Dhalinyarada, aqoonyahanka iyo haweenka beesha Ciise Muuse (Habar Awal) oo baaq kasoo saaray xadhiga wasiirkii hore ee amniga C/lahi Aboker, fariina udiray xukuumada, madax waynaha, iyo xisbiga kulmiye.

0
159

o    Baaqa.
Anakoo ah wax garadkii, dhalinyaradii, haweenkii beelwaynta Ciise Muuse waxaanu canbaaraynaynaa xadhigii foosha xumaa ee laguula kacay wasiirkii hore ee amniga Mr. C/alahi Aboker, oo ahaa nin dhalinyaraa oo xukuumada iyo shacabkaba qiimo wayn ulahaa. Waxaanu kaxunahay sida foosha xun ee loo xidhay, ee sidii uu yahay nin argagixisaa saqbadh la shirqoolay, dilna loogu badheedhay, illaahayna maalinkale udhigay ajashiisii, arrintaasi waxay keenaysaa nacayb badan, godob, aano qabiil iyo in laga ficil qaato falkaa xun. Waayo haduu danbiile yahayba aayar ayaa la qaban lahaa hadh cad ama waaran ayaa loo keeni lahaa, hadaan lagu talagalin in ladilo.
o    Fariinta xukuumada siiba Madax waynaha qaranka.
Mudane madax wayne kaamaanu filayn tan maanta aad nagu samaynayso hadaanu nahay dhalinta iyo wax garadka reer Saaxil, waayo xukuumadii kaa horaysay ee aanu awooda badan ku lahayn sababtaanu uga soo horjeedsanay waxa kow ka ahaa:  dulmiga, cadaalad darada, musuqa, qabyaalada, kali talisnimada, hori mar la,aanta iyo iwm. Intaas aanu soo sheegnay iyo in kabadanba maanta waxa ku sifowday xukuumadaada, maantana masuul kastaa halka uu haysto isagaa iska yeeshay oo shirkad ganacsi oo uu leeyahay ka dhigtay waxaana meeshii kabaxay isla xisaabtankii iyo kala baqashadii dowlad nimo.
Mudane madax wayne horta aan ku xasuusiyo dhibta Berbera taal, anaku hadaanu nahay reer Berbera madax wayne isma gaadhno,  xukuumadii hore ee Daahir riyaalena  ismaanu gaadhi jirin ee madaxda gobalka jooga ee waligood fadhiyay  ayaanu nacnay, markii dib udhac mooyee ay hori mar kashaqayn waayeen, isna wuu nagu daawaday oo naga badali waayay danahiisa oo kaliya aaynu illaashanayay,  illaa isagii aanu ka necbaano wax kasta, adna taas ayaa maanta kuu taala ee ogoow. Saaxilna wax ka dhacay mooyee wax ukordhay majiro illaa maanta ilaa maalitii aad wadanka qabsatay, waxaana magaalada looga soo qaxayaa baahiyihii asaasiga ahaa ee bulshada sida laydhka iyo biyaha, taas oo aanu magaalooyinka kalaba kala siman nahay , boog canbaara ayaanay ku tahay xukuumadaada wax qabadna kuma faani kartid inta biyo la,aanta iyo laydh la,aanta  caasimada loogu bakhtiyayo, Berberana  ragii hore ula hadhay ee aanu xukuumadii horaba unacnay ayaad dib gacanta ugu galisay, shansano ka hor dhalinyarada reer Berbara waxa magaalada looga soo eryi jiray kulmiyad taageertaan, ee ka baxa magaalada, ragii lahaana waa calooshooda ushaqays-tayaashaa aad maanta  wax udhiibatay ee aad ka maarmi wayday,  si ay danahaaga gaarkaa kuugu dhameeyaan oo kaliya, maantana waa sidii oo waxa la leeyahay Muuse ayaad taageertaa iyo daba dhilif matihid ee kabax magaalada. waana ayaan daro wayn  waana ta maanta keentay in dhalinyaradii reer Berbara ay buux dhaafiyeen maqaaxiyaha Hergaysa, badhna ay badaha ciil iskugu gureen, xumaanta Berbara taalaana waa ta maanta sababtay in xildhaano kulmiyaa oo uu  sharcigu dhowray lagu xidh xidhayo Muusi Biixi ayaad taageerteen, halka shar wadayaashu iyagu bilaabeen ee ay xalfado waawayn oo hantida umada lagu baabiinayo lagu qabanayo hudheelada waawayn.
Mudane madax wayne cabudhinta, caga juglaynta, cabsi gaalinta, iyo xoog adeegsigu waatii aanu ka mudahaaraadaynay ee laguugu dhimanayay markaad mucaaridka ahayd, waana ta maanta keenta aduunyada ilaa xadka uu qofku is qarxiyo , is biimeeyo ama fal aad uxun qofka ku kalifta.
Ugu danbaytii mudane madaxwayne anaku hadaanu nahay beesha Ciise Muuse kaaga caban mayno xukuumada aad naga qadisay ee hal wasiir oo ceeb ka saliina oo aan reerka u adeegine  qaranka u adeega naga siisay, taasina waa noo guul anaka,  halka  wasiirada kale ay reerahooda u adeegaan, una shaqaalaysiiyaan kana dhigteen wasaarada hooda xarun lagu quudiyo reerkooda.
Guntii iyo gunaanadkii mudane madax wayne anaku kuuma cabanayno doonayno , ee sida ugu dhakhsaha badan waa inaad xoriyadiisii ugu soo celisaa Wasiirkaa amniga ee xidhan, hadii kale shaanibaa Hergaysa waashee, wax ka wayn ayaa waali Berbera oo ah halka risiqu kuusoo maro, waana balan waanad arki hadaanad ku sii dayn wasiirkaa mudo kooban.
o    Fariinta xusbiga kulmiye:

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan masuuliyiinta, iyo taageerayaasha xusbiga ee garabka midig inay ka howl galaan sidii wasiirkaa xidhan loo sii dayn lahaa, waayo waxa xilkii lagaga qaaday ee loo xidhay waa danta xusbiga oo kaliya,  waana in go,aan meel lasii dhigtaa hadii Muuse uu noqon waayo musharaxa kaliya ee xusbiga  u sharaxan doorashada danbe, go,aan kaas oo noqonaya in aynu kadigo rogano oo aanu xusbi kale ku biirno, waayo waa la yaqaan reerihii soo saaray kulmiye , maantana waa la ogyahay waxa lagu sameeyay.
ALLAA MAHAD LEH
Yours sincerely.
Xoghaya guud ee beesha Ciise Muuse.
Dr. Nasir Farah Mosa.
Email: naasirfm@hotmail.com
Phone: 063-4421674.