Al-shabaab oo Nin ay Basaas ku sheegeen ku Toogtay Gobolka Gedo

0
145

Gedo(Waaheen ) Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa shalay  Galabta Fagaare ku yaala Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku Toogtay Nin ay ku sheegeen in uu la shaqeynayey Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya  in Maleeshiyaadka Al-shabaab ninkaan ay ku Toogteen Fagaare ku yaala Degmada Baardheere,waxaana  lagu Magacaabaa Shaqsiga ay Al-shabaab Toogteen C/xamiid Sh.

Al-shabaab Horjooge u hadlay ayaa sheegay in Ninkaan uu u shaqeynayey Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya,oo Xogta Al-shabaab ee Gobolka Gedo uu gudbin jiray.

Shaqsigaan Maleeshiyada Al-shabaab ay ku sheegeen Basaas ayaa Da’diisa lagu sheegay 29-sano,waxaana Toogtay 4 ruux oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-shabaab Dad ay ku sheegeen Basaasiin ay ku Toogtaan Goobaha ay Soomaaliya ka Maamulaan