Sida dagmada gacan libaax ha loogu diyaar garoobo xuska loo sameynayo maalinta qaranimada dalkan jamhuriyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa 18ka may 2014.

0
39

Xarunta degmada gacan libax labadi wig ee ugu danbaysay waxay aheyd goob habeen iyo malin ay ka socdaan dadaalo iyo hawlo aad dareemi karayso in si baladhan loogu diyaar garobaayo xuska loo sameynayo maalinta qaranimada Somaliland ee fooda inagu soo haysa (18 May 2014).

 

Sidaas oo kale ayaa looga bahan yahay degmooyinka kale ee caasimada hargeisa iyo guud ahaan gobolada dalka jamhuriyada Somaliland oo dhan. Sii loo wayneeyo xuuska iyo dabaal dagyada loo sameynaayo maalinta qiimaha badan ee qaranimada dalkan sland waxan uu soo jeedinayna duqa caasimada hargeisa iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha in shahaado sharafyo lagu dhiri galinayo la gudoon siiyo xubnaha maamulka degmada gacan libaax, xubnaha shaqaalahooda ah ee kala qayb qatay diyaargarowgas, iyo ururada iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee iyaguna gacanta ka gaystay diyaargarowgas.

Waxan halkan bogaadin iyo hambalyo uga diraynaa:

1.      Maamulka iyo shaqaalaha degmada gacan libaax, sidoo kale iyo cid walba oo kala qayb qadatay diyaargarowgaas.

2.      Jaaliyada reer sland ee magalada shafiil ee dalka UK ku dhaqan sidii ay uga hawl galeen uguna gulaysteen ictrifaafka heerka gobol ah ee magalada ay degan yihiin.

3.      Golaha degaanka ee magalada shafiil sidii geesinamada lahayd ee ay u ansixiyeen dhawaanta uguna dhawaqeen ictiraafka sland.

Gunti iyo gaba gabadii waxan bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba leenahay fadhiga halaga kaco oo halagu daydo reer gacan libaax (gudaha) iyo reer shafiil (dibada)….

 

CABDILAHI CABDI CABDALE

MAXAMED CABDIRASHIID ABIB