Halkan ka Akhriso Wararkii Wargeysaka Waaheen Cadadkii Maanta.

0
104

Xuska 18-ka May ee sanadka 2014 oo noqday kii ugu Mucjisada badnaa 23-kii sanadood ee Somaliland Xorriyada haysatay

Somaliland(Waaheen) Xuska sanad guurada 23aad ee Madax banaanida Somaliland ee sanadkan 2014-ka ayaa noqday kii ugu Mucjisooyinka badnaa isla markaana Somaliland u hogaaminaya dhinaca wanaagsan ee Ictiraaf raadinta, isagoo kasbaday kalsooni ka badan in shakigii dadka qaarkood ka qabeen in la gaadhi doono maalin Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka.

Gudo iyo Dibed shacabka Reer Somaliland waxa ay ka muujiyeen dadyawga iyo Dalalka ay la nool yihiin isku duubni, iskaashi iyo in ay qadiyadoodu tahay mid shacab iyo Dawlad ba meel uga soo wada jeedaan, iyagoo mid na mid ka kale aanu ku riixay masuuliyadda ka saaran kaalinta uu ku leeyahay ka midho dhalinta qaranimada 23 aad jirsatay ee Dunida ka ifaysa.

Sida ka muuqatay shaashada iyo Warbaahinta Dunida Calanka Somaliland iyo Dadkiisuba waxay sida dayaxa ka dul ifayeen meel kasta oo ay joogaan dad Reer Somaliland ah, kuwaas oo ku qasbay dadyawga ay la nool yihiin in ay dhacsiiyaan masiirkooda, isla markaana ku qanciyaan in aan laga Loodin karayn wax kasta uu lagu baayaco in ay ka noqdaan Calanka Tawxiidka ah ee ay ku Lebisnaayeen maalinta Xuska Qaranimadooda.

Inkasta oo Dawladdaha Dunida qaarkood Somaliland ku riixaan wadahadalada Somaliya iyo Somaliland si ay halkaas uga helaan Ictiraaf hadana sanadkani waxa uu muujiyey iyadoo ay ahayd markii koowaad ee ay Somaliland dhinacaas u kacdo si kasta oo loogu duduucay in ay Indhaha Dadka Somaliyeed ku soo jeediyaan Xaqa aaya ka tashi ee ay go’aansadeen 1991-kii.

Duubab iyo Madax dhaqameed ka socda Somaliya oo ku soo beegmay maalintan Idman ee 18-ka May ayaa kala qayb galay Munaasibadan, waxaanay Indhahooda ku arkeen dhab-nimada qadiyadan iyagoo dhex qaaday magaalooyinka iyo Beelaha kala duwan eek u nool, kuwaas oo mid ba marka ay la kulmeen uu hor dhigay wixii ka kale ku soo yidhi wax ka xoogan, taasoo ka hor munaasibada 18-ka May ba ku khasabtay  inay qiraan Madax banaanida Somaliland.

Xuskii 18-ka May ee shalay wuxuu sii degay quluubta Martida Somaliya ee u dhabar adaygtay inay kula ciidaan dadka Reer Somaliland maalintan ku weyn ee ay dhabarka u riteen inay sidaan illaa iyo inta ay hamigooda ka midho dhalinayaan, waxaanu qalbiga wanaaga shacbiga Reer Somaliland keenay in sida Oogta Madax dhaqameedka Somaliya u caddeeyaan inay siiyaan Nabsi maalkii ay ka sugayeen, iyagoo aan la dafiri Karin isla markaana aan sacabka la saari kari dhawaaqoodii gaadhay dunida daafaheeda.

Mucjisooyinka sanadkani la gaarka ahaa waxa ka mid ah in aanu dhicin khasaare yar oo la sheegi karaa ama dhacayba, iskaba daa wax dhacee lama hayo qof qof eegay intii Munaasibadaha kala duwani ka dhacayeen daafaha Dunida, waxaanay u muuqatay arrintu mid mar kaliya Bilig loo afuufay in qof kastaa goobta uu joogo ka ilaaliyi karaamada iyo sharafta maalintan oo sanadkan ku soo beegantay fursado farabadan.

Madaxda Somaliland Mucaarad iyo Muxaafad ayaa si niyad ah u wada xusay, iyadoo dunida dacaladeeda ay ka wada qayb qaateen Muunaynta maalintan, sidoo kale yar iyo weyn la isku bar bar taagay Xukuumadda qorshayaasha ay u dajisay, kuwaas oo la odhan karo waa kuwo rajo iyo Yididiilo intii hore ka badan shacabka galisay.

Si kasta ha ahaatee Somaliland waxa la gudboon in aanay intaas kaga hadhin dedaalka ay muujiyeen in ay sii laba jibaaraan, maadaama dabin kasta oo loo dhigay ay ka soo baxayeen isla markaana ay ku jiraan tijaabadii ugu danbaysay.

 

 

 

Madaxweynaha Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo kaga dayanaya kalsoonida uu ku qabo Amaanka Dalkiisa xilli Alshabaab Dilal ka fulinayso Muqdisho

Muqdisho(Waaheen) Madaxweynaha Somaliyaa ayaa ficilo la mid ah kuwa Madaxweyne Siilaanyo shacabkiisa dhexdiisa ku maro kaga dayday maalmihii ugu danbeeyey Xilli kooxda Alshabaab Maalin kasta dilal qorshaysan ka fuliso magaaladda dhexdeeda, iyadoo shalay oo u danbaysay ay qarax Miino ku khaarajiyeen Guddoomiye ku-xigeenkii Degmadda Xamar Jajab kaasoo la dohan jiray Faarax Daahir Jimcaale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la wheel ah cabsida joogtad ah ee Alshabaab ayaa habeen hore kormeer ku sameeyey Saldhigyo ku yaala Degmooyinka C/casiis, Kaaraan iyo Waaberi, halka uu Lug ku maray wadada Maka Al-mukarama waliba inta u dhaxaysa Saldhiga waaberi illaa taalada Sayidka, iyadoo intaas ay ilaalo ka hayeen ciidankiisa Madaxtooyadda oo si adag u ilaalinayey.

Ku dayashada noocan ah ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar uun kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo uu indhaha Caalamka ku soo jeediyey kalsoonida iyo Amaanka Dalkiisa uu ku qabo, isagoo si aan baqasho lahayn goobaha Dadweynuhu ku kulmaan iyo shaaracyada ku maray ilaalo la’aan.

Inkasta oo aanay Somaliya iyo Somaliland meel wada mari Karin dhinaca Amniga, hadana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu talaabooyinka ku dayashada ah u qaadayaa sidii uu ra’yul caamka u tusi lahaa in uu wax qabad sameeyey sida Somaliland oo kale.

Hase yeeshee ficiladiisa muuqdaa waxay ku soo beegmayaan Xilli Madaxyaweynta dhaqanka ee Somaliya ay Somaliland Amaankeeda ku majeeranayaan, iyadoo ay Caasimad hargeysa ka qireen amaanka ka jira in aanay Somali inteeda kale ku arag wixii ka danbeeyey Kacaankii Siyaad Barre.

Madax dhaqameedka Somaliya ee ku sugan Caasimadda Hargeysa oo ku quus qaatay munaasiabadda 18-ka May ayaa qiray in Somaliland tahay Dal Madax banaan oo sugtay Amaankiisa isla markaana dad ahaan isku tashaday kuwaas oo mudan Somali inteeda kale in aanay xaasidin.

Hab-dhaqanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ka Madaxweyne Siilaanyo ayaa la odhan karaa waa laba aan meel wada istaagi Karin, si kasta oo uu ugu daydo Siilaanyana aan marna lagu sifayn Karin wax isku dhaw.

 

 

 

 

Baarlamaanka iyo shacabka Gal-mudug oo taageeray Gooni isutaaga Somaliland

“Xorriyadoodu waxay wax taraysaa Somaliya iyo Islaamka oo dhan waa inaan laga xaasidin”

Gaalkacayo(Waaheen) Baarlamaanka Maamul Goboleedka Somaliya ee Gal-mudug iyo shacabka maamulkaasi ayaa si buuxda u taageeray madax banaanida Somaliland, iyagoo munaasibado kala duwan ku qabsaday xarunta Baarlamaanka iyo goobo kale oo muhiim ah.

Xildhibaan Cali Baashe Jimcaali Abtidoon oo ah Guddoomiyaha guddida Amniga Baarlamaanka maamul Goboleedka Gal-mudug

“anigoo ah guddoomiyaha guddida Nabadgelyda iyo difaaca Maamul Goboleedka Gal-mudug waxaan qabaa in wax-garadka iyo bulshaduba tidhaahdo Hambalyo goonis isu taaga Somaliland. Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa xuska gooni isutaaga Somaliland oo aan leeyahay jira oo jooga. Waxa kaloon ku talin lahaa Somaliland Horumar ayay gaadhay ma fiicna xaasidnimo Dadkoodii ayay dhiseen, Dalkoodii ayey dhiseen, waxbarashadii ayay Guul ka gaadheen, Amnigii ayay Guul ka gaadheen, Cilaaqaadka Caalamiga ah ayay guul ka gaadheen waxaan leeyahay ha la taageero, waxaan u arkaa Gooni isutaagoodu inuu dan u yahay Ummadda Somaliyeed iyo dhamaan Islaamka oo dhan.” Ayuu yidhi

Xildhibaan Cali Bashe waxa uu intaas raaciyey “Ma dhici karto nin jaban oo fadhiya oo niyadu ka xun tahay in lala sugo nin kabmay oo talaabsaday oo wax qabsaday. Shalay iyagaa noo yimi maantana inay kaligood gooni isu taagaan xaq ayay u leeyihiin” ayuu yidhi

Dhinaca kale, Dadweynaha magaala madaxda Gal-mudug ee Gaal-kacayo ayaa iyana munaasibado kale ku qabtay magaaladda iyagoo si weyn u taageeray Madax banaanida Somaliland.

 

 

KHUDBAD MADAXWAYNE “ISHA AYUU KALA HELAY” Cali Guray

Gudoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray oo had iyo jeer naqdiya khudbadaha iyo hadalada madaxweyne Siilanyo ka akhriyo fagaarayaasha ayaa Xuska 18-ka May bogaadiyey, soona dhaweeyay khudabadii Madaxweyne Siilaanyo ka akhriyey munaasibadii Qaran ee xuska 18-ka May, isagoo sheegay inay ahayd khudbad madaxweyne u qalanta.

“Waxaan ka mid ahaa intii saluugtay ee naqdiday Khudbad Sanadeedkii Madaxwayne Siilanyo uu ka hor jeediyay labada gole taas oo shakhsi ahaan anigu aan ku tilmaamay inay ahayd kuligeedba ” HADALO FIICFIICAN OO LA TAXAY” oo ay ladnaan lahayd hadii inta ugu yar uu Madaxwaynuhu Khudbad Sanadeed kiisa ku soo qaadi lahaa gol daloolooyinka dhabta ah ee mucaardku ay u soo jeediyaan xukuumadiisa ee dhegaha uu ka gufaysto iyo sidoo kale tabashooyinka dadka tabaalaysan ee uu madaxwaynaha u yahay.

Maanta Khudbadan uu madaxwaynuhu jeediyay xuska munaasibadda18ka Mey waxaan marka hore qirayaa in ay ka fiican tahay tiisii hore ee uu ka jeediyay Labada Gole hortooda. Madaxwaynuhu markan wuxu sheegay ama qiray inay jiraan gol daloolooyin dhab ahi dhinaca xukuumadiisa waxa aanu ku balan qaaday in uu wax ka qaban doono, isaga iyo Allihiisa eh.

Wuxuu ka hadlay kuna booriyay wada tashi, midnimo, iyo isku duubni. Wuxu qiray in “CAADO LA GOOYAA CADHO ALLEH” leedahay, Somaliland na ay ku soo caano maashay wada tashi, is qancin iyo isu tanaasul, taas oo aynu ognahay in madaxwaynuhu yahay isaga laftiisa cidda Simaliland ka salguurisay sifihii wanaagsanaa ee lagu majiiran jiray bulshada caalamku na inoo qiray in sida aynu u soo wadnay geedi socodka qaran dhisku, gaar ahaan dhinaca dawlad wanaaga marka ay tahay dhinaca dimuqraadiyadda, madax banaanida saxaafadda, xornimo hadalka iyo dhawrista xuquuqda aadamiga, inaga oo og hoos u dhaca iyo maga xumada arimaha ay soo xusnay oo dhan ka soo gaadhay Somaliland intii uu Madaxawane Silanyo Xilka hayay.

Waxa kale oo ka mid ah meelaha farta lagu godayo ee hogaamintiisa ku dhisan qabyaaladda, eexda iyo qaraabo kiilka oo weliba ay ugu badan yihiin xubno isaga QOYSKIISA KA TIRSAN OO AAN WAX XILAL AH QARANKA U HAYNIN HADANA ADEEGSADA AWOODIHIISA DASTUURIGA AH’ IYO WASIIRADA IDMAN EE REERKIISA.

Hadaba, odaygu hadii uu wax ka qaban karayo iyo hadii ay khudbadiisu hadal-tiro uun ka tahay ba waxa aynu odhan karnaa khudbadan odaygu “ISHA AYUU KALA HELAY” waanay u qalantaa, la isma caasiyo eh KHUDBAD MADAXWAYNE. Hadii ay u suurawdo inu u rogi karo ficil na hadalkeedaba daa.

“Habarjeclo, Habar yoonis iyo Habar awal toona inaguma soo Duulin ee Maamul baa inaga haysta Laascaanood” Cali Kahliif

Kalabaydh(Waaheen) Cali Khaliif Galaydh oo Haad geed waayey ka noqday deegaanka uu u dhashay ee Somaliland ayaa hadal naf la caaridnimo ku beerlaxawsaday dadka deegaanka Kalabaydh, isagoo ku codsaday in ay kala qayb galaan shirka Taleex oo uu sheegay dhawr jeer in uu u baaqday cabsida ay Somaliland ku hayso.

Cali Khaliif Galaydh oo doonayey in uu danihiisa siyaasadeed ee soo xidhmay ku dagaal galiyo dadka masaakiinta ah ee Reer Somaliland eek u Nool deegaanka kalabaydh ayaa ku yidhi dadweyne reer miyi u badnaa oo uu majarahabaabinayey “ Reer Kalabaydhoow idinkaa ugu xiga Laascaanood, Habar jeclo, Habar awal iyo Habar yoonis midkoodna inaguma soo duulin maamul baa inagu soo duulay, in aynu iska xorrayno ayaa loo baahan yahay oo aynu maamul samaysano” ayuu yidhi

Cali Khaliif isagoo doonaya in uu dabka ku guro reer Kalabaydh waxa uu intaas ugu daray “ Ilmihii yaraa ee dhashay maalintii ay Somaliland Laascaanood qabsatay waa Lix jir, jiritaankeenii iyo Mustaqbalkeeniiba waxay doonayaan in ay baabi’iyaan oo la inaga waayo nin Geed soo fadhiista oo ka baana, waxaan idin leeyahay 1991-kii baan halkan maray anoo Guuraynaya magaalo may ahayn laakiin maanta waa idinkaa buuxa, waxa la idiinka fadhiyaa Hub iyo Ciidan iyo Ergo shirka Taleex taga in la idinka helo” ayuu yidhi

Isagoo dhibaatada ka hor taagan qabsoomida shirka Taleex ka hadlayey waxa uu yidhi “ waad arkayseen maalin dhaweyd in Ciidan xaragoonayaa illaa Saax-dheer tageen oo cid qori ku fiiqda la waayey, waad ogtihiin in shirkii dhawr jeer inaga baaqday, waxaan maanta Reer Kalabaydhoow idiinka fadhinaa inaad is Xorraysaan oo shirkaas ka bacdi Laascaanood gacanta ku soo dhigtaan, inta Laascaanood gacanka ugu jirto maamulkaas dad noqon maysaan” ayuu yidhi

 

Jabuuti oo si weyn looga xusay Munaasibada 18-ka May

“Madaxweynaha iyo Marwadiisa ayaa nagu taageeray in aanu ku qabsano venis oo ah duleedka Dekada Jabuuti” Safiirka Somaliland ee Jabuuti

Hargeysa(Waaheen) Bulshadda reer Somaliland ee ku nool Dalka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa Habeen hore  sameeyay  debaal deg ballaadhan isla markaana si diiran loo soo qaban qaabiyey taasi oo ka soo qayb-galeen dhamaan jaaliyadda somaliland ee ku nool Dalka Djibouti.

Xafladan debaal dega xuska Xuska 18-ka may ayaa habeen hore  fiidkii ka bilaabantay fagaarihii loo asteeyay in ay ka dhacdo xafladdaasi oo si heer sare ah loo qurxiyey,waxaana halkaasi ka soo xaadiray oo kala qayb-galay xafladdaasi Safiirka Somaliland u Fadhiya dalkan Jamhuuriyadda Djibouti Maxamed Xirsi Qalinle, safiir ku-xigeenka, xubnaha iyo masuuliyiinta kale ee safaaradda somaliland ku leedahay dalka Djibouti ka hawl-gala.

ugu horayn waxa halkaasi hadal kooban oo ku qotoma xuska maalintan qaran ee dalka somaliland ku suntan safiir Maxamed Xirsi Qalinle oo sheegay in ay tahay maalintani mid qiime iyo mudnaan gaar ah u leh somaliland guud ahaan, isla markaana ku suntan maalintii ay dib ula soo noqotay xornimadii habawday 60-danaadkii,wakhtigaasi oo ujeedada somaliland ay markii ay gumaystihii ingiriiska ka qaadatay xornimadeeda ay riyadii markaasi ahayd in la isla doonto wixii la isku odhan jiray shantii somaliyeed taasi oo markii dambe noqotay riyo aan rumoobayn.

Dhinaca kale waxa uu u mahad celiyey Dawladda Djibouti oo uu hormuudka u yahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, oo taageeradooda anay xafladda qiimahaasi leh ka dhacdeen jabouti, isla markaana Jaaliyadda somaliland loo ogolaaday in ay xafladooda ku qabsadaan meelaha ay xafladduhu ka dhacaan goobta ugu wanaagsan ee barxada venis ee duleedka Dekada Jibouti, taasi oo ay si ballaadhan uga mahad celiyeen jaaliyaddu.

isku soo wada duub oo xafladda ayaa si habsami ah oo sidii loogu tallo galay ah ku soo dhamaatay saacadihii iyada oo ay halkaasi ka tumayeen qaar ka mid ah fanaaniinta reer somaliland ee ku sugan Jibouti iyo fanaaniin reer Djibouti ah,kuwaasi oo la damaashaadayey boqolaal jaaliyadda somaliland ah ee soo xaadiray xafladaasi.

 

Al-shabaab oo Mandheera ku dishay Askar Kiiniyaan ah

“Waxay gubeen baabuur Jaad, kuwo kalena way qafaasheen”

Mandheera(Waaheen) Kooxda Alshabaab ayaa magaaladda Mandheera ee xuduudka Somaliya iyo Kiinya weerartay, waxaany halkaas ku Dilleen sida lagu soo waramayo Askar tobaneeye ka badan, sidoo kalena waxay gubeen gaadiid Ciidan, halka ay baabuur Jaad oo Nairobi ka timi ku qafaasheen isla dagaalkaasi.

Magaalada Mandheera waxa soo buux dhaafiyey Askar kiiniyaan ah weerarka kadib, hase yeeshee wax talaabo ah oo ay ka qaadeen kooxda Alshabaab ma jirto, halka kooxda Alshabaab ay baraha Internet-ka kaga baahiyeen Guusha ay ka gaadheen Weerarkaasi.

Alshabaab ayaa weeraro joogta ah iyo kuwo qarsoon oo qaraxyo ah ka fulisa maalin kasta gudaha Dalka kiiniya, taasoo wiiqday dhaqaalihii iyo Amaankii dalkaasi.