ARINKA AQOONSIGA EE ODAYAASHA DHAQANKA EE SOMALIYA MA AF-WAX CUNAY XIDHOODBAA MISE WAA XAQIIQO????????

0
68

ARINKA AQOONSIGA EE ODAYAASHA DHAQANKA EE SOMALIYA MA AF-WAX CUNAY XIDHOODBAA MISE WAA XAQIIQO????????

H (1)“Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”

Waxay ahayd maalintii shacabi weynaha jamahuuriyada Somaliland si aad iyo aad u balaadhan iskugu soo bexeen, magaalo kasta iyo tuul kastana laga xusay maalintan ku weyn shacabka Somaliland ee ah maalinta Qaranka.

Waxay ahayd habeennimadkii Xaflada aad u balaadhan oo ilyartu isqabatay oo lugu qabtay Qasriga Maddaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, taas oo lugu marti qaaday Martisharaf kala duwan oo kasocoday waddamo baddan oo caalamka ah, Waxaa martisharftaas lugu marti qaaday xaflada iyo xuska 23aad ee Gooni isutaaga iyo maddaxbanaanid Somaliland ka mid ahaa Oday shaqameedkii Booqashada ku yimi jamhuuriyada Somaliland.

Oday dhaqameedka oo lugu sharfay misana lugu soo dhaweeyey cod-laliyaha(microphone) Ayaa kalmadihii ay goobtaas kaga dhawaaqeen ka dhigay kuwo farxad iyo damaashaad geliyey shacabka Somaliland oo awalba iska niyad furnaa, Kalmadahaas oo ay kamid ahayeen “Caawa waxaanu aragnay wax anaan hore u arag oo ah dawladnimo dhisan iyo dal jira” Waxa kale oo ay sheegeen misana goobtaas kaga dhawaaqeen in ay Somaliland tahay Jamhuuriyad Gaadhay halkii ay doonaysay iyaguna(odayaashu) ay sidaan Aqoonsigii oo ay Aqoonsadee Somaliland.

Inkasta oo dhawaaqani noqoday mid cid kasta oo Somaliland kasoo jeedaa ku faraxdo maqalkiisa oo goobaha la iskugu imaado ee shaaha iyo bunka lagaga sheekaysto, misana la yidhaah wataas oo dalkeenii wuu dhaqaaqay, Hadab su’aalaha Is weydiinta muddan waxay tahay (1.Odayaashani Ma yihiin kuwa talada Dalka Somaliya ka Go’oddo? 2.Aqoonsigani ma yahay mid ay meel marin karaa Odayaashu?, 3. Mise oday dhaqameedku way muraaqoodeen markii ay arkeen awooda iyo quruxbadnaanta Dadka iyo dalka Somaliland oo way ku Haddaaqeen aqoonsiga Somaliland? Iyo su’aalo kale oo baddan ).

Laakiin se dawlada Jamhuuriyada Somaliland iyada laf ahaanteedu ma is weydiisay meesha ay odayaashani kaga jiraan bulshada somalida ah ee ay oday-dhaqameedka u yihiin? Dawladu se may awoodi kari weyday in odayaashan dhaqanka iyo siyaasiintoodaba lugu casuumo Xafladan balaadhan ee xuska 18may?

Kuwani waa su’aalaha ay isweydiinayaa bulshada Somaliland gaar ahaan dhalinyarta wax kabarata Jaamacada dalka ee rajada iyo niyad samida ku dhex jooga dalkooda hooyo.

Haddaba arinkani waxa uu kala caddaan doonaa oo xaqiiqadu soo bixi doontaa marka ay odayaashan dhaqanku ku laabtaan dalkoodi oo ay noqon doonaan kuwo sita mansabka iyo derejada ay taaganyihiin maanta oo ah odayaal dhaqan, Ama waxay noqon doonaan sidii qof muwadin ah oo kale oo marka ay isyidhaadaan taga magaladii ay kayimaadeen iyo waddankii laga horjoogsan doono.

Markay odayshani laabtaan waxa si sharci ah oo banaan in dalkii ay aqoonsiga siyeen kadaba diro wefti ay soo kala saxeexdaan waraaqo caddayn ah oo ah in ay aqoonsadeen waddankaas taas oo caalamka kale lugula gorgortami karro, taasina waa mid looga baahanyahaya dawlada Somaliland sidii ay ugu dhaqaaqi lahayad.

 

ALLAH-MAHAD-LEH

Hamse Bashe Muhumed

02522-63-403 8503

E-mail: Xamse18@gmail.com

Hargeisa Somaliland