IIDOOR SALFUDUDAA WUXUU DOGAYO MUU DHOWRO

0
63

 

 

Waxaan halkan ka salaamaya dhamaanba shacabka Somaliland ee iyagu halkaa manta aynu mareyno Illaahay ka sokow dadaalka iyo samirka ku gaadhey.

 

Hadii aan isku dayo inaan ka hadhlo khilaafkan xisbiga kulmiye. Waxaan filayaa hadii aan dadku mirqaanku madax marin in waxan leysku hayaa ay tahay wax aad u fudud si fududna lagu dhameynkaro.

  1. Ta koowaad waxa weeyaan xusbigu Guduumiye [Hogaamiye] ayuu leeyahay markasta oo isbadel lagu sameynayo khuseeye xusbigana waxaa waajib ah in isaga lasoo mariyo waana sharci in meelkastaba cidii masuuliyadeeda qaadey looga danbeeyo. Markaas dag dagii ay ku dag dageen shirguduunkii shirweynihii kulmiye iney ku dhawaaqaan Gudida fulinta iyo Gulaha Dhexe ee Kulmiye ayaa sababta koowaaad ah ee sababtey khilaafkan jira. Sida waa jibku dhigayo oo aheyd iney usoo gudbiyaa Guduumiya Kulmiye waayo isaga ayaa xusbiga gadhwadeen u ah masuuliyadiisuna dhakada ka saarantahay tan iyo maalintii loo magacaabey waan sharci qofkastaaba og yahay inuu isagu xaq uleeyahay hadii aan indhaha leyska rideen.  [Hadii uu shirguduunku soo dadaaley oo uu xilkiisii kazoo baxay waxay aheyd iney sidaas maraan may aheyn iney qaskan iyo wax muran abuuri kara sameeyaan].
  2. Tan labaad waxaa habooneyd in Guduumiyaha iyo Guduumiye ku xigeenkiisuna hadii ay sidaas wax u dhaceen intaaney microphone ka qabsan ay sidii sharcigu dhigaayay maraan oo aheyd iney u yeedhaan shirguduunkii tusaana qaladka ay galeen waayo waxay baal mareen management hierarchy [Silsiladii maamulka] taas oo ah mar hadii maamul lagu dhawaaqeyo in isaga wax kasta oo xusbiga lagu kurdhinaya ama loo magacaabayo isaga la ogaysiiyo intaan media loo gudbin hadii kale dee  xusbi noqon mayso ee waa meel cidkastaa ka taliso oon mijo iyo madax toona laheyn.
  3. Tan sadexaad waxaan lahadlayaa Wasiirada. Shaqaad u heysaan qarankan ka weyn tan xusbiga oo ah xilkaas aad heysaan una baahan dadaalkiina, wakhtigiina iyo ficilkiina maaha inaad ku dayacdaan marba hebel ku rug iyo ku jiqsii. Waxaan idin leeyahay ka soo baxa waajibaadkan idin saran wax badan ayaa leydinka sogayaa dadaal badan ayaa leydinka baahan yahay faraha uga qaada Guduumiya xusbiga shaqadiisa ha qabsadee oo ku foofa tiina iyo maamulka idinka dayacan. Tan kale ee ah xusbigaan soo dhisay dee intii idinka gashey iyo in ka badanba waadka hesheen oo manta Wasiiru ayaad tihiin xageed kusoo bixi laheydeen hadii aydaan xusbigan soo dhisan. Markaas sharciga haku tumanina faraha uga qaadan hogaan ka xusbiga maamulkiisa.
  4. Tan afraad waxaa weeye mid khusaysa madaxweynaha dalka oo isagu ahaa marjicii loo noqonaayey inuu isagu faraha kala baxo maamulka xusbiga iyo miinooyinka uu aasayo madaxda xusbiga taas oo dhalin karta iney noqoto ninka aqalka quraarada ku jirow ha shiidin ninkan dhagaxa ku jira. Waxaan taas uga jeedaa adigu waxaad tahay nin weyn oon siyaasada ku cusbeyn dadkuna aad ayey kuu karaameynayaan markaas hadii aad dooneyso inaad ku guuleysato ood kasbato hayska qasin ee cagta u dhig.

 

 

Talo waxaan udhan lahaa sidan:-

 

  1. In la joojiyo shirarkaa lagu dhawaaqay dibna loo dhigu inta laga heshiinaayo liiska gududida fulinta iyo gulaha dhexe
  2. Dibna ha loogu noqdo liiskaas oo ha lasoo saaro mid lagu mideysan yahay labada dhinac
  3. Maamulka xusbigana faraha looga’ga qaado hugaamiyaha loo doortey oo Wasiiradan haka daayaan qaska oo haku koobnaadaan shaqadooda wixii talo ah wey dhiiban karaan iyaga oo xubin ah sida sharcigu siiyey.
  4. Tan doorashada madaxweynaha ayay noqotey horta nin iyo gabadh  Somaliliander ah uu ka tirsan xusbiga sharcigu wuu u baneynayaa inuu isasoo sharaxo. Madaxweynaha manta talada hayaa ee ka soo baxay xusbiga kulmiyana xaqa koowaaad isaga ayaa leh waayo hadii uu isagu doonaayo caafimaadkiisuna sugan yahay isaga ayaa mudnaanta koowaad leh ee waa in laqadariyaa qaskana laga daayaa. Tanaasul ayaa wax lagu gaadhaa iyo samir.

 

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

Hassan Haaji Hussein Osman

Doha – Qatar