Aqoonyahano, Ganacsato iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Waqooyiga Hargeysa oo dhaliilay nin Af-ka beeshooda ku maagay Shirkadda Dahabshiil

0
127

Hargeysa(Waaheen) Aqoonyahano, Ganacsato iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Waqooyiga Hargeysa oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Fish and Stake House ee Hargeysa ayaa dhaliil xoog ah usoo jeediyey Nin ku hadlayey afka Beesha oo habeen dhaweyd Hotel Crown aka f-lagaadeeyey shirkadda Dahabshiil, kaasoo ay ku eedeeyeen in aanu beesha ku matalin hadaladii Deel-qaafka ahaa ee uu madashaas kaga dhawaaqay.

IMG-20140615-01846

Sidoo kale, waxay kooxdan hadashay canbaareeyeen siyaasiyiinta kula socotay ninkaasi hadalada uu halkaas ka jeediyey oo ay ku Eedeeyeen haddii aanay la qabin in ay ahayd inay ka qabtaan ama iska fogeeyaan fool xumada oo kula kacay beesha uu af-kooda sheeganayey ama iyaga oo la fadhiyeyba.

IMG-20140615-01844

Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo Madax dhaqameedka shirka Jaraa’id qabtay waxay kala ahaayeen C/laahi Cabdi Muuse (Bakayle), Muxumed Aw Cabdi, Eng: Cabdi Cali Barkhad, Abshir Axmed Xasan, Farxaan Faacuul, Caaqil Axmed Cali (Indhacase), Eng: Saalax Ismaaciil iyo Axmed Talyaani.

IMG-20140615-01843

Odayaashani Waxay si adag uga hadleen in aanay Shirkadda Dahabshiil u qalmin in lagu af-lagaadeeyo waxaanay gayin, iyagoo Tilmaamay inay tahay shirkad Qaranka Somaliland ugu fadhida muhiimad weyn, isla markaana ka hana qaaday Caalamka oo dhan, taasoo Somaliland u ah Astaan ay ku faanto marka la eego dhinac kasta oo Nolosha ah.

IMG-20140615-01840

Odayaashani waxay sheegeen Kooxdii ku hadlaysay Af-ka Reerka ee maagtay Dahabshiil inay yihiin kuwo ku Guul-daraystay siyaasadda, isla markaana ka leexday wadadii ay u mari lahaayeen in ay damacooda ku raad-sadaan, waxaanay ugu baaqeen in aanay Beesha, Ganacsatada iyo Madaxda Dalka toona kula gal-galan inay mar mariyaan weedho bulshada kala fogaynaya.

IMG-20140615-01841

Ganacsatadani waxay sheegeen in Ganacsigu yahay meherad qof leeyahay oo aan lahayn xad kala qoqoba Beelaha, Goboladda iyo shakhsi toona, ee uu yahay mid qof kastaa meesha uu doono kaga ceeshi karo, isla markaana loo baahan yahay inay Dadweynuhu ilaashadaan.

IMG-20140615-01833

Waxay ku doodeen Madax dhaqameedkani in ay Somaliland ka soo gudubtay xilligii lagu khuukhin jiray hadaanu Reer Hebel nahay, iyagoo sheegay Beesha ay ka soo jeedaan inay tahay ta ugu shaqaale badan marka loo eego shaqaalaha ka hawl-gala shirkadda Dahabshiil oo gaadhaya dhawr iyo labaatan kun oo daafaha Dunida ka hawl-gala, waxaanay sheegeen xidhiidhka iyo macaamilka ay la leeyihiin inaanu waxba ka badalayn hadal nin ama kooxi tidhi.

 IMG-20140615-01832

Odayaasha, madax dhaqameedka iyo Ganacsatadani waxay Shirkadda Dahabshiil ugu baaqeen in aanay raali ka ahayn in magacooda lagu af-lagaadeeyo, waxaanay si adag u sheegeen Ninka hadalkaasi ka soo baxay iyo raggii ku wehelinayayba inay yihiin shakhsiyaad aan beesha metelin, isla markaana ay Beel ahaan ka soo horjeedaan, iyagoo dhaleeceeyey hadalka ka soo yeedhay Ninkaasi.

IMG-20140615-01840

Dhinaca kale, waxay ugu baaqeen Beesha Waqooyiga Hargeysa inay ka fogaadaan wax kasta oo amaanka wax u dhimi kara, isla markaana aanay raacin shakhsiyaadka kala garan kari la’ Damacooda siyaasiga ah iyo Nolosha Dadweynaha Reer Somaliland oo ay sheegeen inay ka soo kabteen dhibaatooyinkii hore u soo gaadhay.