“Madaxweyne Siilaanyo Dalku Uma Bahana Shan sanno oo Danbe oo lugoyo ah ee iska Naso.”Cabdirashid Riyo Raac.

0
129

Hargeysa(Waaheen) Xog-yahay Qorshaynta ee Xisbiga Waddani Cabdirashiid Muxumed Cali  ayaa Madaxweynaha Somaliladn ugu baaqay in aanu Mar labbad dalka iska soo sharixin, isaga oo sheegay in 5 sanno ee hore loogu doortay shacabka somaliland lugooyo ku tahay, balse aanay u bahnayn 5sanno oo lugoyo ah.

Sidaasi wax auu ku sheegay Wareysi uu siyey Waaheen iyo Radio Hilaac.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi.“Anaga wadani  ahaan dhawaaqistaasi sharcidaro  ayaanu u aragnaa, in aan ahayn waxa lagu kalsoonan karo, Dee waxa weeyi madaxweynuhu Maalin ka hor ayuu Golaha Barlamaanka hortagay oo Qudbadii sanadlaha ahayd ka akhriyey, kumu darin oo muu sheegin in uu musharax yahay, Af-hayeen afkiisa ku hadla ayuu leeyahay oo madaxtooyada jooga isna ma sheegin, wasiirkii madaxtooyadu ma sheegin inta afka madaxweynaha ku hadasha waa intaasi, waxaan leeyahay wasiirka Warfaafintu isagu afka qaranka ayuu ku hadlaa, haaddii aan wasaaradiisa aan layska sharaxayn anagu ma aqoonsanin in qaranka laysku sharaxay, waxaanu leenahay haaddii xaata madaxweynaha Afkiisa ama dadka ku dhaw dhaw ka soo bixi lahayd anagu uma aragno in ay ku haboon tahay in madaxweynaha Somaliland mar Labbad is sharaxo, sababo badan oo ay ka mid yihiin shan sanno oo la doortay oo dhamaad ah meel wadankii maray lama hayo, waxa uu ka qabtay oo sax ah lama hayo, siyaasadeeni dibada meel ay jirto lama oga, tii gudaha ma jirto oo nabadgelyo la’aan iyo dhibaato badan ayaa jirta, waxaynu soo galay Doorasho golaha deeganka illahay sida uu inooga saaray waad ogeydeen, waxaan leeyahay madaxweyne Intaas oo dhibaato ah oo lugooyo ah ayaad dalka u geeystay ee dalku lugoyo kale uma baahane  ee iska naso oo dib haysku soo sharixin.”Cabdirashiid Riyo raac.