MUDDO AFAR SANO AH CAJALADII LABAAD EE UU SOO DIRO SIILAANYO GEES AHAANSHAHA GUDIDA DIIWAAN GELINTA URURADA SIYAASADA:-‏

0
81

Waa cajaladii labaad ee daawasho ah ee madaxweynuhu soo diro muddo afar  sanadood ee uu xilka hayey ,  waxa laga ilaaliyaa madaxweynaha in ay is arkaan saxaafada qarranka, iyada oo la diidan yahay in warbaahintu ogaato arimo farobadan, sababto ah xaaladiisa nafsaaniga ah ee madaxweynuhu ma wacna , waxaaney gaadhey heer  dunida kale ogaato, waa maqleyseen markii la wareysanayey wasiirka arimaha dibada suaalihii uu weydiinayey weriyihii BBC. Waxay ahayd in madaxweynaha loo gurmado oo ay wax la qabtaan dhakhter Who, Gaboose iyo Bulxan. Si fiican ayaad u wada xasuusan tihiin cajaladii daawashada ahayd ee tan ka horeysey ee uu ku aflagaadeynayey gudoomiyaha xisbiga Ucid. Qof kasta oo daawadey laba arimood ayuu is odhan kara laba arimood, kow madaxweynaha waxa la joogey Cabdilaahi Cukuse. Laba madaxweynaha xaaladiisa maskaxeed caadi maaha. Madaxweyne waa kuu ducaynayaa si shakhsi ah, waxaanan kuu sheegayaa maanta maxaad la cabaneysaa, waxa banana dariiqii aad jeexdey hadii aad odhan jirtey dhagaxa ku tuura Riyaale, maanta maxaad u diidan tahay SHaanida. Waa la ogyahay waxa tuuraya kiii markii hore dhagaxa tuurayey , waxa tuuraya oo is haysta xisbigii cambaarta lahaa ee KULMIYE. Adiga iyo xisbigaaga ayaa ka masuul ah fawdada iyo fadqalalada wadanka ka alloosan. Waxay ahayd in gudidan doorashooyinka ururada siyaasadu ay liisanka xisbinimo kala noqdaan xisbiga Kulmiye, waxase maanta nasiib darro ah in ay labadii garab ee kulmiye ee is haystey ay mid ka mid ah la saftaan. Hillaac wax I tus bay taagan tahay haatan sheekadu. Waxa iska cad iney dawladu laaluushtey markii horena ay ahaayeen xisbigii kulmiye oo shaadh kale loo soo xidhey. Xisbiyada mucaaridka ayey u taalaa sida ay ugu kalsoonaan karaan koox yar oo shaadh kulmiye ah xidhan oo filimka ku jilaya gudidiii doorashooyinka ururada siyaasada. Saxnaanshaha mid ka mida labada garab ee xisbigan ee is haystaa side ayey u kala cadeyn karaan midka saxda ah iyo ka khaldan? Ma waxay iska dhigayaan hayadihii garsoorka iyo cadaalada ? mase suurtoobi karaa in qarrankan lagu ciyaaro iyada oo la hor wado MAGALOOTI ama waraabe-taag. Waayo shacbiga reer Somaliland waxay soo doorteen madaxweyne laakiin ma ay soo dooran kooxda yar oo maamulkii qarranku maanta gacanta u galey ee sida ay doonto ugu tagrifaleysa. Shan dambe iyo tobban dambeba waa la dooran lahaa hadii la arko isaga oo wasiirkii labaatan kun  xadaya, markiiba xilka ka xayuubinaya. Wasiirka khalad gala ee weliba lagu cadeynayo marka uu sii jeclaado madaxweynuhu waa leyska fahmayaa in aanu wax uu ogyahay jirrin. Ugu dambeyn waxan ku tallinayaa in loo duceeyo madaxweynaheenii isla markaa laga ilaaliyo SHaanida. Bahashaa wuu ka cawdey odeygu.

Allaa mahad leh

WACAYS AXMED MAXAMUUD

BARRE ADDUUNYO

Frankfurt , Germany

bareadunyo@gmail.com