Xisbiyadda Mucaaradku Hurdada Ha Ka Kacaan!

0
107

 

Xukuumad kasta waxaa xandaabka sharciga ku ilaaliya waa xisbiyadda mucaaradka ah, oo shacabka ka wakiil ah,oo hadii xukuumadaasi xadhkaha sharciga goosato waxa ku soo dabaala waa xisbiyadda mucaaradka ah.

Hadaba xukuumadda u hogaamiyo siilaanyo ayaa waxay goosatay xakamihii sharciga ahaa oo waxay ku talaabsatay wax aan u wanaagsanayn dadka iyo dalkaba,tusaale ahaan waxay ku tumatay oo caado u noqotay in ay ku dhaqanto qodobadan:

1: Dastuurkii dalka u yaalay ee xadhiga iyo xakamaha u ahaa xukuumada way goosatay, oo waxa maxkamad la’aan la iska xidhaa muwaadiin aan maxkamadi ku helin wax danbi ah.

2: saxaafadii ayaa xadhig,cabudhin,caga-jugleyn iyo cadaadinta aan xad lahayn ee ay ku haysaa xukuumadda siilaanyo saxaafadda.

3: Musuq-maasuq baahsan ayaa meel kasta dalka ka socdo.

4: taladii dalka lama yaqaano cida rasmiga ah ee ay ka go’do.

5: awoodo fara badan oo ay leeyihii shakhsiyaad aan la dooran.

6: qaraabakiilkii oo si batay ,iyadoo xukuumadii caado ka dhigatay nin jecleysiga iyon qabyaaladda.

7: hantida umadda oo si caadi ah loo xalaashaday,isla markaana loo boobayo.

8: saami-qaybsigii meelaha oo meesha ka baxay iyo beelo lagu xad-gudbay gaar ahaan beelaha harti iyo beelo kale.

9: gooni-isu taagii oo madmadaw soo galay iyo xidhiidho qarsoon oo xukuumada siilaanyo la leedahay dawlada federaalka somaliya.

10: shaqo la’aantii oo sii badatay tan iyo markii xukuumadda siilaanyo talada dalka la wareegtay,taasi oo keentay in dhalinyaradii dalku ka tahriibaan wadanka.

11: ictiraaf-raadintii oo meesha ka baxday.

12: xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee Somaliland la lahayd dalalka jaarka oo xumaaday.

13: shirkado shisheeye oo laga qaato malaayiin doolar oo aan la soo marin baarlamaanka dalka.

14: Qaybaaladii oo xukuumadda siilaanyo dadka bartay ,taasi oo meesha ka saaraysa walaalnimadii iyo is dhex galkii bulshada.

 

Qodobadaasi iyo qodobo kale oo u astaan ah xukuumada siilaanyo ayaa waxay keeni kartaa hadii aan deg deg looga tashan cawaaqib xun oo mustaqbalka dadka iyo dalkaba sameyn ku yeesha,sidaasi daraadeed waxaa xisbiyadda mucaaradka ah looga baahan yahay inay qabtaan shirar lagu badbaadinayo qaranimada dalka , jiritaanka hanaanka dimuqoraadiyada iyo xoriyatal qolkii oo meel xun maraya.

Waxaa waajib ku ah xisbiyada mucaaradka madaama oo ay maandhayd u haystaan inay qabtaan shirar lagu badbaadinayo qaranimada dalka iyo isku duubninada umada inay si deg deg ah u qabtaan,isla markaana odayaaasha ,aqoon yahanka,indheer-garatada lagu casumo shirkaasi oo lagaga doodob marxalada adage e haatan dalku marayo,isla markaana xisbiyadda mucaaradku waa inay xukuumada ku ilaaliyaan xandaabka sharciga oo ay mudaharaadyo salmi ah kaga horyimaadaan dastuur jabinta xukuumadda siilaanyo.

Qore: Ayaan Maxamed Jaamac

Hargeysa/Somaliland