Hargeysa: Dad u dhintay Koronto ku dhegtay

0
106

Hargeysa(Waaheen) ugu yaraan saddex qof ayaa toddobaadakan siyaabo kala duwan ugu dhintay Koronto ku dhegtay, kuwaasoo aanay illaa hadda cadayn sababta dhimashadooda keentay.

Saddexda Qof ayaa lagu soo waramayaa lab aka mid ah in loo nisbaynayo Laydhka Dawladda, halka Qof-ka kale lagu soo waramayo in uu dilay Laydhka Shirkadda Kaah.

Saddexdan qof mid ka mid ah waxa qabsaday dab danabeeyey Jiingad guri oo ku taala Idaacada agteeda, taasoo uu dul maray, waxaana ku dhagay Jiingadii danabaysnayd, taasoo inta badan dhacda marka Jiingadaha la dul marinayo ama guryaha la galinayo inay dabayshu diirto isla markaana iyada oo aan laga war hayn si aan ku talogal ahayn u danabaysmo guriga saqafkiisu.

Sidoo kale, mid ka mid ah sadexdaas qof ayuu illaa hada muran ka taagan yahay qaabka uu Laydhku ugu dhagay, dhacdadan oo ka dhacday Xaafadda Axmed Dhagax waxa lagu soo waramayaa in uu fuulay Dayr guri uu ilaalinayey ku yaalay kaasoo wararka qaar sheegayaan inuu Danabaysnaa.

Khatarta Dabku dhaliyo ee halista ku ah Bini’aadamka ayaan ku koobnayn sadexdan qof, hase yeeshee waxa dhacay dhawr dhacdo oo iyana la xidhiidha Dab ka kacay Guryo, Kaalmo shiidaal iyo Booyado shiidaal siday.

Dhamaan dhacdooyinkan oo dhan waxay ahaayeen kuwo is-biirsaday inkasta oo ay siyaabo kala duwan waxyeeladoodu dad iyo duunyaba u saamaysay.

Dawladda Hoose iyo Shirkadaha Laydhka ayaan xil iska saarin inay dadweynaha ka badbaadiyaan ama nidaam ay kaga badbaadi karaan aan uga samayn Laydhka, waxaana jira hab macaamil aan sharci ahayn oo ay khasaraaha ka dhasha Laydhadhkaasi ay ku xaliyaan dhinacyada ay khusaysaa.

Tusaale ahaan shirkaddaha Laydhka ayaa shuruudo ku xidha Dadweynaha marka ay Laydhka ka gashanayaan, iyagoo ay ka mid yihiin Shoodh haddii uu guriga Dibeda kaga yimaado in aanay masuul ka ahayn, iyadoo marar badan ay dhacdo in dabku ka dhaco banaanka Guryaha.

Si kasta ha ahaatee, waxa loo baahan yahay khasaaraha iyo dhibaatada Dabka oo la odhan karo sida ay u yaalaan xadhkaha dabka qaadaa waa kuwo doobirtoodu yar tahay, wallow ay dadweynaha iyo Duunyadoodaba dhibaato ku hayaan.