Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku ruqaansaday Taleex iyo Maleeshiyadii ku shiraysay oo ka qaxday

0
122

Taleex(Waaheen) Ciidamadda Somaliland ayaa saaka ku ruqaansaday magaaladda Taleex ee shirku uga socday kooxda Khaatumo la baxday oo toddobaadkan shir uga furmay.

brrWararka waaheen ka helayso Gulufka ciidan ee ku waaberiistay Taleex ayaa sheegaya inay ciidanka Somaliland si nabad ah ku gaadheen kadib markii ay ka qaxeen magaaladaasi Siyaasiyiintii iyo kooxihii Madax dhaqameedka ahaa eek u shirayey.

Magaaladda Taleex ayaa haawanaysa kadib markii ay ka qaxeen weerarka ay Ciidanka Qaranka Somaliland ku Eekaysiiyeen shirkii halkaas ka socday, illaa hadana lama oga meel ay jaan iyo cidhib dhigeen kooxdii Cali Khaliif iyo Cali Ciise.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dul dagay magaaladda Xiin-galool ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu joogo Suldaanka Beesha Warsangali Suldaan Siciid, kaasoo ku baaqay shir ay Puntland abaabushay, waxaanay madax dhaqameed Garoowe joogaa walaac ka muujiyeen talaabada Ciidanka Somaliland ku tageen magaaladaasi.