Halkan ka akhriso Wararkii Wargeysaka Waaheen Cadadkii maanta

0
81

Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Qaranimada Somaliland dhidibada u taagaysa ka jeediyey munaasibada Xuska 23aad ee 18-ka May ee 2014-ka

“Walaalahayo Soomaaliya waxaan leeyahay waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada.”

 “Walaalayaal, awrkii dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno”

 

Hargeyska(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Shalay  kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga Somaliland khudbad balaadhan uga jeediyay barxadda hore ee madaxtooyadda, halkaasi oo lagu qabtay xafladii ugu weynayd ee lagu muunaynayay munaasibadda 23-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
Salaadii subax waxa dadweynuhu u dareereen agagaarka madaxtooyada oo lagu qabanayey xuska 18 may, taas oo ciidanka, ururadda bulshadda, Ardayda iyo iskaashatooyintu la marayeen ciidanka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad ka soo jeediyey munaasibaddan loogu dabaal degayey madax banaanidda Somaliland, waxaanu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay nabad-galyadooda ilaashaadaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in qaddiyada JSL aanay ahayn mid caadifad ku dhisan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii dadka qaar caad iyo ciiro ka saaran tahay waxaan u cadaynayaa in gooni isku taagga Somaliland uu maanta baarka jaray 23 sano oo gow ah, oo aanu salka ku hayn caadifad, hase ahatee tani waxay ka markhaati furaysaa mid gaamuray oo ka marag kacaysa qadiyadoodda, muddo kasta oo ay qaadanayso waxay dadkani diyaar u yihiin inay u dhabar adeegaan oo dhiig kale ku daadiyaan.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaynu dhidibbada u taagnay dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen nabad-galyo iyo dhawrista xuquuqul aadanaha, iyo nidaam doorasho oo ku dhisan asxaab taas oo dunida in badan inagu majeerato.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Soomaaliya waxa uu yidhi “Walaalahayo Soomaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada.”
“Walaalayaal, awrkii dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuurro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday himiladda JSL ka leedahay wada hadaladda u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada Soomaaliyeed u horseedi kartaa in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa dawladihii sida hagar la’aanta ah gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi, haatanna diyaarka u ah inay sii wadaan dedaalkaas”.
Dadweyne aad u faro badan ayaa badhtamaha magaaladda u yimid daawashada gaardiska ciidamadda kala duwan ee Somaliland iyo gaadiidkoodda oo marayey wadada, ka dib markii ay dhoolo tuska ciidankii iyo dadweynihii dhamaaday waxa mar kaliya suuqyadii iyo wadooyinkii ku soo dareeray dadweyne aad u faro badan oo aad moodo in meel lagu hayey, maadaama ay gabi ahaanba gaadiidka la joojiyey intii dabaaldegu socday, isla markaana dadku lug ku yimaadeen badhtamaha magaaladda,ayaa markii gaadiidkii la fasaxay waxa mar qudha magaaladda ka bilaabmay hoon iyo sawaxan faro badan oo dhalinyaraddii ay intii munaasibadu ka socotay gaadiidku ka xidhnaa suuqa ku soo daayeen, iyagoo gaadiidkooda ku xidhay sameecado waaweyn oo ay ka qaylinayaan heeso wadaniya.

Madax dhaqameedka Somaliya eek a qayb galay Xuska 18-ka May oo Aqoonsaday Somaliland

“Dawlad Soomaliyeed oo maanta taagan oo lagu naaloodo Somaliland baa jirta. hal shay oo idin ka dhinaa oo aqoonsiga ahna maanta ayaanu idin ku wareejinaynaa” Madax dhaqameedka Somaliya

Hargeysa(Waaheen) Madaxdhaqameedka Somalia ee todobaadadii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland ayaa sheegay inay si Buuxda u aqoonsanayaan Somaliland islamarkaana ay arkeen dad iyo Dal u qalma in la aqoonsado.

Madaxdhaqameedkan oo munaasibada 18-ka May kaga qayb galay Hargeysa islamarkaana garab fadhiyey Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay leeyihiin Awooda in Somaliland Somalia fasaxdo, si dunida Citiraaf uga hesho.

“Magacaygu waa suldaan Cabdicasiis Cumar, maanta xafladan aanu aragnay iyo labadii todobaad ee aanu joognay,waxaanu soo aragnay waxa ay mudan tahay oo ay istaahishaa Somaliland Aqoonsi. Waxaan xasuustay Gabadh heesaysay oo heeska aan ka dhagaysanaayey  uu ahaa “maxaa loo daba socdaa somaliland dadkeedu hadduu tashaday” Gabadha sidaas u hadashay waxaan maanta abaal marin u siinaynaa anaga oo ah dhaqankii Soomaaliyeed, in maanta aanu soo dhawaynayno Xoriyadda Somaliland. waxaan si buuxda u aqoon sanaynaa Xoriyada Somaliland, waxaanan idinka codsanaynaa mar koowaad iyo mar sadexaad ba dawlad soomaliyeed oo maanta taagan oo lagu naaloodo Somaliland baa jirta. hal shay oo idin ka dhinaa oo aqoonsig ahna maanta ayaanu idin ku wareejinaynaa. waxaan doonaynaa in caalamku Ogaado in aqoonsi buuxaaanu siinay Somaliland, dawlad buuxdana ay tahay” ayuu yidhi Suldaankaasi u hadlayay Madax dhaqameedka oo VOA la hadlay.

Suldaanka oo la waydiiyey in hadalkoodu yahay mid dareenkooda ay ku cabirayaan iyo in awood ay u leeyihiin Citiraafka Somaliland waxa uu yidhi “dareenkayaga ma cabiraynee dalka somaliya anaga ayaa wakiil ka ah waxaan anaga ahayn oo wax ansixin karaana ma jiraan”

Waxa kale oo ka mid ahaa hadalada Madaxdhaqameedkaasi“ horta waxaan soo xasuustay wax 24 sano ka hor ay iigu dambeysay, waxaan arkay Dal iyo Dad tashaday oo wanaagooda samaystay, markaa waxaan leeyahay way istaahilaan in la citiraafo”

Oday dhaqameedka Somalia oo ka koobnaa ilaa 45 Madaxdhaqameed ayaa 21 ka mid ahi hore ugu noqdeen Muqdisho, halka 24 kale Bulshada Somaliland kala qayb galeen Xuska 23 guurada ka soo wareegtay Markii Somaliland gooni isku taagtay sanadkii 1991-kii.

Madaxdhaqameedkan ayaa si rasmi ah u shaaciyey, in Somaliland u qalanto Citiraaf haddana ay ku barbar taagan yihiin in la citiraafo, haseyeeshee waxaa laga dhur sugayaa sida ay uga hadlaan marka ay Muqdisho ku noqdaan iyo sidii ay Xukumadda muqdisho ugu qancin lahaayeen Aqoonsiga Somaliland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Kumanaan Dadweynaha Reer Boorama kala qayb galay Xuska 18-May.

“Walaalayaal waxey dowladu ku heelan tahey in ay ka midho dhaliso Yoolkeena, idinkana waxaa la idiinka fadhiyaa sidii noola barbar joogsan laheydeen Taageeradiina.”Saylici.

Hargeysa(Waaheen) Madexweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa fagaaraha Kheyriyada ee Magaalada Boorame shalay uga jeediyay kumanaan ka tirsan dadweynaha ku nool Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal oo u dabaal degayay 23 guurada kasoo wareegtey Xuska Maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May  Khudbad tafdheer oo ka hadletysa dhinacyo badan islamarkaana, uu Dunida Caalamka ugu gudbiyay fariin adag oo ka hadleysa in aanay indhaha ka qarsan.

Madexweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), oo Khudbad taariikhiya ujeediyay Reer Awdal waxa uu kala hadley Dadweynaha Gobolka Awdal iyo Shacbiga Reer Boorame waxaanu  ku dardaarey in guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland ay ku jiraan tartan taas oo loo baahan yahey, in aanay doqoniimo aheyne ay tahey in loo kala badinayo hurumarka iyo waxqabsiga oo ay tartanka ka qeyb galaan sida uu hadalkiisa u dhigay

“Walaalayaal Reer Booramow Maanta waa Maalin Weyn illaahaybaa Weyn waa maalin qiima leh oo aynu u dabaal degayno sanad guuradii 23aad  ee kasoo wareegtey gooni isu taagii iyo dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyada Somaliland oo dhamaanteen farxad inoo ah, waxaan marka labaad hambalyo Guud u dirayaa dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba gudo iyo dibadba, Munaasibada maalintan qaran ee Xuska 18ka May Awgeed, waxaan kale oo aan halkan hambalyo gaar ah uga dirayaa dhamaanba shacbiga Reer Awdal gaar ahaana dadweynaha Reer Boorame, ee sida quruxda badan leh ee sharafta leh ee aad dareenkiina u muujineysaan isugu soo baxdey, waxaan idin leeyahey hambalyo hambalyo, hamabalyo, waxa kale oo aan idiinka mahad celinayaa sidii diiraneyd ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo waftiga aan hogaaminayayba, Walaalayaal dabaaldegeenu wuxu muujinayaa oo Caalamka tuseynaa inagoo dowladnimo ku dhawaaqney 1991kii, oo hada laga joogo sadex iyo labaatan sanadood ilaa maantana uu Caalamku ina hagradey markii aynu shuruudihii dowladnimo oo dhan  dhameysaney, waxeynu tuseynaa walaayaal caalamka in ay qadiyada Somaliland tahey mid aan laga noqon kareyn, walaalayaal waxey dowladu ku heelan tahey in ay ka midho dhaliso yoolkeena, idinkana waxaa la idiinka fadhiyaa sidii noola barbar joogsan laheydeen midnimadiina iyo hurumarkiina” Ayuu yidhi Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa isagoo sigaar ah ula hadlaya Dadweynaha Reer Awdal “Walaalyaal Reer Awdalow maanta dalku wuxu kujiraa guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland tartan, tartan ayaa lagu jiraa, tartanka la tartmayaa ma aha tartan nacasninmo waxaa loo tartamayaa sidii Gobolba Gobolka kale uga hurmari lahaa, Xukuumad ahaan anagu waxaanu idiin balanqaadeynaa inaanu ka shaqeyn doono Arimaha Bulshada iyio hurumarka dalka,walaalayaal dalalka caalamka waxa inaga dhexeeya guud ahaanba Xidhiidh fiican oo ay Somaliland kala shaqeysey arimaha Istriaajiyada u ah mandaqada hadey noqoto ladagaalanka Budhacd badeeda, hadey noqoto ladagaalanka argagixisada,oo aynu dalal hore u jirey kaga firfircoonahay, iyo arimo badan oo kale, waxeynu xiligan uga fadhinaa caalamka in ay aqoonsi buuxa inay ina  siiyaan”Ayuu yidhi Madexweyne Kuxigeenka Somaliland.

Waxa kale oo Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ka hadley in aqoonsiga Somaliland ay dani ugu jirto Wadanka aynu jaarka nahey ee Soomaaliya iyo wadamada dariska ah intaba, isagoo beesha caalmakana usoo jeediyay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland laakiinse aanay wali ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen ee looga fadhiyo hada sidii ay u aqoonsan lahaayeen Somaliland oo maanta 23 jirsatey, waxa kale oo ugu baaqey in Caalamka in ay Somaliland uga fadhido in ay ka caawiyaan dhinacyada Mashaariicda Dhismyaasha waaweyn ah (Isturucture)ka sida dhismaha Wadooyinka.

Waxa kale oo uu gabagabadii Khudbadiisa,kusoo laqimay Madexweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici in maanta caalamka oo dhan laga daawanayo Munaasibadan, isagoo Reer Awdal ugu gunaanadey,guuleysta guuleysta guuleysta.

Waxa kale oo isaguna Munaasibadaasi khudbad qiima leh ka jeediyay, Wasiirka Xanaanad Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, isagoo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayirna hadal kooban ka jeediyay madasha kuna soo dhaweeyay Madexweyne Ku-xigeenka.

Gabagabadii waxa uu booqdey Madexqweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) kadib markii ay dhamaatey Munaasibadaasi Cusbitaalka Xayaad oo Cidhifka Waqooyi kaga yaala Magaalada Boorame, isagoo markii dambena, socod ku dhex marey gudaha Magaalada Boorame, oo uu aqal aqal u galey, kadibna waxa soo daba guurey boqolaal qof oo kamid ah shacbiga Reer Boorame, oo uu qof qof u salaamay intooda badan.

 

Magaalada Burco oo Si weyn looga Xusay 18-May.

 

Burco(Waaheen) Magaladda Burco Ee Xarunta Gobalka Togdher ayaa Waxa Shalay  si Baladhan Looga Xusay Xuska Maalinta Qaran-Nimada S/land Ee 18 May.

 

Dadwaynaha ku Nool Magaladda Burco Oo iyagu shalay aroortii  isugu Soo Baxay Garoonka Diyaradaha Burco  si ay Ugu Debaal-Degaan Munasibadda 18 May.

 

Xuskani Maalinta Qaran ayaa Waxa Dadwaynaha Reer Burco Kala Qayb-Galay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,Wasiirka Boostaha iyo isgadhsiinta,Badhisabka Togdheer iyo Maayirka Degmadda Burco,isu-duwayasha Laamaha Dowladda Gobalka Togdheer, Arday, Haween iyo Marti Sharaf Aad u Tirro Badan.

 

Ugu Horraynba Waxa Xuska Maalintaasi 18 May Dadwaynaha ku Nool Magaladda Burco Kala Hadlay Goob Fagaare ah Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad iyo Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Waxaanu Sheegay inay Maalintani Tahay Maalin ku Qaaliya Shacab Waynaha Reer Somaliland isla Markaasna Loo Baahan Yahay in la Wayneeyo Xuska Maalintani.

Wasiirka Boostaha iyo isgadhsiinta Somaliland Oo isaguna Dhankiisa ka Hadlay Xuska Maalintani ayaa Sheegay in Aanay Maalintani iska iman Balse ay usoo Tabceen Mujaahadiin Nool iyo Kuwo Dhintayba.

Waxaanu Wasiirku Sidoo Kale Shacabka Gobolka Togdheer usoo Jeediyay inay Wayneeyaan Munaasibada18 May Oo Uu Sheegay inuu Gobolka Togdheer Yahay Halkii Lagaga Dhawaaqay Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta S/land Xuseen Cabdi Ducaale Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa ka Sheekeeyey Sidii ay ku Timi Xuska Maalintani, Waxaanu Wasiirka Sheegay in Xukumadda Uu ka Tirsan Yahay intii ay Xukunka Haysay ay ku Talaabsatay Horumar la Taaban-Karo isla Markaasna Loo Baahan yahay in Xukuumada Lagu Taageero Wax-qabadkeeda.

 

Ugu Danbayntii Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May ayaa iyadu Gabi ahaanba Si Baladhan Looga Xusay Magaladda Burco iyo Degmooyinka Hoos Yimaada.

 

 

Gobolka Saaxil oo Badd iyo Berri-ba lagu xusay 18-ka May

 

Berbera(Waaheen) Dabaal dega 18 May Sanadka 20014 ayaa  Shalay laga  Xusay Magaalada Berbera, Waxana  Lagu Soo bandhigay Dabaaldegii  Ugu balaadhnaa ee ka Dhaca Gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera.

Xiligii Laga Soo baxay salaada Subax Ayaa Waxa  Dib Usoo Oogsaday  Mikirifoonadana  La Saaray Baabuurta oo   Ilaa habeen hore  Saqdii Dhexe  Ay ka baxayeen Heesaha loogu Talo galay Xuska 18may.

Xuskan Ayaa wacdarihii u Waynaa Waxa Dhigay Dekada Magaalada Berbera  oo Aan madax iyo Mijoba ukala hadhin Waxaanay Soo bandhigeen Dabaal Degii u Horeeyay ee lagu qabto .

 

Dhinaca Badwaynta  Illaa Boqol Laash oo lagu xardhay calanka Somaliland Ayaa Lagu dabaal Degay Munaasibadan shalay ,Taas oo ay tacab Badan galiyeen Maamulka Dekada Berbera, Sidoo kale Waxay Dhinaca beriga kusoo bandhigeen Konteenaro Iyagana lagu Xidhay Calankii u Waynaa e Somalilland Lagu sameeyo

Waxaa iyaguna kaalin wayn ka qaatay xuskan  18may Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera oo Todobaadkii u Danbeeyay Ka shaqaynayay  Sidii Maalintani u Noqon lahayd  Tii Ugu Balaadhnayd ee laga Xuso Gobolka Saaxil  , Waxaanay wadooyinka  Magaalada ku Qurxiyeen  calanka Somaliland  iyo Calaamado Muujinaya Maalinta 18 may iyo Siday Ku dhalatay.

Waxaa iyaguna xusid Wayn Mudan Ururada Bulshada iyo Wakaaladaha  iyo ganacsatada Waawayn oo si Laxaadle  uga Dhex Muuqday Shirkada Oomaar oo si Layaable uga qayb qaadatay dabaal degan, Waxaana ishu qabanaysay Boodhadh waawayn oo calanka somaliland ah oo ay ka dhex muuqato calaamada Orgiga ee Oomaar,

Wakaalda Xooga Korontada ayaa  Bilic wayn kusoo Kordhisay magaalada Berbera  habeenadii u danbeeyey oo Meel walba cadaysay kuna Xidhay laydhadh Lagu xardhay calanka Somaliland, Shaqaalaha Wakaaladaasi ayaana Kusoo wada Labistay calanka Somaliland. Dabaal degan Ayaa waxa lagu xasuusan Doonaa markii u Horeysay ee ay ka Qayb qaataan Ciidamada kala Duwan ee Somaliland Saldhigyada  Berbera.

Hawlwadeenada wasaarada caafimaadka ayaa iyaguna si balaadhan  Uga qayb qaatay,     Wasaarada Waxbarashada  Ayaa Soo Bandhigtay Dabaal Deg wayn  Ardayda oo Ku Labisan Dirayskooda iyo Calanka Soomaaliland ayaa Socodyo Dhaadheer ku Maray Magaalada Berbera ,Waxaana Horkacayay  Masuuliyiintooda.  Guud ahaana shacbiga Reer berbera shalay umay kala hadhin  Xuska 18may Inkastoo Jewigu Aad u Kululaa, Guud Ahaana Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Saaxil Xusasku Way ka Dhaceen.

Badhsaabka Cusub ee Gobolka Saaxil   Fahmi Cabdi Bidaar Ayaa dardartii ugu waynayd galiyay Xuskan  Waxaanu Durba ka Midha dhaliyay hawshii ugu Qiimaha Badnayd ee uu la Kawsaday Gobolka Saaxil Waa Maalinta Xuska 18may  oo Guud Ahaanba Gobolka Laga Xusay,

 

Degmada Gabiley oo Si weyn looga Xusay 18-May.

Hargeysa(Waaheen) Kumanaan Kun Oo Ka Mid Ah Dadweynaha Reer Gabiley Ayaa Isu Soo Bax Balaadhan Oo Ay Ku Xusayeen Xuskii 23-aad Ee Qaranimada Somalialnd Ee 18-ka May Ayaa Waxaa Kala Soo Qayb Galay Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan Oo Kala Qayb Galey Munaasibadaasi .

Dadwaynaha Reer Gabiley Ayaa shalay  Aroornimadii Hore Ku Qul-Qulay Dhinaca Galbeed Ee Magaalada Oo Ay Dad-waynaha , Ardayda Iskuulada  Iyo Ciidamadu Socodkooda Ka Soo Bilaabeen . Abaaro 9:30 Ayay Dadwaynaha Reer Gabiley Iskugu Soo Biyo Shubeen Fagaaraha Khayriyada Magaalada Gabiley Oo Ahayd Halkii Loo Asteeyay Munaasibadaasi .

Wasiirka Warshadaha Abiib Tima-cade iyo Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe shiine ayaa hadalo ku saabsan 18-May ka jeediyey madashaasi iyaga oo ka hadlay hanaankii ay ku timid Maalintani, dhanka kale Waxa heeso wadani ka qaaday madashaasi  Fanaaniinta Xidigaha Geeska.

 

Jamacada Admas oo Xarunteeda ku Qabatay Xaflad Balaadhan Munaasibada 18-ka May.

Hargeysa (Waaheen)Jaamacada admas ayaa Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qabatay Xarunta Campuska wayn ee ay ku leedahay Magaalada Hargeysa, Munaasibadan oo ahayd Diyaar garawga Xuska 18-ka May ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Waraasada Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha, Masuuliyiinta sare ee Jaamacadaasi, Ururka Unuga Wadaniyada Somaliland oo qayb ka ahaa Xaflada, ardayda wax ka dhigata iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn  Muuna Casayr Jaamac oo ku hadlaysay Afka Gudidii Qaban qaabada Xaflada 18-ka May ayaa ku dheeraatay Xaflada iyo qiimaha ay leedahay Xuska Maalinta ay Somaliland dib ula soo noqotay Xoriyadeedii  18-kii may 1991-kii, Ururka Unuga Wadaniyada Somaliland oo intii Xafladu socotay si wayn uga dhex muuqday ayaa ka waramay Ujeedada Urukooda, oo ku soo urura kor u qaadista iyo dhawrista jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland sida ka muuqata magacooda.

Waxa kale oo Munaasibada hadalo kooban ka eediyey Ixsaan Cumer Ismaaciil waxaanu yidhi “anigoo ku hadlay Macaga Jaamcada Admas waxaan Halkan halkan uga hambalyeynayaa dhamaan shacabka reer Somaliland munaasibadan Qaaliga ah ee 18-ka may, halku dhiga maanta meesha yaala waxa weeyi horu mar iyo ictiraaf labadaas uun kuma xidhna, wax laga filayaa aqoon yahanada inay ictiraafka ku raadiyaan articles la qoro oo caalamka laga dhaadhiciyo Somaliland, Horu marka waxa keena Dhalinyaradan meesha fadhida,  hadaan u hurtaan dalkiina ugu hurtaan Aqoontiina iyo xoogiina iyo kartidiina, waxaan hubaan in Horu mar wayn la gaadhi karo, horu markaa hadii la gaadhana Ictiraaf baa iman doona, markaa waxaan idinkula talinayaa inaad dadaalkiina libin laabtaan”,  Ayuu yidhi Ixsaan.

Intii ay Munaasibadu socotay waxa halkaasi lagu soo bandhigay Riwaayado ka turkumaya qadiyada Somaliland, Heeso Wadaniya iyo barnaamijyo xiiso galiyey dadkii ka soo qaayb galay munaasibadaasi,waxa kale oo madasha laga jeediyey khudbado kala duwan oo dhinacyo badan leh oo ay ka mid ahay Khudbad qiimabadan oo uu madasha ka jeediyey Agaasimaha Guud ee dhalinyarada iyo ciyaaraha oo ku dheeraaday marxaladiihii loo soo maray dib ula soo noqoshada Xornimada oo uu sheegay inayna dhalinyarta maantu wax badan ka ogayn dhibaatadii loo mutay sidii dib loogu heli lahaa xoriyadii 1960 ay Somaliland lumisay taasi oo ay dadaal badan ka dib dib ula soo noqtay 1991-kii, waxaanu dhalinyarta kula dar daarmay inay ku dadaalaan sidii ay wadankoda u horu marin lahaayeen.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Duulita iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha ka hadlay ayaa ka waramay Halgankii lagulasoo noqday Xornimada isagoo sheegay inayna Reer Somaliland ciil qabin maanta marhadii ay ay haystaan Xoriyadoodii, waxaanu intaa ku daray inay Dadkii Somaliland kaga dhintay Halgankii dibu xoraynta Dalka ay ka badan yihiin libinlaab dadka somaliya guda hooda iskaga dhintay,taasina ay tusaale fiican u tahay buu yidhi Nabada iyo daganaansha ay Somaliland haysato waxaanu mahadnaq balaadhan u jeediyey Jaamacada Admas iyo Unuga Wadaniyada Somaliland munaasibada 18-ka May.

 

Chief-caaqil cusub oo lagu caleemo saaray Hargeysa

Hargeysa(Waaheen) Chief-caaqilkan cusub oo lagu Magacaabo Chief-caaqil Aaden Xaashi Jaamac  oo loo caleemo saaray beesha Cabane Yaasuf ee Sacad Muuse ayaa Xaflad balaadhan lagu qabtay Hotel Safari ee Magaalada Hargeysa.

Caleemo saarkan waxa ka soo qayb galay Salaadiin, Culimaa’udiin, Madax-dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland  iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele  oo ah Suldaanka guud ee Beesh Reer Cabane ( Reerka doortay Chief-Caaqilkan Cusb) oo Hadal kooban ka jeediyay Xaflada ayaa sheegay in Chief-Caaqilkan Cusubi uu bedeli doono Chief-Caaqilkii hore Cabdisamad Aw Xuseen Xayd  ee isagu hore Xilkan u hayn jiray, sidoo kale, waxa uu sheegay in Chief Caaqilkan Cusub ay soo dhawaynayaan.   Waxaanu Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele  Chief-Caaqilkan cusub Eebe uga baryay in uu Xilkaasi Cusub ku asturo.

Salaadiin aad u tiro badan, Cuqaal, Culimaa’udiin, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo iyaguna Madasha ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyey Chief-Caaqil Cusub ee Beesha Cabane Yaasuf (Sacad muuse) iyaga oo ugu Duceeyey in ILaahay uu Xilka Cusub ku asturo oo u fuddudeeyo. Gabagabadii, waxa halkaasi lagu Celeemo saaray Chief-Caaqil Aaden Xaashi Jaamac, Hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyayna waxa uu si wayn ugu Mahadnaqay guud ahaanba Odayaashii Dhaqanka ee Caleemo saarkiisa ka soo qayb galay iyo Beesha Reer Cabane ee Xilkaasi u gartay. Waxaanu Chief-Caaqilka Cusubi Dadkii Madasha fadhiyay ka codsaday in ay ILaahay uga baryayaan in Hawshan loo xil saaray uu ku asturo.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Mawliid Cali Ibraahim, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, Suldaan Maxamed Daahir Cilmi, Caaqil Cabdisamad Xuseen NUUR, Caaqil Cabdilaahi Aw Xuseen Xayd, Caaqil Axmed Daahir (Axmed Raan), Prof Cabdi Cali Jaamac, Xildhibaan Ilyaas Aw Xuseen,  Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide.