Afar Nin Oo Hubaysan Oo Lagu Qabtay Degmada Lughaya

0
92

 

 

Boorama(Waaheen) Ciidamada Amniga ee degmada Lughaya ayaa qabtay afar nin oo si xoog ah u hubaysan oo watay baabuur, nimanka la qabtay ayaa hada loo soo gudbiyay saldhiga dhexe ee degmada Boorama, waxaana qabashada afartan nin  xaqiijiyay  Maayarka degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Aw nuur Dixood.

“Waxa afartan nin ee hubaysan aan ka qabanay degaan u dhexeeya Garbodadar iyo Gargaara, waxa ay ku hubaysnaayeen qoryo kala duwan oo fudud, waxa ka shikiyay dadka degaanka oo na soo wargaliyay, wixii intaas ka dabmeeyay waxa aan qabashada afartan nin la kaashaday ciidanka amniga, markii aan qabanayna waxa aan ku xidhnay saldhiga Garbodadar, markii dambana waxa aan u soo gudbinay saldhiga dhexe ee Boorama” ayuu yidhi Maayar Dixood

“Wax faahfaahin ah kama bixin karno waxa ay yihiin, waxa socota baadhis, lagamana hordhici karo” ayuu intan daba dhigay Maayarku.

Dhinaca kale waxa uu maayar Dixood ka warbixiyay xaalada amniga ee degmada waxana uu yidhi “Waa dagmo aad u balaadhan Lughaya, ma joogaan ciidan ku filan oo amniga wada sugi kara, waxana mahad balaadhan leh dadka degaanka oo iyagu amniga ilaashanaya, waxana aan ka codsanaynaa hayadaha dawliga ah ee ay khusayo inay ciidanka amniga ee ka hawl gala degmada soo kordhiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, qabashada ragan hubaysan ayaa waxa ay walaac badan ku beertay dad badan oo ku nool degmada Lughaya, iyada oo la og yahay in Lughaya ay tahay degmada ugu balaadhan ee gobolka Awdal, sidoo kalena ay ka hawgalaan hayado badan oo ajinabi ah oo ku hawlan arimo bini’aadanimo iyo kuwo hormareed una baahan in amnigooda la sugi, sidoo kale waxana hubaal ah in loo baahan yahay in ay xukuumadu qaado talaabooyin dheeraad ah oo ay amniga degmada ku sogayo