Amniga Caasimadda oo si aan hore loo arag loo adkeeyay iyo Dareenadda ku Xeeran

0
98

12Hargeysa(Waaheen) Ciidamada Ammaanka ee Magaaladda Hargeysa ayaa si aan hore loo arag fatishaad iyo baadhis iskugu daray cid kasta oo wadata Baabuurta kala duwan ee jidadka Magaalada dhex-mara iyo kuwa soo galaba iyadoo mararka qaar dadka bacaha waaweyn xambaarsan ee wadada hareeraheeda socda laftoodana la baadhayay.

Dhacdooyinka kale ee ku cusub baadhista Ciidamada Boolisku sammayn jireen ayaa ah in Dadweynaha rakaabka ah ee Saaran Basaska waaweynk iyo kuwa yar-yarba in dhulka la taabsiiyo lana soo daadejiyo ka dibna qof-qof loo baadho.

Hawl-galkan xoojinta amniga Magaaladda Hargeysa ee ay wadaan Ciidanka Boolisku ayaanay illaa hadda Taliska Bilaysku ka hadal arrintan keentay xoojinta amniga, balse wararku waxay sheegayaan inay arrintan la xidhiidho Xuska Sanadka 18ka May oo ku beegan maalinta Axada ee toddobaadka socda.