ODAYAASHA HAWIYE MAXAA LOGU MARTI-QAADI WAAYEY XABAAL WARDEEDKII MAKA-DURRDURE?!!!!

0
122
ODAYAASHA HAWIYE MAXAA LOGU MARTI-QAADI WAAYEY XABAAL WARDEEDKII MAKA-DURRDURE?!!!!
“Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”
 
HTaariikhdu waa mid qorta wax kasta oo jira kana hadasha xaalada dhabta ah ee taagan iyo tan lasoo dhaafay, waxay ahayd intii u dhaxaysay 1980kii ilaa 1991 markii taliskii keligii talyaha ahaa ee uu garwadeenka ka haa Janaraal Maxamed Siyaad barre uu xasuuq aan loo kala hadhin ku sameeyey dadka ku dhaqan dhulkeenan Somaliland, misan si naxariis daro ah u dilaayey, u dhacaayey, oo kooxkoox iskugu xidhaayey dadka oo si qarsoodi ah loo dilaayey oo ciida loogu rogi jira amba iyaga oo aan ciida lugu rogin tukaha iyo Habardugaag Hilibkooda cuni jireen.
 
Ma rabo inaan ka sheekeeyo tariikhdaas maddaw, misana aan dadkayga Somaliland xasuusiyo dhibtii iyo tacdiyadii uu gaystay ninkaa keligii talyaha ahi, Laakiin waxaan rabaa in aan ka haddlo odaylaa kayim Casimada Somaliya ee Muqdisho yimidayna Casimada Somaliland ee Hargaysa, oo aan Ilaa hadda iyaga iyo xukumadu aanay caddayn ujeedada ay usocodeen, Bulshada dhaxdeedana ku noqotay Aamakaag iyo garanwaa, Si damaashaad iyo farxad lehna u dhexmaarayey dalka oo ay rabaan in maalinba gobol tagaan, misana joogaan oo ay arkaan xuska sanadguuradii 23aad ee Somaliland oo soo dhaw.
 
Soo dhawaynta iyo Martisoorku waa shay Somaliland ku caano maashay oo la inugma aqoon in martida aynu soori weyno, misana aynu kusoo dhaweyn weyno dalkeena, Laakiin su’aasha isweydiinta Muddan ayaa waxay tahay “Odayaashan Ma lugu casuumay in ay kaqaybgalaan oo ay tagaan Xabaalo wadareeyadii uu gaystey Taliskii ay taageersanayeen? Ma latusay dadkii iyaga oo tirada u xidhxidhan la aasay, ee Lugu xidhxidhay Waayirda iyo garaaidada aadka u adag ee ciidu cuni weyday???? Si ay u garwaaqsadaan in Somaliland gooni isutaageedu yahay mid muqadis ah oo ay tahay wax laga xumaado arinkaasina”.
 
Hadii aan sidaas la samayn waxay u muuqataa in ay isku arkaan niman yimi waddan ay leeyihiin oo somaliya ah , waxayna niyad jab ku tahay shacabka in Niman taageersan taliskii sidaas u galay aay laafyoodaan oo ay dhexmaraan waddankooda.
War yar oo aan kasoo xigtay gudoomiyaha odyaasha ayaa ah in ay u yimaadeen sidii ay wax uga baran lahayeen Somaliland misana ay yihiin oday dhaqameedyo aan meelina ka xidhnayn dhulka somalidu degto, Hadday sidaas tahay Maxay u iman waayeen markii Dadka Somaliland la gumaadayey ee Hilibkooda la jarjaraayey.
 
Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Timir lafbaa ku jirta” Anigu waxaan leeyahay arinkaas Ha lahubsado oo dawladu cod dheer shacabka ha ugu sheegto waxay u socodaan iyo shirarka ay wadda leeyihiin.
Ha yidhaahdaan Waxay inoo sidaan madaxbanaani, oo shacabku ha u dabaal dego, Hayidhaahdaan waxay inoo sidaan midnimo oo shacabku Shiid ha kaga saaro dalka, oo ha cadeeyaan Mawqifkooda.
 
 
ALLAH MAHAD LEH
Hamse Bashe Muhumed
2522-63-403 8503
Hargaysa Somaliland