Shirkadda ATA oo Duulimaadyo cusub ka bilaabi doonta Somaliland

0
63

duulisHargeysa(Waaheen) Maamulka madaarka caasimada Hargeysa ayaa maanta dalka ku soo dhaweeyey shirkad cusub oo duulimaadyo ka bilaabi doonto dalka. Shirkadan oo ah mid laga leeyahay dalka Maraykanka isla markaana ay wakiilo ka yihiin dad reer Somaliland ah ayaa duulimaadyo rasmiya ka bilaabi doona garoomada diyaaradaha ee Somaliland kuwaas oo samayn doona duulimaadyo u kala gooshaya wadamo badan.

Maamulka madaarka caasimada Hargeysa iyo wakiilada shirkadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxay si wada jira u soo dhaweeyeen shirkadan duulimaadyada ka bilaabi doonta garoomada dalka.

wakiilada  shirkada ATA Mustafe Maxamed Xasan Oomaar  oo ka hadlay ayaa sheegay In qorshaha ay ku keeneen shirkadan diyaaraduhu uu sababay horu marka wadanku gaadhay iyo wixii laga qabtay garoomada diyaaradaha ee dalka waxaanu yidhi “Waxa maanta farxad ii ah inaan wadanka keenay maal gelintii ugu waynayd oo wadamada Maraykanka iyo Ingiriisku way wada leeyihiin, barnaamijkan ayaa ku wada socon doona sadex diyaaradood kuwaas  oo aanu ku bilaabi doono diyaarad ka iman doonto Dubai oo iman doonta Hargeysa, diyaarad ka iman doonto Ingiriiska oo iman doonto Dubai iyo Hargeysa iyo diyaarad kale oo aanu keeni doono Hargeysa taas oo aanu ku buufin doono calanka Somaliland oo ka shaqayn doonto gobolada dalka.”

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wixii aad qabsateen ayaanu aragnay oo caalamku arkay, wixii aad qabsateen iyo dedaalka horu marineed ee wadanku ku socdo shantii sano ee u danbeeyey ayuu aduunku wada daawanayaa,markaa diyaaradani waxay ka shaqayn jirtay Afghanistan, Pakistan, waxa kale oo ay ka shaqayn jirtay qaybta ciidamada Maraykanka, waxaana soo dhawaatay wakhtigii uu Maraykanku ka soo baxayo wadanka Afghanistaan taas oo aanu doonayno inaanu diyaaradahaas u soo weecino Somaliland  taas oo wakhti dheer iyo shaqo badan nagu qaadatay”

Sidoo kale maamule ku xigeenka madaarka caasimada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay in horu marka laga sameeyey madaarada dalku uu sabab u noqday inay ku soo hirtaan shirkado badan oo caalami ah kuwaas oo danaynaya inay duulimaadyo ka bilaabaan garoomada dalka waxaanu yidhi “Aniga oo u hadlaya magaca wasaarada duulista iyo hawada Somaliland iyo magaca madaarka caasimada waxaan idinku soo dhawaynaynaa gacmo furan, waxaanay shirkadani qayb ka tahay casriyeynta iyo dib u habaynta lagu sameeyey garoomada diyaaradaha ee dalka ayaa keentay inay ku soo hirtaan shirkado badan oo caalami ah, shirkado hore way yimaadeen haatana qaar cusub ayaanu soo dhawaynaa, qaar kalana way iman doonaan.” Ayuu yidhi