Dawladda Itoobiya oo xidhay xafiiskeeda Socdaalka ee Xadka wajaale iyo dadweynihii Fiisayaasha sitay oo ku go’doonsan

0
76

 

warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya sababta xadhiga xuduudka Wajaale

 

Wajaale(Waaheen) Dawladda Federalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay xidhay xafiiskeeda ku yaala xuduudka Wajaale, halkaas oo ay Dadweyne farabadan oo Fiisayaasha Dal ku galka Itoobiya hargeysa ka sii qaatay ku go’doonsan yihiin labadii cisho ee u danbeeyey.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xidhitaanka xilligan ee xafiiska Laanta Socdaalka ee Itoobiya, kuwaas oo Ilo wareedyada laga helayo midiba si u fasirayo maadaama aanay Xukuumadda Itoobiya illaa had aka hadal arrintan oo socota labadii maalmood ee u danbeeyey.

Wararka Waaheen helayso ayaa qaarkood sheegayaan in sababta ugu weyn ee xadhigan keentay ay tahay khilaaf xoogan oo masuuliyiinta Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ka dhex qarxay, kaasoo sababay in muran iyo Wanjal saraakiisha dhexdooda ahi ka dhacday xafiiska.

Warar muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay in masuulkii Fiisayaasha bixin jiray shaqadii laga joojiyey, isla markaana uu u kicitimay dhinaca Xarunta Dalka Itoobiya ee Addis ababa, halka wararka arrintaas la xidhiidhaa sheegayaan in uu bixiyey xogta sababtay in la joojiyo dhamaan shaqadii xafiiska dhinaca Wajaale ee laga talaabi jiray.

Wararka iyo warbixinada ay bixiyeen masuuliyiinta Xafiiskan ee iska soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa inay Dawladda federalka Itoobiya shaki badan ka muujisay Fiisayaasha Dalkeeda lagu soo galo ee laga soo bixiypo xafiiskeeda Hargeysa, maadaama xilligan Dawladda Itoobiya ay ka cabsi qabto kooxo Alshabaab ahi inay ugu soo dhex dhuuntaan, halka ay qaarkood kaba qabteen sida ay Hay’adaha Amniga Dalkaasi sheegeen.

Sidoo kale, dhacdooyin is biirsaday oo aan la ogayn saamaynta ay arrintan ku yeelan karaan ayaa laga soo sheegaya inay ka dhaceen Deegaan ka mid ah Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin niman ganacsato kootarabaan ah oo la sheegay dhawaan in lagu Dilay xuduudka, kuwaasoo dadkii Dilay Maxkamadda Dawladd deegaanku xukuno ku riday, taasoo laga cabsi qabo inay dhaliso rabshado.

Waxyaabaha kale ee ay dadku isla dhex marayeen habeenadii u danbaysay ee la hadal hayo inay saamayn ku yeesheen xidhitaanka Xadka ama xafiiska Socdaalka Itoobiya ayaa iyana lala xidhiidhinayaa Ciidamo lagu sheegayey Gobolka Gabilay iyo Awdal dhexdooda, halka laga arkayey ciidamadda RRU-da oo la sheegayo inay u tageen deegaankaasi sugida warkaas iyo dhaqdhaqaaqii Khilaafka Xisbiga Kulmiye.

Si kasta ha ahaatee, magaaladda wajaale waxa Tuman dadweyne farabadan oo u socdaali lahaa Dalka Itoobiya, kuwaas oo hoganaya shaaracyada iyo goobaha laga qaxweeyo, iyadoo qaarkood na laguw argeliyey inay Diyaaradda soo raacaan maadaama oo aan la ogayn goorta la furri doono.