Hoggaamiyihii Kooxaha Buuraha Galgala Ka Dagaallamayey ATAM Oo Isu Dhiibey Dawladda Somalia.

0
81

Hoggaamiyihii Kooxaha Dagaalyahaniinta ah ee sannadihii ugu danbeeyey ka dagaallamayey Buuraleyda Galgala ee cidhif-bariyeedka degaannada Sanaag-bari  Maxamed Siciid Atam ayaa maanta isu dhiibey dawladda fedderaalka Somalia isagoo gudaha u galay Muqdisho.

 Ilaa hadda wararka arrintaas laga helayo ayaa sheegaya in Atam sheegay inuu iskaga soo hadhay kooxihii halkaas ka dagallamayey ee uu isagu hoggaamiyaha u ahaa.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysa inuu hoggaamiyahani mar keliya ka dhaqaaqo kooxihii uu hoggaaminayey isuna dhiibo dawladda Somalia iyo sidoo kale halka uu ku danbayn doono dagaalkii kululaa ee kooxda Atam iyo maammulka Puntland degaannadaas ku dhex marayey.