Guddoomiyaha Guurtidda oo ku dhawaaqay Guddi Golihiisa ah oo dhex dhexaadisa Kulmiye

0
89

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay ka soo duulay Dalka Ingiriiska ayaa manta magacaabay Guddi ka tirsan Golaha Guurtidda oo dhex dhexaadin ka gali doonta khilaafka Xisbiga Kulmiye.

saaGuddida Guddoomiyaha Guurtiddu magacaabay waxay dhan yihiin shan iyo toban xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin shirguddoonka, halka laba iyo toban xubnood ee kale kala yihiin:-

X Cabdi Xuseen

Muxumed Aw Maxamed

C/qaadir Aw Xuseen

C/qaadir Maxamed Xasan

Yuusuf C/laahi Cawaale

Axmed Nuur Aw Cali Aadan

Axmed Muuse Obsiiye

Saleebaan Garas Seed

Maxamed Jaamac Abokor

Cawil Xuseen Axmed

Sheikh Maxamuud Xirsi Faarax.

Illaa gada lama oga goorta ay Guddidani bilaabi doonto dhex dhexaadintooda, hase yeeshee waxa kale oo dhinaca kale jira dhaqdhaqaaqyo kale oo Salaadiin iyo dad kale oo la soo dhaqdhaqaajiyey wadaan, kuwaas oo aan illaa hada iyana biyo dhigin.

Si kasta ha ahaatee Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa saamayn badan ku yeeshay hawl maalmeedka siyaasadeed ee xukuumadda, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in lagu damiyo xaaladda sii cakirmaysa.

Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa u muddeeyey shirka Golaha Dhexe 1-da bisha Juun, waxaana la filayaa in golaha Dhexe soo saari doono go’aamo aan la sii saadaalin Karin, wallow ay ugu weyn tahay in ay soo saaraan Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee shanta sano ee soo socota.