Xisbiga Waddani oo Xukumada Siilaanyo uga Digay in ay ku Fikirto Muddo Kordhin loo Sameeyo.

0
73

Gudoomiyaha-guddida-joogtada-ah-ee-Wakiilada-“Haaddii aad Doorashada wakhtigeeda ku qabanwaydaan waxay madaxtooyadu isku badalidoonto Miidaamu Taxriir ama dhagaxaan is hordhiga ama Darbiyo Dhaadheer sameysta, daaqadaha ayaa layskaga soo daadan”Ibraahin Buuba

Hargeysa(Waaheen) Af-hayeenka Xisbiga Waddani Ibraahin Mahdi Buuba ayaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uga Digay in ay ku Fikirto in muddo kordhin loo sameeyo marka ay dhameysato wakhtigeeda Sharciga ah ee u hadhay oo ku beegan Sanadka Danbe, waxa kale oo uu walaac ka muujiyey Suurtagalnimada in Xukumada Siilaanyo qabato  doorashada Madaxtooyada isaga oo Tilmaamay in aanay illaa haatan muuqan in dalka laga qabandoono Diwaangalinta Codbixiyaasha oo la filayey in wakhtigan hawsheeda lagu gudo jirro.

Ibraahin Mahad Buuba oo ka hadlaya Arrimahasi waxa uu yidhi.“Muddo kooban ayaa ka hadhsan Doorashadii Madaxtinimada, waxa kale oo aad ogtihiin in aan illaa haatan laga shaqeyn diwaangalintii codbixiyaasha, marka qalbiga dadka oo dhan waa mid ku jirta in ay doorashadu dib u dhacayso, laakiin anaga Xisbi Waddani ahaan waxaanu cadeynaynaa muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha in aanay xal ahayn ayaanu u aragnaa, habeen loogu daro madaxweyne Siilaanyo daawo umma ah dalka, xukuumadii Daahir Riyaale waxay dalka kan qabatay Afar doorasho oo dimuqraadi ah, xukuumada Siilaanyona waxay dalka ka qabtay doorashadii golaha deeganka ee dalka dhibaatada laxaadka leh gaadhsiisay, xukuumada Siilaanyo waxa iska cad in ay ka caggo jiidayso in ay wakhtigeedii ku qabato diwaaangalintii codbixiyaasha, iyada oo Dawladihii inaga caawin jiray Dimuqraadiyada ay diyaar u yihiin in ay inaga caawiyan Doorashada iyo Diwaangalintaba, marka ujeedada ugu weeyan ee xukumadani damacsan tahay waa in ay muddo kordhin sameysto.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalka sii watan waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegaynaa in haaddii aad Doorashada wakhtigeeda aad  ku qabanwaydaan in ay madaxtooyadu isku badalidoonto Miidaamu Taxriir ama dhagaxaan is hordhiga ama darbiyo dhaadheer sameysta, daaqadaha ayaa layskaga soo daadan, shacabka reer Somaliland way ka daaleen muddo kordhin haaddii ay barlamaan tahay iyo haaddii ay tahay Madaxtooyaba, dawladaha Deeq Bixiyaasha waxaan ugu baaqaya in ay Xukumada Culeys Siyaasadeed  ku saaran sidii ay dalka uga qaban lahayd doorasho madaxtooyada .”Ayuu yidhi.