Carmashii Cadayd oo Guursatay Hogaamiye ka tirsan kooxda Alshabab

0
126

CarmaHargeysa (Waaheen) Samantha Lewthwaite oo loo yaqaan carmaladda cad “White Widow” ayaa guursatay hogaamiye ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Soomaali ah.

Ilo-wareedyo sirdoon ayaa sheegay in gabadhaas British-ka ee baxsadka ah ay iminka tahay xaaska Sheekh Xasan Macallin Ibraahim oo ka mid ah dagaal oogayaasha Al-Shabaab.

Sheekh Xasan waa mid ka mid ah madaxda ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab.

Guurka oo ah kii saddexaad ee Samantha, ayaa la macno ah inay ilaalo xooggan iminka ka heli doonto kooxda Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in Samantha iyo Sheekh Xasan ay ku arkeen tuulada Nasable oo 25 Mile u jirta magaalada Baydhaba.

Sarkaal dhinac ammaanka qaabilsan oo British ah ayaa yidhi “Iminka dumaashiyaalkeed Al-Shabaab, si wanaagsan ayey u daryeeli doonaan maadaama mid ayaga ka mid ah uu qabo”.

Samantha ayaa waxaa ka geeriyooday oo ay ahayd xaaska Germaine Lindsay oo ka mid ahaa raggii fuliyey weerarkii ismaadaaminta London ee 7/7.

Samantha oo ah haweeneyda loogu raadiska badan yaha dumarka argagixsada ah ee caalamka, waxaana lala Xidhiidhiyay weerarkii Westgate ee lagu dilay 67 qof.