Waddada Xaafada Isha-Boorame ee Ina-Naxar Dawladu Maxay Ka Damacdey?!!!!!!!

0
320

ddddSida aynu ka wada dheregsanahey Xaafada Ishaborame waa Xaafad ku taal Koonfurta Galbeed Magaalada Hargeysa waxa xaafadaas dhex mari jirtey Waddo Qadiimi ah oo uu Sameeyay Ingiriiskii taas oo loo mari jirey Jabuuti wakhtiyadii Hore, waxa Xaafadaasi ay can ka ku ahaan jirtey Mucaaradnimo in ka badan 8 Sano oo aheyd wakhtigii Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ka talin jirtey Dalka waxaaney Xaafadu guud ahaanteed aheyd Xisbigii Kulmiye haatana ah Xisbul Xaakimka Dalka Ka Taliya, waxa ay taasi geyaysiisey in laga jaro Biyaha oo ilaa Maanta aaney xaafadaasi helin Wax Biyo ah iyada oo heli jirtey Wakhtigii Xukuumadii Cigaal balse beebkii ayaa laga jarey wakhtiyadii ka danbeysay.

Waxa Xaafadani ay naawili jireen in maalinta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Talada dalka Qabsado uu usameyn doono Biyo iyo Waddo, laakiin Nasiib daro xaafadu kama aaney helin Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxii ay ka sugayeen Maantana waxa ay marayaan in Haweenka iyo caruurtu ay Iskaa Wax U Qabso ku dhistaan Waddadii Ina-Naxar iayaga oo ilaa haatan dhameeyay Buuxintii Waddada iyo in ay dib ugu furan Laagtii biyaha ka duwi jirtey Waddada ee uu Ingiriisku u sameeyay.

Haddaba Todobaadkii Hore oo ay shaqada waddada bilaabeen ilaa haatana ay wadaan ayaan waxa habayaraatee agtooda marin Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyada oo dhamaan warbaahinta kala duwan ee dalka laga daawanayey haweenka iyo shacabka xaafada oo ka qeybqaadnayaa dib udhiska waddada Ina-Naxar, waxa kale oo aan Waxba ka ogeyn Dawlada hoose ee Hargeysa iyada oo ay ku leedahay Xaafada Xafiis Degmo oo la yidhaahdo 31 May  kaas oo ururiya cashuurta ku waajibka ah shacabka balse waxaad moodaa in aaney ogeyn ama ay isdiidsiinayaan maadaama meeshu hargeysa dhexdeeda tahay lama ogaan waayin ee waxa jirta is diidsiin dhinaca Dawlada Hoose ah.

Haddaba waxa aanu Xukuumada Axmed Siilaanyo Gaar ahaan Guddida Wadooyinka ee Madaxtooyada hoos yimaada kana Masuulka yahay Wasiir Xirsi Xaaji Cali Xasan ka codsanaynaa in Percentage-kii loogu talogalay wadooyinka Somaliland ee lacagta laga jaro shaqaale weynaha iyo Ciidamada Dawlada in wax lagaga qabto baahida ka jirta dib udhiska waddada INA-NAXAR, waxa kale oo aanu ka codsanaynaa Dawlada Hoose ee Hargeysa gaar ahaan Maayarka iyo Ku Xigeenkiisa in Hargeysa oo dhan ay xil u hayaan balse aaney xaafadahooda wax xil ah u hayn oo ay kala siman yihiin reer hargeysa markaa waddada INA-NAXAR waa ceeb dushiina taala ee ha dhalinyarobina kana guta waajibaadka idinka saran.

Wabilaahi Tawfiiq

 

Hassan Yusuf Faarax(Burhaan)

Hargeysa, Somaliland

+252-634148658