Booliiska oo xabsiga u taxaabay wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga iyo dagaal culus oo ka dhacay gurigiisa iyo Xaaskiisii oo ka warantay sidii ay wax u dhaceen Dhagayso

0
127

Wasiir-Ku-xigeenka-amniga2Hargeysa(waaheen). Ciidanka booliiska ayaa xalay saqdii dhexe weerarar guriga wasiir ku xigeenka amniga C/laahi Abokor, kaasoo maalmihii u danbeeyey si xun u weeraray xukuumadda, isla markaana ka waramayey sirro uu ogaa xiligii uu xilka hayey.

Wasiir ku xigeenka amniga ayaa dagaal xoogan kala hor yimi booliiska, isagoo adeegsanaya BKM yo iyo AK47, hase yeeshee ciidamadda booliiska ayaa markii danbe la adkaaday, iyagoo dhaawacay mid ka mid kooxdiisii. Booliiska ayaa wasiir ku xigeenka amniga u taxaabay xabsiga, halka hubkiina ay la wareegeen.

 Halkan ka dhagayso Codkii Xaaska Cabdilaahi Abokor

dhagayso

Dhinaca kale, qarax ayaa la dhigay meel u Dhaw qasriga madaxtooyadda, kaasoo ah nooca loo yaqaano shaanida ee aan waxyeeladda samayn. Arrimahan ayaa ka dhashay khillafka u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiga kulmiye, kuwaas oo isku haysa musharaxnimada madaxtinimo ee xisbigooda.