Xukuumadda oo bilowday Qorshihii ay ku xaraashaysay Guryaha Dawladda

0
97

Xukuumadda oo bilowday Qorshihii ay ku xaraashaysay Guryaha Dawladda

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa wada Qorshihii ay ku Iibin lahayd qaar ka mid ah guryaha Dawladda, sidii uu hore u balanqaaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Warar hoose oo Waaheen heshay ayaa sheegaya in dhawr iyo toban guri oo ku yaala jidka weyn ee shacabka la qorsheeyey in lagu bilaabo Iibka, halka kolba wixii loo baahdana la dabagalin doono.

Guddi Xukuumaddu u saartay Qiimaynta Guryaha iyo Dhulka Dawladda ayaa lagu soo waramayaa inay Toddobaadkan soo bandhigi doonto Qiimaha y Guryahaas ku Iibin doonto Xukuumaddu, iyagoo Dadweynaha u bandhigi doona Iibka guryahaas si loogu tartamo.

Xukuumadda ayaa hore u soo saartay in Guryaha iyo Dhulka Dawladda ee banaan ay ku badali doonto mashaariic Horumarineed oo wax lagaga qabto Tahriibka iyo shaqo la’aanta, iyadoo tirokoob ku samaysay Hantida Dawladdu leedahay.

Qorshaha cusub ee ay sanadkan ku hirgalinayso Xukuumaddu guryahan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee saddex iyo labaatanka Sano ee ay Somaliland jirtay suurtogala, halka Xukuumadihii hore Guryaha iyo Hantida Dawladda ay siyaabo kale u bixin jireen.

Xisbiga Kulmiye ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa ku dhalliili jiray Daahir Rayaale Iibkii guryaha India Line-ka, wallow Xukuumadda Kulmiye markii ay talada qabsataya qaaday wadadiisii.