Bukaankii Riyada

0
108

Xamse siciidbaribaa nin uu isaga oo hurda ku riyooday isaga oo xanuunsaday oo ay calooshu xanuunayso , deetana waxa dhacday inuu soo toosay isaga oo xanuunsanaya una xanuunsanaya sidii uu ku riyooday markii uu hurdadii ka soo kacay waxaana uu u sheegay xaafadiisii inuu xanuunsanayo deetana waxa dhacday inay geeyeen dhakhtar ku ag dhawaa xaafada uu deganaa ka dib waxa dhacday inuu dhakhtarkii uu waraystay waxana dhex martay sheekadan:

Dakhtar: Halkee ku xanuunaysa ee aad ka cabanaysaa se side laguu hayaa?

Ninkii: waar inaadeer waxaan xalay aan ku riyooday aniga oo xanuunsanaya oo calooshu I xanuunayso deetana markaan soo kacayba waxaan so kacay anigoo u bukoonaya sidii aan riyada ugu bukoonayay.

Dakhtar: dhakhtarkii isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yidhi “ Anigu waligay ma arag mana maqal qof ku xanuunsaday riyo ee bal hadana xalkeeda waan isku dayaya iyo sidii aad ku bogsan lahayd”

Ninkii: Waayahay dhakhtar.

Deetana waxa dhacday in dhakhtarkii uu u qoray dawo ka bogsiisa calool xanuunka , markii uu gurigii tagay ee uu dawadii isticmaalay ayaa waxa dhacday inaanu wax is badal ahi ku dhicin oo uu wali buko deetana hadana waxa uu u tagay dhakhtar kale, dhakhtarkii ayuu uga waramay sheekadii  ku dhacady iyo sida uu u xanuunsaday iyo inuu sidoo kale dhakhtar ka horeeyey soo maray oo aanu wali dawooyinkisii ku caafimaadin.

Dhakhtarkii ayaa isagoo yaaban u sheegay inaanu waligii maqal dhacdadan ku dhacday bukaankan deetana waxa uu yidhi xanuunkaagu maaha mid uu dhakhtar dawayn karee waxaad u tagtaa dhakhtar yaqaana  Cilmu Nafsiga  (Psychology) kaasa laga yaaba inuu dawadaada helee.

Deetana ninkii waxa uu soo laabtay isaga oo laftigiisu niyad jabsan oo isleh dhakhtarka cilmigaa yaqaana talow xagee laga helayaa, markii uu gurigii yimid ayuu u sheegay xaafadiisii taladii la soo siiyey deetana waxa  muddo yar  ka dib ayaa la soo helay dhakhtar yaqaana Cilmu nafsiga oo aqoonyahan ah kuna takhasusay cilmigaas deetana markii loo geeyey dhakhtarkii  ayaa waxa dhacday inuu uga waramay sheekadii deetana ninkii cilmu nafsiga yaqaanay ayaa inta uu dhoola cadeeyey yidhi “ ma tihid qofkii ugu horeeyey ee aan ku arkay dhacdadan waana wax fudud in la daweeyo, umanaad baahnayn inaad qaadato kiniinadaas hore aad u isticmaashay imikana waxaan kuu qoraya dawo dhakhso kaaga biisa oo aanad bariba ku soo toosayn xanuunka ku haya.”

Ninkuu isaga oo aad u faraxsan ayuu dhakhtarkii cilmu nafsiga yaqaanay ku yidhi “ aad baad u mahadsantahay dhakhtar”  waxaanay niyadiisu noqotay markiiba mid dagan oo warwarkii wuu ka yara khafiifay firfircoonina way gashay  ka dibna waxa uu dhakhtarkii ku yidhi caawa markaad seexanayso waxaad qooshataa xabad liin dhanaan ah deetana cab oo ku seexo niyadana u sheeg inaad ku dawoobayso waa hubaal inaad soo kici doonto adoo caafimaad qabee.

Ninkii waxa uu xaafadii ku soo laabtay isaga oo aad u farxsan oo helay qayb ka mid ah caafimaadkiisii niyadiina u dagtay, habeenimadii marki ay gaadhay ee uu sii seexanayayna waxa uu sameeyey sidii dhakhtarku soo faray.

Subaxii markii uu soo kacay waxa uu soo kacay isaga oo caafimaad qaba sidiisii horena ku soo laabtay firfircoonina ku jirto.

Waxaana uu isaga oo qoslaya faraxsana taabtay calooshiisa oo uu yidhi “ Alaylahe waxaasa dhakhtar ah”

Sheekadan dulucdeeda waxaan uga jeedaa waxa dhacda  kuna soo badanaya bulshadeena mararka qaar in xanuuno aan dhab ahayni ku dhacaan dadka qaar kuwaas oo iska dhaadhiciya inay xanuunsanayaan se aan xanuunsanayn , kuwaas oo niyadooda ka dhaadhiciyaan inay bukaan ama se meel xanuunayso  waayo niyadu waa quraarad taas oo laga dhex arko kolba waxa layska dhaadhiciyo .

Hadaba waxaynu u baahanahay oo aan laga maarmayn ina la badiyo dhakhaatiirta Cilmu nafsiga yaqaana maadaama uu casrigan danbe ku soo badanayo bulsho waynta  caalamka xanuunada khuraafaadka ah ee aan jirin ee ay ka dhaadhiciyaan niyadooda se ay adagtahay inuu ka daweeyo dhakhtar aan baran Cilmi Nafsigu se si sahal ah uu u dawayn karo dhakhtarka cilmu nafsiga wax ka yaqaanaa.

 

Qore: Xamze Siciid Kuuriya

Social Analyst

Hargeysa, Somaliland

Email: xamzesiciid@gmail.com