Maayirka Degmada South-walk ee Magaalada London oo Booqasho Hargeysa ku yimid.

0
101

mayirHargeysa (Waaheen) Maayir Degmada South walk ee Magaalada London ee Dalka Ingiriiska Md.Cabdilaahi Maxamed Badmaax ayaa Galabta si weyn loogu soo dhaweyey Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Maayirka ayaa waxa soo dhaweyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan, Lataliyaha Xidhiidhka Hay’adaha ee Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdifataax, Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Maxmaed Cabdiqaadir, Maayir Ku-xigeenka Degmada Hargeysa Cabdicasiis Cagweyne, Marwadii madaxweyne Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Dahir, Maareeyaha Talefeshinka Qaranka Khadar cali Gaas iyo Xildhinaano iyo siyaasiyiiin kale.

Maayir Degmada South walk ee Magaalada London ee Dalka Maayir3Ingiriiska Md.Cabdilaahi Maxamed Badmaax ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedada Safarkiisa Somaliland waxaanu yidhi “Waddanka waxaan ka Maqnaa Muddo Lix sanno ah, sababta ugu weyn ee  aan u socdaa waxa weeyi in aan eego hanaanka dalka horumarkiisu u socdo, iyo arrimo badan oo aan doonayo in aan dalka ku caawiyo, waxa kale oo aan la kulmidoona madaxda qaranka Somaliland, anigu muddo 12 sanno ayaan Xildhibaan ahaa imikan Xaafad London ah ayaan Maayir ka ahay, marka dalkayga hooyo wixii u bahan yahay waan u qaban, waxaanan doonayaa in xog baddan aan hello mudada  aan joogo.”Ayuu yidhi Maayir Cabdilaahi.

mayirMaayir ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Md.Cabdicasiis (Cagaweyne) iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Maxamed cabdiqaadir ayaa hadalo soo dhaweyn ah haalkaasi ka jeediyey iyag aoo Maayirka ku soo dhaweyey Dalkiisa hooyo ee Somaliland, waxayna ku dardaaren in wixii dalkiisa uu la qabankaro uu la qabto.MaayriMaayir1