir Xirsi oo hadal Kooban warbaahinta siiyay.

Maxaa ka soo kordhay?

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helo socdaalka Wasiirada Somaliland ee  Djibouti waxay sheegayaan inay Maanta Safar ku tageen deegaamo ku yaala xuduudka labada dal oo ka mid tahay meesha la yidhaahdo Toora-boora.

Halkaas ayaa la sheegay in loo soo rarayo wadadii labada dal laysaga gudbi jiray ee Lowyo-caddo.

Si kastaba ha ahaatee socdaalka Wasiirrada Somaliland ayaa hadii uu daaranyahay xal u helida arrimaha taagan ee labada dal u dhexeeya iyo hadii kale oo uu la xidhiidho dano kale oo aan kuwaa ahaynba, waxa muuqata inay xiligan daruuri tahay in labada dawladdood  suurto geliyaan qorshe cad oo ay kaga hortegayaan khatarta Kooxaha Shide-wadeyaasha ah ee ku baahiya  Geeska Afrika, sida Kooxda Al-shabaab oo wacad ku martay inay weerarayso wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaliya oo ay ka mid tahay Djibouti.

Xaalada sii kordhaysa

Inkasta oo ay ka duwantahay xaaalada xadka Jibouti, xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa isaga laftiisu xidhnaa maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Magaalada Wajaale ay ka soo noqdeen dadkii u safrayay dalka itoobiya ee Fiiseyaasha ka sii qaatay Safaarada hargeysa.

 

Salebaan Cabdi Cali