Kulmiye (xuriyad) iyo Waddani (diktaatarnimad) W/Q Khadar Ibrahim‏

0
71

Waxaan jeclan laha in aan soo bandhigo caawa in is bar bar dhigo tartanka xisbiga kulmiye gudahiisa oo ah mid dumuqradiyadd ku asaasan iyo tartan la’aanta ka dhex jirta xisbiga waddani oo u arko diktatirnimo, maadama oo ucid musharaxiisa ku dhex doortay shirweyne gudahiis , hadaba waxan jeclan laha inay umaddo ogaato qolada ku socda habki u maamuli jiray siyad barre !!.
Xisbiga kulmiye sida aad u wada arkaysayn shirweynahoodii si cadaalad iyo cod ku tiris ay ku doortayn hoggamiyaashooda iyadoo jirtay xita tanaazul ,waxayna toostay umadda inuu yahay mid ku socda mar walba hab dumoqradiyadeed, maana aha wax cusob hadii musharaxiin u so soo sharaxaan jagada musharaxa xisbiga ee doorashadda 2015, waxana sharaxaan madaxweyne axmed silaanyo – muuse biixi- iyo safiirki SL. UK hore, marka ha laga barto cadaalada iyo sinaanta.

 

Xisbiga Waddani isagoo leh musharax kaliya imika kaas oo ah cabdiraxmaan cirro ,isago ku yimi shirweyne hore xisbigaas si sifo ku meel gaadh ah, hadaba muxu u qaban waayay waddani shirweyne si rasmi ah ugu dooran waayen musharax iyo gudoomiyaal rasmi ah?!!, maxa ku dhacay raggi ururadii laha sida Umadda, Horyaal, Jamhuuriga? Sida imika muuqato xisbigu wuxu ku socda si diktatirnimo ah oo aniga kaliya maamulayaa !! taasuna ila maaha in meel gaadhsin karto xisbigan, waxana waddani haysata maamul xumo, xidhiidh la’aan, dad iso bixiyay xilal aan jirin sida wararko sheegayaan!! Marka yaa ku socda habki xisbiga hanti wadaaga ee siyad barre !! .
Xisbiga ucid si sifad rasmi ah Jamaal cali xussen wuu u sharaxan yahay doorashada 2015, laakin dadka ku dooda waxyaabo aan jirin baa ayaa igu daran, marka laa eego labada xisbi kulmiye iyo ucid waxay maraan sharci , laakin waddani wuxu yahay iyo wuxu u taagan yahay aan la garanayn, waxan ka codsan lahaa raga ku jira waddani soo bandhiga oo doorta musharaxiina rasmiga ah ee 2015 !!.
Saadaashu waa khayr khayr khayr !!
W/Q Khadar Ibrahim A
Khadar338@hotmail.com