Ciidamada OIL PROTECTION UNIT Somaliland u samaynayso ilaalinta shirkaddaha Shiidaalka oo ay ku baxayso $25 Million

0
141

Hargeysa(Waaheen) khabiir u dhuun daloola mashaariicda shirkaddaha Shiidaalku ka wadaan deegaanada Somaliland oo la yidhaahdo Maxamed Axmed Saxar ayaa sheegay in Ciidamadda Somaliland u samaynayso ilaalinta shirkadahaas oo la yidhaahdo OIL PROTECTION UNIT ay ku baxayso lacag gaadhaysa $25 Millio

Assaye

Sidoo kale, waxa uu khabiirkaasi sheegay Shirkada loo xil saaray ciidankan in ay taba barto in la yidhaahdo Assaye Risk ltd, taasoo ay  Agaasime ka tahay gabadh la yidhaahdo Arabella Wickham oo ingriis ah.  

Mr: Saxar waxa uu intaas ku daray inay Ciidanka tiradiisu tahay 420, halka nimanka taba barayaana ay ka yihiin calooshood u shaqaytayaal hore Ciraaq iyo Afghanistan uga soo dagaalamay.  Isagoo intaas ku daray shirkada Assaye Risk ltd inay ka hawl gasho Central Africa.

Ciidankan Somaliland u samaysanayso ilaalinta shirkaddaha Shiidaalka ka baadhaya Somaliland Ayuu dhawaan wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya ka dayriyeen waxaanay sheegeen inay khatar ku noqonayso amaanka.

Somaliland ayaa iyana dhinaceeda sheegtay inay Amaanka deegaanadeeda sugayso, isla markaana aanay cidna u daba fadhiisanayn maamulkooda.