Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo ku dhawaaqay shirka Golaha Dhexe in uu Maansoor ka qabsoomayo kow-da bisha Juun

0
79

Hargeysa(Waaheen) Kulan balaadhan oo ay manta isugu yimaadeen xubnaha guddida fulinta ee lagu Ansixiyey shirweynihii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa manta kaga dhawaaqay Hotelka Maansoor in kow-da bishan Juun uu ku qabsoomayo shirkii Golaha Dhexe.

xaaaaaaaaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo manta ka soo xaadiray shirka Guddida Fulinta ayaa shirka manta kaga dhawaaqay in shirkii Golaha Dhexe kow-da bisha Juun ama Toddobaadka danbe uu ku qasboomi doono Hotelka Maansoor.

Xogahayah Guud ee Xisbiga Kulmiye oo hore ula safnaa kooxda Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin isla markaana la qabatay shirkii ay guddida Fulinta ku daadifaynayeen ayaa saaka si lama filaan ah kulanka Guddida Fulinta uga dhex muuqday isagoo waliba iclaamiyey shirka Golaha Dhexe.

Xoghaye Xasan Siciid Yuusuf waxa uu ugu baaqay xubnihii Golaha Dhexe ee ay dhawaan soo bandhigeen shirguddoonkii Xisbiga Kulmiye ka soo qayb galaan shirka Golaha Dhexe, isla markaana wakhtiga dhawraan.

Hadalaka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa dhabar jab ku noqonaya Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, maadaama uu ka soo diga rogtay, iyadoo aan la garanayn sababta bedeshay mawqifkiisii hore, xilli Muuse Biixi shalay ku dhawaaqay Liis kale oo Guddi fulineed ah.