Muuse Biixi oo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Dagaal cir iyo dhul ah ku qaaday markii uu ku dhawaaqay Hankiisa Musharaxnimo.

0
163

10366257_530042620434240_1746121163155339814_nHargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eeddo uu sheegay in kaga yimaadeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaanu nasiib darro ku tilmaamay in loonisbeeyo Shaaniyada Meelaha lagu qarxiyo.

Muuse Biixi waxa kale oo u soo jeediyey inta ay khilaafka hoose ay eegayso in ay ka hadasho qaraxii Djabuuti ka dhacay oo la tilmaamay in dadkii qaraxasi fuliyey Hargeysa ka tageen.

Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlay Kulan uu la yeeshay Xildhibaanada Golaha Guurtida waxa uu yidhi. “Maanta waxa noo yeedhay Golaha Guurtida oo aad u badnaa, waxaan filayaa in ay gaadhayeen illaa 16 Xubnood, waxa joogay shirguddoonkii oo isku dhan iyo odeyaashii waaweynaa ee golaha guurtida, nimankaasi way na dhegeysten, waxaanu sheeganay in aanu ka xunahay in la arko xisbigii kulmiye oo is haysta oo guurtida iyo shicibka u soo gurmadeen, golaha guurtida waxaanu u sheegnay in dhibta koowad ka kacday shirweynihii Xisbiga wixii uu go’aamo gaadhay oo laggu daray, go’aamo aan jirin, iyo  Markii aan anigu idhi musharaxbaan ahay oo madaxweynuhu igu qaaday dagaal cir iyo dhul ah, iyaduna meesha may qabaneyn, labadaasi markii  ay dhaceen dhibaatooyin baa ka dhashay, dadbaa la xidh-xidhay dhiigbaa daatay, khilaaf xoogle ayaa yimid, dadka dhibaatada loogeystay ee la xidh-xidhay waxaanu leenahay waa khalad, waa in gefkaasi la saxaa oo xoriyadoodii loo soo celiyaa, Aniga oo ah Guddoomiye ah iyo xubnaha illa socda waxaanu ka taaganahay in wixii jirra lagu dhammeeyo is afgarad iyo wadda hadal, anagu ficiltan ma sidno, anagu waxaanu sidnaa sidii xal loo helli lahaa, Saaxiibadeyda aanu wadda shaqeyno ee inta baddan aanu soo wadda halgameynay ee madaxweynaha Axmed Siilaanyo ugu horeyo, nooma muuqato intii aanu is khilaafnay balse waxa noo muuqata intii aanu guul wadda gaadhnay,”Ayuu yidhi muuse Biixi.

 

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya Xadhiga Wasiirkuxigeenkii Amniga wax auu yidhi. “xadhiga la xidhay wasiir ku-xigeenkii Amanigu  waa mid Siyaasadeysan, waxaynu ognahay xadhiga siyaasigu Colaad iyo nacmooyane waxa kale ma keeno, waxaan maqlay wasiir ku-xigeenka Amniga gurigiisa hubbaa laga qabtay, waxan leeyahay gurri walba hub wuu yaalla, haaddii gurigaaga laggu soo weeraro diintaa dhigaysa in cirdigaaga, xaskaaga lagu soo weeraro in aad difaacdid, dariiqa loo maray waa arrin godob weyn dhalin karta, waxa la xidhay dad taageerayaal xisbiga ah oo la yidhi waxay sidteen sawirka guddoomiyaha, Madaxweynaha waxaan waydiinaya goorta uu danbi noqday sawirkaygu kaaguna xalaal noqday, waxa lanagu eedeyey oo wasiirka Daakhilagu iyo Madaxweynuhu isku raaceen, oo la yidhi wax magaalada qarxiya rag madaxtinimo doonaya, waan ka xumahay in madaxweynaha afkiisa ka soo baxdo, Warancade la yaabi mayo intan uu Wasiirka Danbe noqday hadalada deelqaafka wuu cadeystay, horre waxa uu u yidhi SNM Fulayaalbay ahaayeeno anaga Geesiyo ahayn oo FAQASH la joognay, waxa kale oo uu yidhi isaga oo warbaahinta u waramaya waxa uu ku faanay waxaan ahaa raggii toogtay Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa, hadana wuu iga marmiwaayo wasiirbu iga dhigay, tanna ku darso raggbaa madaxtinimo Shaani ku Doonaya, laakiin waa nasiib darro in uu madaxweynihii qaranku yidhaahdo guddoomiyaha xisbiga loo nisbeynayaa shaani , anigu madaxweyne ku odhan maayo kuna nisbeyn mayo, wasaarada Amniga waxaan waydiinaya raggii jabuuti qarxiyey hargeysa ayey ka tageen, in ay dhawr iyo laabtan cisho hargeysa joogeen oo ay ka baxeen dhaawac iyo ceebka weyn oo Somaliland oo dulsaarani ma jirto, taa soo hella iyo cidii qarxisayba inta aynu inagu isku mereysanayno, madaxweynuhu wuu sharaxan yahay oo waan soo dhaweynayaa aniguna waan sharaxanahay Xisbiguna hab uu ku kala baxo ayuu leeyahay laakiin dagaal iyo idaacadii qaranka oo guddoomiyaha cayda, iyo Teelfeshinkii qarnaka oo go’aanadii Xisbulxaakimka laga siideyn waayo, xaalnoqon mayso ayaan leeyahay .”Ayuu yidhi

Intaasi ka bacdi waxa su’aalo waydiiyey Suxufiyiintii waxayna su’aaluhu  u dhignayeen sidan. Guddoomiye Xisbigii Kulmiye waxa ku hadhay adiga iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maxmaed Kaahin Xog-hayihii Guudna Hore ayuu kaga tegey. Waxaanu muuse kaga jawaabay sidan “Af-kaaga ayaa laga hayaa golahii dhexe ee xisbigu muu sharciyeynin Shirweynihii, hada Golle dhexe oo xisbigu ma jirro ama waa in uu ansixiyaa ama in xal lagu heshiiya, laakiin waa Koox  meel isku tagtay .

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in waxa heshiis ahi aanu idinka dhexeynin ah in musharaxnimada uu kugu wareejiyo, sideed u aragta hadalkaasi. “Anigu ma waxaan idhi Axmed heshiis ayaa naga dhexeya, waxa nagga dhexeyey waxay ahayd xisbigaanu wadda lahayn, xisbigana in madax aanu kuwa gaadhno ayaanu uwada galnay, isagu wuu ku tartamay oo waalagu doortay, aniguna tartankan ayaan xaq u leeyahay, heshiiska naga dhexeya waaka, in aanu kuwada tartano ayaa nagga dhexeysa.

 

Muuse Biixi oo wax laga waydiiyey in wasiirkii Hore ee Amnigu uu Wasiiro Xukumada ka tirsan ku eedeyey in ay yihiin wadaado xagjir ah, waxa uu yidhi. “Xogta isaga Bixiyey madaxweynuhuna waxay ahayd illeeyn waa wasiirkiisi hore in inta uu u yeedho waxa waydiiyo, laakiin may ahayn in habeen maddoow weerar lagu qaaddo gurigiisa.”Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Cabdiraxman Osman Isbatore

Waaheen Media Group

Hargeysa Somaliland.