Gaadhi Xamuul ah oo ku qalibantay Duleedka Koonfureed ee Hargeysa

0
113

Hargeysa(Waaheen) Gaadhi weyn oo xamuul siday ayaa galabta ku qalibmay duleedka Koonfureed ee wadada cad ee Hawdka Hargeysa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Hal qof oo dhimasho ah iyo dhaawac farabadan oo ka dhashay shilka gaadhigaasi.

cisDhaawaca dadkii gaadhiga saarnaa ayaa loo soo daad guraynayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu daweynayo.

Lama garanayo sababta shilkan keentay hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu siday shixnado isugu jira raashi iyo rakaab, taasoo keentay khasaaraha ka dhashay shilkiisu inuu balaadho.

Waa shilkii labaad ee manta ka dhaca daafaha wadooyinka ka baxa galbeedka iyo koonfurta Hargeysa.

ehelada Rakaabka gaadhiga saarnaa ayaa ku qul qulaya Cisbitaalka Hargeysa si ay ula tacaalaan dadka dhaawaca ah caafimaadkooda.