Muuse Biixi Miyuu ka tanaasulay Musharaxnimadii Kulmiye?

0
156

Dumar badan oo taageersan Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay Hotelka Crown ku qabtay xaflad balaadhan oo ay ku dhaliilayaan go’aankii Golaha Guurtiddu ka soo saaray khilaafkii Xisbiga Kulmiye, waxaanay kulankooda xalay si weyn ugu taageereen Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Axmed.

kulmiye hoga2Dumarka xafladda ka qayb galay oo aad u badnaa waxay ku xardhanaayeen boodhadh ay ku sawiran yihiin Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo ay Halku dheg uga dhigeen Hogaanka Kulmiye, waxaanay ku dhaliileen xukuumadda Raggii guusha u dhaliyey inay caydhsanayso.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu Musharax yahay, waxaanay taageerayaashiisu ku xardheen gaadiidkooda sawiro muujinayey Musharaxnimadiisa iyo Hal ku dhegyo lagu taageerayey ka hor intii aanay Golaha Guurtiddu taageereen go’aamadii shirweynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ee Khilaafka ba’ani ka dhashay.

Inkasta oo aanu Muuse Biixi illaa hada soo saarin mawqif ka duwan kiisii hore ee ahaa in uu u taagan yahay jagada musharaxnimada Xisbiga Kulmiye hadana waxa muuqata in loolan adag uu horyaalo, kaasoo aan la garanayn isaga iyo madaxweyne Siilaanyo ka calfan doona jagadaasi muranka xoogani ka taagan yahay.

Muuse Biixi ayaa bilaabay Olole xoogan oo uu doonayo in uu isku muujiyo, waxaanay farriinta xalay Haweenku gudbinayeen ahayd mid taageeradiisa lagu muujinayey, iyadoo la hadal hayo mid tan la mid ah in ay isla caawa ka dhici doonto Hotelka Crown taasoo ay dhalinyarada taageersani soo abaabushay.

Kulamada Muuse Biixi taageerayaashiisu qabanayaan ayaa ah wareeg kale oo siyaasadeed oo ka dhex curtay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxaana soo if-baxaya dareeno ifafaale u ah Muuse in aanu dhayal ku qaadan go’aankii Guurtidda sida ka muuqatay hadaladii uu ka jeediyey munaasibadii Qasriga Madaxtooyadda ee lagaga dhawaaqay go’aamadii uu ku tilmaamay in dhinaca Xukuumadda loo xukumay balse uu u qaatay danta Qaranka.

Kulamada Taageerayaasha Kulmiye waxay dhinaca Xukuumadda ku abuureen diyaar garaw culus oo ay kaga gaashaamanayaan Ololaha ka dhanka ah oo u muuqda mid Muuse ku wiiqayo cududa taageerayaasha Kulmiye, waxaanay bilowday inay kulamo kale oo lidi ku ah kuwan abaabusho. Wallow aanay wali hadal cid taageersan dhinaca Xukuumadda hadana waxaad moodaa in ay awoodeeda muujin doonto.

Muuse Biixi iyo Xukuumadda ama siyaasiyiinta xukuumadda ku jira ee beesha Muuse ayaa u muuqda kuwo isku haysta taageerada beesha dhexdeeda, waxaana socda ama bilowday dagaal siyaasadeed oo sababi kara in ay labada dhinac si dhab ah u kala adkaan doonaan ka hor intaan la qaban shirka Golaha Dhexe, kaasoo ay labada dhinacba qabsoomidiisa ka hor naawilayeen in midkood uuni meesha ka baxo.